Barlamanka oo laga codsaday iney doortaan shaqsigii ka hor cadeeya in dalka laga joojiyo faraglinta Kenya iyo Itoobiya

06.09.2012 – “Wadan kastaa waxuu xaq u leeyahay in uu aayahiisa ka tashado oo u madax banana yahay cida uu ka dhiganaayo hogaanka dalka taa ma dhcin wali oo wali dalka Soomaliya waxuu ku jiraa gumeysi mal dahan oo loo yeeriyo wax walbo oo dan u aheyn Soomaalida” sidaas waxaa yiri Nabadoon Maxaad Caddo woo ka mid ah waxgaradka beelaha Soomaalida.

Nabadoonka ayaa intaa ku daray in dowladaha reer Galbeedka ay doonayaan dalalkooda iney ka difaacayaan gudaha Soomaliya si aysan u soo gaarin mushkalada ka aloonsan taasoo uu sheegay iney daliil u tahay qeyla dhaanta ka soo yeereysa wadamadaasi.

“Dadka Soomaaliyeed waxay isweydiinayaan waxa dhaqaalaha badan Mareykanka iyo Yurub u siinayaan wadamada, Kenya, Itoobiya, Ugaandha iyo Burundi oo askarta Soomaalida loogu heli la’yahay $150 bishii, halka askarigii dalalkaas ka jooga Somalia ee ka tirsan AMISOM uu mushahar ahaan u qaato bil walba $1,300” ayuu isweydiiyey Nabadoon Maxaad caddow oo hadalkiisa sii watay.

“Hadaba ma laheli doonaa shaqsi u taagan danaha dalka iyo Diinta mise madaxdeena waxay ka doorbidayaan in ay cabiid ama shaqaale u noqdaan wadamada reer Galbeed oo xiligaan la soo baxay gumeysi maldahan oo ku wajahan wadamada muslimka” ayuu yiri nabadoonka.

Nabadoon Maxaad caddow ayaa sheegay in Soomaliya ay 20 sano qas siyaasadeed ku wadaan dalalka dariska iyo Mareykanka kuwaasoo uu u arko ayuu yiri haddii ay Soomaaliya mar kale cagaheeda isku istaagto iney ay meesha ka baxeyso danaha wadamad reer Galbeedka halisna gali doonto Kenya iyo Itoobiya.

“Hadaba musharxiinta madaxweynenimda waxaa looga baahan yahay danaha shacabka ka shaqeeyaan taageerada shacabka hadey rabaana barlamaanka hortiisa ha ka cadeeyaan in la joojiyo Xasuuqa Kenya iyo Itoobiya ka wadaan Soomaliya haddii kale waxaa loo arki doonaa inaad taageersan tihiin xasuuqa shacabkiina Waxaa hubaal ah dalkaada xaquuqdiisa hadaad u doodo inaad cadaw badan yeelan doontid sida Nelson Mandella oo kale laakiin hadaad ku adkeysataan waad guuleysan doontaa siduu u guuleystay Mandella” ayuu intaa ku daray nabadoon Maxaad Caddow.

Waxase cajiib ah ayuu yiri Nabadoon Maxaad Caddow in madaxdeena ay ku fanaan waxaa i wato Mareykanka iyo wadamada dariska halkii ay dhihi lahaayeen shacabkeygaan kalsooni ka heystaa” ayuu intaa ku daray Nabadoon Maxaad caddow oo tilmaan ka bixinayey dhaqan xumada ay la soo baxeen siyaasiyinta Soomaalida.

Posted on September 6, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: