Nin adduunya joogoow maxaa aragti kuu laaban! Horaa loo yiri, marna miyaad is tiri WARAABAA la cuni doonaa – Waraabaha Maxaa Xiga!?

Wednesday 22 August 2012 -Soomaalidii hore Wadaadada siyaabo badan ayey uga hadleen, ammaan, dhaleecayn, wiirsi iyo maadba isugu jira, mid walbana dhacadeeda ayey lahayd.

Guud ahaan wadaadadu marna Siyaasadda kuma jirin, isuma soo hagoogin, han iyo hawana kama galin, hadallo u yaallay, haaneed ka ilaalinayey iyo habsami la dhawrayey awgeed, haddana wadaadadu si guud qayb ayey uga ahaayeen hagidda qaab nololeedka bulshada iyo maaraynta mashaqooyinka maalmaha.

Dhahdooyinka meelmaray ee dhawaqa dadka iyo dhagahooda ku badan ee ku saabsan WADAAD waxaa ka mid ah: “Ragga iyo Dumarka yaa badan?” jawaabtu waxay noqotay: “Haddii Wadaadada lagu daro Dumarka ayaa badan!” mar kale waxaa la yiri: “Wadaad Dad u eki ayaa ugu dilaa, Abeesana Dhul u eki”.

Marna waxaa la yiri: Wiil labaatan jir ah oo murqo kuus ah ayaa geed ka booday, Wadaad meesha ka dhawaa ayaa asna damcay inuu ka boodo, wadaadkii geedkiina kama boodin, maradii uu guntanaana way ka bidday, markaas ayaa wiilkii wuxuu yiri: “Wadaaddku inuusan Oodda ka boodi karin waan ogaaye waxaa idmanaa in Cawradiisa la arko!” dhanka kale, waata la yiraa: “La joojiyaana bannaan, la jiifiyaana bannaan!” oo wadaad laga soo gaaray.

Uma jeedo dhaleecayn ama caay, ee bal aan dhalanrogga dhacaya wax yar ka dhaho, Diintu waa Raxmad u soo degtay Dadka, waa aqoon looga boxo Jahliga, waa iftiin looga gudbo mugdiyada, waa ambo qaadada Hor-u-marka, bidhaamisada dhabbaha ilbaxnimada, waa aruurisada samaanta, waa kaydka anshaxa iyo hoyga dhaqanka suubban, waa….. waa… Marka laga soo tago ceebaynta iyo cillad u yeeliddeda, ama haaraammada iyo haydaarrada kaga imaanaysa Caqliga iyo Cilmiga, ama cid gooni u colaadinaysa.

Diimuhu markoodii hore waxay ahaayeen erayo aan qornayn, waxay ahaayeen erayo hadal ahaan loo meersho, balse, ka dib qaab fahamka laga qaato erayadaa ayaa wuxuu isu badalaa wax ku lifaaqan oon marnaba ka go’in, ama ka soko mara ishii dhabta ahayd, waxayna keentaa inay Diintu isu bedesho erayo micno la’aan ah, maadama laga soko mariyey xayndaab adag oo ay ku wareejiyeen Dadkii ka ag-dhawaa imaashaha Diinta, la kow saday soo dajinteedii ama laga soo gaaray.

Haddaba, Fekerka Diiniga ah ee ka dhasha qaab macnaynta iyo sida loo jaangooyo erayada, waxaa ka dhasha in la sameeyo jaangoyn aan cidna dhaafi karin ama ka gudbi karin, maxaa yeelay ugu horrayn Diimuhu ma yimaadaan iyagoo qiran, waxay Dadka soo gaaraan iyagoo ah: hadal afeed la maqlo ama la dhagaysto, Dadka ka agdhow darka shanqarta ama jiilasha xiga ayaa u sameeya sargoyn, ku meera xayndaab iyo dayr adag! Ugu dambayn, u xuub siibta inay ka mid noqoto qayb aan ka go’in, waana dhibka jira oo maanta la dhaafi la’nahay, bal adigu hadalladii Wadaadada Madaahibta dhinac u dhaaf iyo waxyaabo badan oo caynkaa ah.

Ugu horrayn, mid waan ka sii afeefanayaa calooshood u shaqaystayaasha Khaliijka ku xiran ee loo soo diray inay jahawareerkaan shacabka in aan la ii arkin inaan qaar ka mid ah taageerayo, sidaa waxaan u leeyahay TOLKA TIMIRTA CARBEED ku midaysan ayaa dhawaanahanba dhawr qayb kala noqday, oo uu dhexeeyaa dagaal qabow, marka yaan loo malayn inaan qolo ka mid ahay u xaglinayo.

Ani ahaan Maxamed Cabdi Umal taariikhdiisa, aqoontiisa diimeed iyo sooyaalkiisa midna kama hadli doono mana dananayaba inaan dhankaa isku mashquuliyo, oo waxaa la yiri: “Dad iyo Dugaagba daymaa iga deeqda!” kuma sii jirto haddayba foolxumo iyo falal qaabdaran ku kacaan, marka waxaan isku dayayaa inaan xoogaa yar ka iftiinsho arrimo badan oo dahsoon, si dadku ugu baraarugaan.

Maxamed Cabdi Umal in badan ayuu ku dhex milnaa siyaasaddan gurracan ee Soomaalida, marka laga soo tago inuu Soomaali yahay, marka laga soo tago inuu wadaad sheegto ama yahayba, marka laga soo tago iyo marka laga soo tago……

Umal wuxuu in muddo ah umadda Soomaaliyeed ee la ildaran abaaraha, gaajada iyo colaadaha ku wareershay sheekooyin diimeed gurracan, mar walbana dhan xun iyo dhabbe qalafsan u jeediya, la yiri: “Ri’ walba Shillinka ay dhigtaa lagu gawracaaye!”malaha shacabka Soomaaliyeed isagaa isu horseeday in arrima caynkan ah oo kale qabsadaan.

Maxamed Cabdi Umal inuu TOLKA TIMRTA ka mid yahay marka laga soo tago, sidii ay u dhasheen balaayadii MAXAAKIMTA lagu sheegay wuxuu si firfircoon u dhexgalay dhaqdhaqaaqyadii wadanka ka socday, si toos ah iyo si dadbanba, wuxuu qayb weyn ka qaatay dhacdooyin xoog leh oo wadanka ka dhacay xilligaa, oo dad badan aysan dareen sanayn, taageeradan kaligiis kuma ahayn, Soomaali aan taageerin wuuba yaraa.

Maxamed Cabdi Umal wuxuu ka mid ahaa wadaadadii aadka u taageeray WADAADADII WAALLIDA WADAY “MAXKAMADIHII” oo uu si kal iyo laab  ah u taageeray, haddii awood lagu maquunshay meeshana ka bexeen wuxuu u weecday dhanka gurracan, isagoo JIHAAD ku tailmaamay wixii ALSHABAAB wadanka ka wadeen, GAALAYSIIYANAdawladdii uu hoggaanka u hayeen C/laahi Yuusuf Axmed iyo Cali Maxamed Geeddi, sheekadaa Culimo kale yaa la wadaagay, qaarkood geeriyaadeen Allaha u naxariistee.

Maxamed Cabdi Umal intaa kuma ekaysan, markii Kooxda Asmaha ee uu horjeege u ahaa Shariifkan haddana madaxweynaha ay go’aansadeen inay wada hadal la furaanXukuumaddii Nuur Cadde, wuxuu isku dayey inuu Isbaaro u dhigto si aan loo wada hadlin, isagoo si cad uga soo horjeestay in wada hadal la billaabo, Ayaado baas iyo Axaadiis Janna jeebaabka iyo Boorsooyinka kala soo baxay, Wallee waa yaab, Aayado diidaya Sokooye wada hadalaya! Aqriste, macno ma u haysaa?!

Haddii wada hadalkii la isku afgartay, oo la dhisay dawladdii Shariif madaxweynaha ka noqday, ayuu marka kale dhanka kale ka joogstay, isagoo wiilashii gafuurka duubnaa ku caraadiyey inay sii wadaan Jihaadka, kuna boorriyey inay Gaalada iyo Gala raaca la gadaalanaa si ay Janno, Xuuralcayn Indha waaweyn loogu abaal mariyo, aqriste, sidee u aragtaa abaalmarintan galmada laga dhigay?!

Xaalka oo sidaa ah, ayaa waxaa heshiis wada gaaray Jabhad ku kacsanayd maamulka Meles, oo lagu tirsho garab ka mid ah garabyada TOLKA TIMIRTA, oo la yiraa: “Midowga Jabhadda Xoreynta Soomaali Galbeed ( Western Somali Liberation Front) (WSLF) ” heshiiskaa ka dib, madaxdii ugu sarreyay Jabhaddaa ayaa isa sii taagtay Addis, kulanna la qaatay Meles, Maxamed Cabdi Umal Ayaadahiisii baas iyo Axaadiistiisii Jaan waxba ma tusin, oo ku aaddaan wadaadkaa la hesheeyey Meles,ee wuxuuba u taageeray si kal iyo laab ah, isagoo u daliishaday kelmad carabiya “Musaalaxo waa banaan tahay” Aqriste, hadda sidaan kor ku sheegnay heshiis  walaale Soomaaliyeed ayuu ka gacan taag, waa meeshii Islaantu ka tiri: “Wadaadoow Qiil aad ku bannaysato iyo Qandi aad ku shubato adigaa isku wata”

Xaalka oo sidaa ah, waxaa Gobollada Jubbooyinka iyo Gobolka Gedo loo soo Hindisay Mashuruuc la magac baxay AZAANIA, waxaa horjooge ka ahaa aqoonyahankii hore Prof Gaandi, oo aqoonta ka gaaray ilaa darajada Prof, maantase ku waayey xilkii Xildhibaannimo, inta maanta lagu xasuuqay, marras lagu laayey, Biri ma gaydo la bara kiciyey, marna Maxamed Cabdi Umal Aayadiis baas iyo Axaadiistiisii jaan wax uma shegin ku aaddan xasuuqaa dhacaya! Waxaaba dad badan aragti ahaan qabaan Gaandi aragtayaa Umal aragtay, micnaha kaad aragtaa waa kiisa kale, bal adba sheekada sii dhuux.

Dhanka kale, dawladda Kenya ayaa waareer qaawan ku qaadday deegaannada ay xadka la wadaagto ee Soomaaliya, ujeedka la iclaasnshay waa ARGAGIXISO baan baacsanaynaa, awooddana saaraynaa sidii loo tirtiri lahaa, waxaase qaroosan ujeeddo fog iyo qosrhe hoose oo ah sidii deegannadaa loo qabsan lahaa, Shidaalna looga soo saari lahaa, aqriste, bal adba soo xasuuso heshiiskii is afgarad, ee Prof Ibbi, Ina Cabdi Shakoor iyo Shariif Sakiin, Shariif Shariif iyo Ina Sharmarke la galeen Kenya, heshiiskaa ma balaayo ayaa nooga horraysay?.

Duullaankaa qaawan ee Kenya marna Maxamed Cabdi Umal kama hadal, Ayaadiisii baas iyo Axaadiistiisii Jaanna waxba a tusin, ma garan aniguye umal ma garan waayey in siduu u cambaaranayey wada hadalka dhexmaray Soomaalida is diiddaneyd, uu u cambeereeyo duqaynta Keenyaanku ku hayaan deegaannada koofureed ee dalka? Wallee waa yaab, aqrsite, maxaa kuu baxay?.

Maxamed Cabdi Umal unuu hadal iyo hawraar ka dhaho iska daaye, wuxuu ka joogsaday dhan ka fog, waxaa qarax ka dhacay magaalada Gaarisa, waxaa la beegsadayKaniisad, shaqsi ahaan Umal wuxuu ku nool yahay Nairobi, sida qof walba oo Idaacadda dhagaysta u maqlay ayuu u maqlay isna, balse, wuxuu Umal caddeeyey in qaraxaa ay ka dambeeyeen wiilal madaxa laga xaday oo dabcan ALSHABAAB ka tirsan.

Weydiinta ayaa ah, maadaama aysan ALSHABAAB sheegan,  maadaama aysan habaarqabayaashiiba isku sixin, Umaloow ma adaa ku saxaya? Waa yaab, aqriste, nin wadaad sheeganaya, diin aqrinaya, oo Kaniisad la qarxiyey ka gubanaya, marnana aan soo hadal qaadin kumannaan la qixiyey, boqllaalka Gantaalaha Sawaariida iyo Hoobiyayaasha lagu xasuuqo, sidee kuula muuqan karaa? Diineey xaal qaado nin duunyo kugu doonay muxuu ku dulleeyey!

Midi waa biya kama dhibcaan, in goob walba oo lagu CIBAADAYSTO ay tahay MUQADDAS, in lagu xadbgudbo ama la waxyeelleeyana ay ku reebban tahay dhaqan iyo diin  mid oggolaanayana uusan jirin, balse, weydiinta Umal iyo inta ku aragtida hortaal yaa ah: yaa qiimo badan Goob “Kaniisad IWM” ama qof nool oo waliba Soomaali ah? Aqriste, wa filaa inaad diinta wax ka taqaane, bal sii xasuuso Aayaddii ku jirtay Suuradda Almaidda, ee nambarkeed yahay: “32”.

Sida aan soo xusnay, dhib wixii horay u dhacay ama hadda dhacaya Umal wuxuu ka joogsaday dhan weecsan, haddana, wali waa ku joogaa dhan ka sii weecsan, horaa loo yiri: “Boqol tobon iyo afartaan aqaan, kaa aqrismaa yaa ku filan!” haddana, marka ay dhabarjab keenayaan ama dhibaatayn dhalinayaan ama dhalanrog hor kacayaan ama is dhiib hor seedayaan malaha waaba ku sii habboon tahay bay ila tahay, aqriste, adi sidee kula tahay?.

Dastuurkan hadda meelmerintiisa loo qalab qaatay, ayaa doodo badan laga soo jeedshay, dhaliiluhu waxay isugu soo aruurayeen qodobbo ka hormaaniyaa DHAQANKA iyo DIINTA, balse, Maxamed Cabdi Umal wuxuu yiri; “Inta dastuurka rabta dantooda ayey ka arkeen, inta diiddanna dantooda ayey ka waayeen” waaba iga su’aale miyuusan ka waantoobin inuu Soomaali mar walba meel uga dhoco? War qofkii yiri; Qodabka Jinsiyadda, Xuduudaha wadanka, Federalka, Caasimadda iyo inuuba ku meel gaar yahay awgiis ayaan ku diidayaa, ma dantiiisa gaarka ah ayuu ka waayey?!

Nin adduunya joogoow maxaa aragti kuu laaban! Horaa loo yiri, marna miyaad is tiri WARAABAA la cuni doonaa, oo haddana nin wadaad sheeganayaa bannayn doonaa, oo haddana dadku ku qanci doonaan? Alla maxaa dhalanrog dhacay! Waaba Waraabe xalaalayso, oo haddana ha la xishoon! Waa meesha laga yiri: “Waysha Gawrac Wanku ha u quus qaatee!”.

Dhacdada sanadkan ee mahadhada reebtay yaa ah, in la yiri WARAABE yaa xalaal ah, loona cuskaday daliil diimeed, xalaalayntaan waxaa hoggaanka u haya Umal, oo isagu sheegay in la ogaa inuu xalaal ahaa, balse, laga cabsan jiray! Haddaba, waxaan weydiin lahaa Umal: “Adiga haddaad horay u ogeed in WARAABUHU xalaal ahaa, maxaad mar hor noogu sheegi waysay? Maxaad mar hore u soo jeedin waysay? Maxaad mar hore u caddayn waysay daliilka qaba in  WARAABE xalaal yahay?”

Dhanka kale, Maxamed Cabdi Umal hadduu ogaa in WARAABUHU xalaal yahay, balse, dadka ka qariyey sida QURAANKA ku cad DAMBIILE, dabigan wuxuu ku cad yahay Aayadda ku jirta Suuradda Albaqra, ee nambarkeedu yahay “174” oo gooddi daran iyo mid adagba u dirtay kuwa qariya aqoonta iyo cilmiga guud ahaan, gaar ahaan midka diiniga ah ee la xiriira Cibaada iyo dhawrsashada qofka.

Ugu dambayn, haddii wax walba la iskala soo tagay, haddii dhaqan, hidde iyo caado wixii Soomaali lahayd laga dhigay qaar XAARAAN ah, qaar XUN, qaar XUUNBO ah, qaar laga XISHOODO, qaar laga XARRAGOODO, qaar XASARADO dhalinaya, qaar….

Mar haddii intaa iyo kuwa badan lagu kacay, ee lagu xadgudbay soo jireen iyo jiilalkii hore, oo isugu soo aruuraya DHALANROG iyo DHAQAN HALLAYN, waxaan manta maraynaa inaan u daliil goobanno WARAABE xalaalnimadiisa, haba loo daliil doontee, nin wadaad sheeganaya hadda uu la soo taagan yahay, ayaan darro miyaa dhimman?.

Midse waa inay caddaato, wax badan oo dhacaya, ee magac diin, magac qabiil, magac shirkad, magac siyaasad iyo magac fawdo ku dhaca ujeedka laga leeyahay yaa ah In umaddaan laga suuliyo dhaqankeeda suubban iyo hiddaheeda wacan, hadal iyo waanadiis waxaa dhammeeyey Shiikh Maxamuud Ow Cabdulle Cariif, ugana u daba mari maayoo, waa meeshuu Abwaan Faarax Shuuriye ka yiri:

Nin Cilmiga ku raagee bartaa xaqa hadduu raadsho

Ra’yi gaabtu waa uga hartaa rubac yaleeydaahe.

Faalladan waxaan ku soo afmeerayaa Geeraar uu tiriyey Abwaan Faarax Shuuriye oo xeeldheere ku ahaa Suugaanta Soomaalida, Geeraarkan wuxuu caan ku yahay: “Ma is raaci karaan?!” kana hadlaya qaybo badan oo nolosha ka mid ah, Abwaan Faarax Shuuriye wuxuu yiri:

Nin Salaadda rumeeyoo
Ruknigeeda yaqaanoo
Rukuucda iyo Sujuudda
Rabbigay ula jeediyo
Kub caddaaga riddoobey
Ma is raaci karaan?.

Ramadaan ninka Soomoo
Soddonkii iska reeboo
Maalintii rudhmo diidiyo
Nin Maqaayadda ruugoo
Hadba Rooti ka qaadan
Ma is raaci karaan?

Nin Masaajid ku raagoo
Cilmi raatib yaqaanoo
Wardigiisa ridaayiyo
Rufiyaanno dulloobay
Ma is raaci karaan?

Posted on August 22, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: