Shariif Xasan ma isagaa is matela mise waxa uu matelaa Digil iyo Mirifle?

August 15, 2012 (Moment Media)- Guud ahaan madaxda dowlada KMG Soomaaliya waxa ay kasoo jeedaan gobolo iyo beelo ay matelaan, mid kastana waxa uu xooga saaraa danta guud ka sokow mida beesha uu matelo balse arinta gudoomiyaa baarlamaamka Shariif Xasan Sheekh Aadan waa ay ka duwan tahay sidaas.

Shariif Xasan waa nin inta badan tiisa ka fikiro isaga oo meel iska dhigay beelaha uu magacooda kusoo galay siyaasada ee Digil iyo Mirifle.
Shariifku waxa uu xooga saaraa inta badan dantiisa gaarka ah isaga oo aan marnaba ka fikirian mida beelaha uu kasoo jeedo ee Digil iyo Mirifle halka uu ku fashilmay tan guud ee ummada Soomaaliyeed.
Tusaalooyinka aan soo qaadan karno ayaa ah in xiligii abaaraha uu Shariif Xasan dhegaha iyo indhahaba ka qabsaday dhibaatooyinka dadka uu kasoo jeedo ee Digil iyo Mirifle oo kamid ahaa dadkii ay inta badan sida daran u saameysay abaartu.

Shariif Xasan marnaba ma uusan booqan xeryihii ay ku jireen barakacayaashii magaalada Muqdisho inuu wax taro iskaba dhaafe, taas bedelkeedna waxaa  tiro dhow jeer ah soo booqday barakacayaasha madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.
Xiligaas, Shariif Xasan waxa uu ku mashquulsanaa urursi lacago iyo dhaqaale uu maanta ku to fikirayo inuu mar kale siyaasada kusoo laabto isaga oo weliba ah madaxweynaha dalka Soomaaliya!!
Hada oo ay ciidamada dowlada KMG Soomaaliya qabsadeen deegaano fara badan oo ay horay gacanta ugu hayeen ciidamada Xarakada Alshabaab ayaanu maalina booqasho ku tegin deegaanadaas, waxaana u dambeysay degmada Afgooye oo kamid ah deegaanada ay degaan beelaha Digil iyo Mirifle oo uu 3 jeer soo booqday madaxweyne Shariif.
Gudoomiye Shariif ayaanan maalina ka hadlin dhibaatooyinka ay ciidamada dowlada ku hayaan dadka degmada Afgooye oo ah dadka uu mateli lahaa magacoodana siyaasada ugu jiro.
Aqristayaal waxaan idiinsoo gudbin doonaa haduu Illaah idmo danaha gaarka ah ee Shariif Xasan oo aan anaga ugu magacdarnay Shariif daneyste!!

——————————-

Proofread carefully to see if you any words out.Prof.Ibrahim

Posted on August 16, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: