Shacabka magaalada Muqdisho oo diyaar garowgii ugu dambeeyey ugu jira munaasabada ciidul Fitriga

16.08.2012 (Moment Media) – Iyadoo bisha barakeysan ee Ramadaan ay ka hartay maalin ama labo maalmood ayaa waxaa magaalada Muqdisho qeybaheeda kala gedisan laga dareemayaa diyaar garow wejiyo kala duwan leh oo qeybaha bulshadu ay ugu jiraan soo dhoweynta munaasabada ciidul fitriga oo la hadal hayo iney ku beegan tahay Sabtiga ama Axada midkood.

Meelaha ugu daran ee laga dareemayo diyaar garowga ciida ayaa waxaa ka mid ah suuqyada bacadlayaasha ah oo lagu arkayo dad u badan haween jiidaya caruur loo soo iibinayo dharkii ciida iyo waxyabaaha kale ee lagu ciyaaro, iyadoo mararka qaarkoodna ciriiri awgeed dadku ay isbuuranayaan.

Dhinaca kale, waxaana iyana mashquul fara badan laga dareemayaa goobo badan oo ay ka mid yihiin timajarayaasha goobaha dumarku isku qurxiyaan ee loo yaqaano Beauty Sallon-ka, dawaar layaasha dharka tola iyo foornooyinka lagu dubo buskutka iyo doolshaha oo haween fara badan ay buux dhaafiyeen.

Sidoo kale waxa jira dad fara badan oo tuban goobaha lagu iibiyo macmacaanada kala duwan kuwaasoo iibsanaya waxyaabo ay ka mid yihiin xalwooyin yo macmacaano kale oo ay ka mid yihiin baalbaalow Shu-shumow iyo noocyo kale oo macmacanka ka tirsan, waxaana dhinaca kale cabashada ugu weyn ee dadku ka qabaan ay tahay sicir barar saameeyey suuqyada.

Ciidan oo ah mid ka duwan kuwii sanadihi la soo dhaafay maadaama magaalada ay nabdoon tahay, ayna dib u soo camireen inta badan kumanaan qof oo sanado ka hor ka cararay dagaalada ayaa dhinaca kale waxaa jira dad ku nool xeryaha barakacayaasha iyo magaalada inteeda oo indhaha ka daawanaya diyaar garowga asaagood ay ugu jiraan ciida, duruufaha nololeed ee heysa awgood, waxayna ku soo aadeysaa ciidan xili kala guur ah oo la filayo in doorashooyin madaxtinimo ay ka dhacaan caasimada todobaadyada soo socda.

—————————

Writing is a struggle against silence.Prof.Ibrahim

Posted on August 16, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: