Shirkii Madaxtooyada ku dhexmaray Madaxda Hawiye oo ceeb ka raacday Shariif Ahmed.

21 August 2012 Moment Media Group – Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Shariif Sheekh Ahmed ayaa weji gabax kala kulmay beesha uu ka dhashay ee Hawiye kadib markii lagula taliyay inuu iska casilo Musharaxnimadiisa.

Beelaha Hawiye waxay ku taliyeen in Dr Cadow,Dr Baadiyow,Yusuf Garaad iyo Prof Warfaa laga xusho hal Musharax oo Madaxweynenimada isku taaga.

Mudane Shariif Ahmed waxaa lagu yiri ” Adiga Faroole ayaa kuu taliya oo Majeerteen xitaa taageero ka heysan,fariiso qaladkaad gashay ayaa meel kuugu qoran” .

Hadalada ugu kulul ee Odayaasha Hawiye kula hadleen Shariifka waxaa ka mid ahaa.

“Adigoo beesha Hawiye saamigii ay dowladda ku laheyd ku fadhiya kursiga madaxweynenimada Soomaaliya ayaa waxaa maalin walba ku gilgilaya Faroole oo Majeerteen oo dhan aan haysan, oo Garoowe iyo Boosaaso ka taliya, qaladaadkii ugu waaweynaa ee aad ku dhacday waxaa ka mid ahaa in aad ogolaato in shirarkii Garowe 1 iyo Garowe 2 laga weeciyo Muqdisho, oo Garoowe lagu qabto adigoo ku dhaqmay siyaasad jilicsan, iyo adigoo madaxweyne ah inaad ku raacdo Cabdiraxmaan Faroole in garoonka diyaaradaha Gaalkacyo oo lagu muransanaa loogu magac darro C-llaahi Yuusuf oo ahaa hogaamiye kooxeedkii ugu weynaa Soomaaliya ee waddanka ku soo hogaamiyey ciidamadii Xabashida ee dalka xusuuqa ka geystay`ayuu yiri Caaqil Xassan Maxéd`.

Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye Nabadoon Xasan Maxéd Xaad oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay jiraan qaladaad badan oo dhacay, haddana qaladaadkaasi ay noqonayaan wax aan ka soo qaad laheyn marka loo fiiriyo xaaladda siyaasadeed ee uu dalku ku sugan yahay, wuxuuna xusay in beesha Hawiye ay tahay dowlad ku nool, ayna u baahan tahay in dalka laga hirgeliyo maamul ay madax ka yihiin maadaama ay dalka ka yihiin “majority”.

” Faroole oo u adeega danta reerkiisa oo aan marna afkiisa ka soo yeerin dan Soomaaliyeed ma ahan nin lala dabaaqtami karo, anigu waxaan qabaa in Majeerteen aan loo nisbeyn karin waxa uu ku kacayo Faroole”ayuu yiri Maxéd Cali Siciid oo ka mid ah siyaasiyiintii shirka ka hadashay, wuxuuna intaa ku daray in laga shaqeeyo sidii Soomaali la isugu baadi goobi lahaa, loogana shaqeyn lahaa nabadeynta & dowladnimada Soomaaliya.

Shariif Ahmed oo laga sugayay inuu talada loo jeediyay qaato ayaa afkiisa laga waayay eray aan ahayn “Hawiyow maradaa iga dhacday ee marada ii celsha maanta,waadna arki doontaan meeshaan uga soo haro Faroole”

Posted on August 21, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: