Afsoomaaliga iyo Dhalaanka Qurbaha maxaa isweydaarshay?

Wednesday, August 22nd, 2012 -Luqaddu waa furaha nolasha iyo isfahamka noolaha, xayawaanka iyo aadanaba. Waxaa lasheegaa inay jiraan kudhowaad ilaa 6,909 oo luqadood dhamaan daafaha caalamka, inkastoo wax kayar 300 oo kamidda tiradan ay leedahay far laqoro. Kudhawaad 473na ay cidhifka usaaran yihiin asal-go. Saddex-dalool meel kamida waxaa looga hadlaa qaarada Africa.

Hadaba shaki kuma jiro in luuqadda qaybteeda hadalku ay kafacweyntahay qoraalkeda. Luqaddu waxay gun-dhig utahay waxyaabo badan oo ay ummadu hammuun uqabto, iyadoo noqonaysa maskaxda dhaqaajinaysa koboca dhinacyo badan.

Sidoo kale waxaa ladhihi karaa waa “engine” ka ama matoorka wada horumarka ummadi ku talaabsato. Waxaa markaa isweydiin mudan yaa u xilsaaran howshan culus ee ina hortaala? Jawaabtu runtii waa ay sahlantahay, waxaa qaadaya mas’uuliyadan waddada loogu furayo mashaariicda fidinta, dhisidda, hagaajinta ladoonayo inay ku socoto hab “automatic” ah, qaybaheeda kala duwan sida: Sugaanta (literature), Naxwaha (Grammer) hal-abuurka erayo cusub oo kaba qaybaha cilimiga ( developing new words for academia).

Wax soorkan xagga luqaddaa waxaa hogaanka uqabanaya bulshada, dhalinyarada, aqoonyahanka, abwaanada, ardayda, haweenka, reer-miyiga iyo wixii kalee lahal maala. Waxaa iyana xusid mudan in afsoomaaligu kujirin luqadaha dabar go’aya xaalado jira awgeed oo ay socoto badbaadinta shaqsiyaadka keliya ee ka hadhay dhaba-qabashada afafkan luqadaha qalaad lagu yidhaah “ Endangered Languages” luqadaha tirtirmaya, haddii ay xijaabtaana ay noqonayso dhamaadka luqaddaa ay dhici karto inay malaayin sano lagu manfacsanayay.

Afkeena hooyo nasiib wanaag hadduu ka badbaaday luqadaha cirib go’aya hadana muusan helin dad iyo hay’aad uhagarbaxa kana haqabtira baahida balaadhan ee uu tabayo. Dhab ahaantii waxaad deehankartaa dhibu dhacan lixaadka badan dhinacyo muhiima oo ay dhalaanka soo korayaa ubaahnaan donaan inay ku helaan afkooda hodankaa haddana habsaamka, sidda garabyadda cilimigaa (academia) ee caafimaadka, teknolijiga, injineeriyadda.

Caqabadahan hortaagan afka soomaaliga waxay xadiday qofka cilmi doonkaa ee caalamkan maanta aanu joogno ku nool ee loo yaqaan “Information Age” ama Jiilkii Macluumaadka”. Shaki malaha in weli xagga miyiga dhaqaaq tamartiisu xoogantahay weli jidho dadkiisuna iskuma taxluujiyaan barashada luqadda ahmiyad weyna siiyaan, laakiin dhinacyadii kale laseegay.

Hadaba, hadaan udhaadhaco dulucda hadalkayga iyadoo ay jiraan caqabadahan aan horay usoo sheegnay ee haysta mushtamaca Soomaaliyeed inay afsoomaliga sare uqaadan lana mid-dhigaan luqadaha kalee caalamka ay sugayso , weli ma’isweydiisay maxaa sugaya jiilalka dambe ee kudhashay ama ku barbaaray qurbaha.

Maxaa looga tabaabushaystay saamaynta isbedelka kudhacaya dhaqankii, luqaddii iyo diintii mustaqbalka dhow iyo kan fog labadaba. Dhalaanka soo koroyaa dhaqankii, caadooyinkii, luqadeenii soojireenkaa maxay kahaystaan maanta? Afkii hooyo maku hadli karaan? Ama sikale hadaan udhigo masaadaalinkartaa muqstaqbalka dad caynkee ah ayay noqonkaraan?

Su’aalahan jawaabahooda mafududa, waa jawaabo ubaahan fikir iyo baaris qoto dheer in lagu sameeyo, laakiin wax unba laga saadaalinkaraa, wakhtiguna soo shaac-bixin doona. Marar badan baan waxaan maqlaa waalidiin Soomaaliyeed oo ka cabanaya in ubadkoodii ay ka haajireen luqaddeeni, ayna marwalba jecelyihiin inay ku hadlaan luqadda wadankaa ay saldhigteen.

Waalidka Soomaaliga inkastuu adeegsado luqadiisa markuu joogo gurigiisa xiliyadda caruurtu lajoogaan misena waxaa ladhihi karaa kuma fila intaa oo keliya inay da’yartu ku bartaan luuqadda loo socdo “Target language”.

Bay’adu waa albaab adag oo ku tarbiyeeya caruurta inay qabtaan luuqada waalidkood. Sideedaba dhaqanka iyo hiddaha barashadooda waxaa loo maraa luqadaha, luqad barashadeedana suurtagal maaha in lagaadho heer (proficient) sarre, la’aanta (language culture) dhaqanka ku geedaaman luqadaa.

Fiiro Gaara:

Waxaan xasuusta, anigoo yadh oo Muqdisho kunool baan jecelaa inaan ku hadlo lahjadda waalidkay oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka Mudug. Laakiin ay ii suurtoobi weyday qabashada lahjaddaa waayo bay’adaa iyo dhaqanka deegaamada soomaalida oo kala yara duwan awgeed, badalkeedana aan kuhadlayay tan “xamariga” anigoo aan dalal kaleba utalaabin oo waxaa ii xoogsheegtay bayaddii markaa aan joogay ee caasimadda Somaliya. Maxay kulatahay kuwa dibadaha nool dabadeed?

Miyeysan ahayn inaan la’eedayn caruurta lageeyay qurbaha ee afsoomaaliga awoodi kari waayay inay isticmaalaan. Caruurtu boqolkiiba konton waxay joogaan meel kabaxsan guriyahooda oo ay la-falgalayaan caruur kale oo ka luqad, dhaqan, iyo diinba duwan.

Dhaqanka iyo hiddaha barashadooda waxaa loo maraa luqadda looga hadlo deegaankaa qofkuna ku cabiro cushuurtiisa iyo firkadihiisa.
Sidaa awadeed ubadka waxaa ka xoog badhshay dadkii kalee katiro badnaa, iyo luqaddii dalka oo ay ku qasbanyihiin inay fahmaan si ay ugu fududaato noloshooda, soomaaliduna waata tidhaahda “Biyo kaabadan iyo dad kaabadan way ku hafiyaan”

Isfaham la’aanta jirta caruurta un yaan carada lagula dhicine waalidku waa inuu gartaa meesha uu yimi iyo hab-dhaqankii hore ee caruurta lagu barbaarin jiray dhulkeeni inuu isbadalay. Farqi maleh kuwa ku koray carabta, yurub, waqooyiga maraykanka ama daafaha kalee dunida, inay awoodi la’ayihiin barashada afsoomaaliga waayo weli qurbe ayaanu ku meereysaneyna. Inagoo lasocona in luqaddu tahay xarigii isku hayay qoyska, hadduu go’anna ay lumayso jiritaanka mushtam walba, hadana caws jiilaal waa lama huraane, dhulkeeni waa in dhalaanka yar yar loo dhaadhiciyaa.

Waalidiinta fara kutirskaa ee kasoo baxa ma’uuliyadooda ee qurba joogtaa oo aan mid kamida lasheekaystay ayaa igu yidhi “ Caruurtan aan maraykan kala soo cararay oo aan carab iyo aasiya kula cararay inay daqankii iyo diintu ubadbaado weli soomaali dhaba maaha, oo waxaan ogaaday in wax badan kamaqanyiin” Maaha in markaa lagu dag-dago in la’iska yidhaahdo caruurta maxay luuqadayda ubaran la’ayihiin, waa fudayd iyo laablakac aan xaqiiqda kudhisnayn.

Gabagabadii iyo guntu waxaa weeyaan in xisaabta lagu darsado isbelka yimid, waxyaabaha keenay isbadalka soo kordhay ee deegaanada cusub ee lagu noolyahay.

————————–

image

I love being a writer. What I can’t stand is the paperwork.Prof.Ibrahim

Posted on August 22, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: