Beesha Caalamka Oo Go’aan Ka Gaadhay Cabashadii Beelaha Hawiye

image

22 August, 2012 – Iyadoo Maalintii Shalay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Magaalada Muqdisho ay gaareen Odoyaal ka soo Jeeda Beelaha hawiye korna u dhaafayay Illaa Toddobaatan Oday iyo Dumarba ayaa waxaa arrintii Cabashadooda la sheegay in wax laga qabanayo.

Odoyaashan ka soo jeeda Beelaha hawiye oo ay wehelinayeen Tiro Dumar ah ayaa Maalinimadii Shalay gaaray Xafiiska Wakiilka Qaramada Midoobay ee magaalada Muqdisho kuwaasoo ka cabanayay joojintii Xildhibaano ka soo jeeda beelahaas laga hor joogsaday inay ku Biiraan Xubnaha Cusub ee Barlamaanka Soomaaliya.

Odoyaashan oo Xafiiska qaramada Midoobay gaaray ayaa halkaa ka gudbiyay Cabashadooda ku aaddan in la oggolaado 38 Xubnood ee Guddiga farsamadu ka hor joogsaday in ay ka mid noqdaan Barlamaanka Cusub oo Soomaaliya.

Odoyaashan ayaa sidoo kale ka Cowday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya cabdiweli Maxamed Cali Gaaz oo ay ku Eedeeyeen in isagu uu yahay Ninka qaska ka wada gudaha Magaalada Muqdisho.

Odoyaasha ayaa ka codsaday Ergayga qaramada Midoobay ee Soomaaliya  Mahiigga in uu wax ka qabto Cabdiweli Maxamed Cali Gaaz oo ay sheegeen in uu doonayo in Soomaaliya ay dib ugu noqoto Sanadkii Sagaashameeyadii ee ahaa dagaaladii Ahliga ahaa waa sida ay hadalka u dhigeenee.

Ergayga Qaramada Midoobay ayaa sheegey in wax laga qabanayo  Cabashada odoyaashan isla markaana Beesha Caalamku ay aqbali doonto in Xildhibaanadaas hore looga hor joogsaday in ay Barlamaanka ku biiraan la Oggolaan doono  isla markaana ay ka mid noqon doonaan Xubnaha Cusb ee Barlamaanka.

Dr Mahiigga oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in Madaxweynaha Soomaaliyana uu noqon doono ama Jagadaas uu qaban doono Nin ka soo jeeda Beealaha hawiye si Magaalada Muqdisho Nabadda ka bilaaban tay ay u sii waarto.

Wararka u danbeeya ayaa sheegaya in  Dr Mahiigga uu Maanta kulanla leeyahay Guddiga Farsamada isagoona kala hadlaya sidii wax looga qaban lahaa Cabashada ka soo yeertay Odoyaasha  ka soo Jeeda Beelaha hawiye.

Si kastaba kulanka uu maanta la leeyahay Mahiigga Guddiga farsamada ayaa lagu wadaa inuu ku qanciyo Guddigaas sidii ay u Oggolaan lahaayeen Xubnihii Beeshaas ka soo jeeday ee Hore uu Gudigaas isaga hor Istaagay ku soo Biiritaankooda  Barlamaanka Cusub ee Soomaaliya.

————————–

The desire to write grows with writing.Prof.Ibrahim

Posted on August 22, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: