Daawo Sawirada ‘Mid kamid ah Musharixiinta Madaxweynanimo ee Somalia oo si aan cadai aheyn Maanta loo soo dhaweeyay

Xafladii lagu oo dhaweynayey Musharaxa faalko ayaa waxaa kasoo qeybgalay masuuliyiin saraakiil ciidan odayaal dhaqameed dhalinyaro ururka haweenka culimaa,udiiniyo marti sharaf kale oo ka qeybqaadaneysay soo dhaweynta iyo marxabeynta iyagoo dhamaantood wajiyadooda laga dheehanayey sida ay ugu faraxsan yihiin xilka uu isku soo taagey Jeneral Falko iyaga oo tilmamey inuu yahey nin u qalma lehna aqoon iyo khibrad uu ku samata bixin karo diinta dadkaba.

Waxaa ka mid ahaa masuuliyiintii goobta hadalada ka jeediisay muusharax Ra,iisul wasaare ku xigeenkii hore ahaana wasiirkii arimaha dibada Maxamed Cabulaahi Oomaar oo isna goobta kaga dhawaqay in uu yahay musharax utaagan hanashada xilka madaxwyenenimo ee dalka wuxuuna ku tilmamay in ay tahay doorasho xalaal ah isaga oo hadalkiisa sii wato ayuu ku macneeyey mushaax faalko in uu leeyahay karti iyo awood uuna istaahilo in uu isi soo sharaxo lana doorto isaga.

Soo dhaweyn ka dib ayaa shir jaraaid ee uu ku qabtay gudaha garoonka waxa uu ka warbixiyay ujeedka socdaalka uu ku yimid magalada Muqdisho oo uu ka dhawaajiyay inuu u yimid sidii uu uga qeyb gali lahaa doorashooyinka madaxtinimada oo uu rajo wanaagsan ka muujiyay inuu ku guulaysto xilka madaxtinimo ee dalka.

Musharax Abuukato jeneral Cusman haji cumar falko oo sidoo kale si kooban uga hadlay waxqabadkiisa hadii uu guulaysto ayaa waxa uu balanqaaday inuu xooga saari doono daryeelka ciidamada iyo xoojinta amaanka iyo xasiloonida dalka.

Janeral Cusman Falco musharaxa xilka madaxtinimo ayaa waxa uu ugu dambeyntii ugu baaqay Xildhibanada inay raacaan hab lagu heli karo dowladnimda iyo xalka umada somaliyeed.

waxa uuna ku amaaney dabeecad wanaag iyo hab la dhaqan wanaagsan isaga oo ku celceliyey kana codsadey Somaliya ineey doortaan Jeneral Falko waxaan dhihi lahaa wadankiina ha gadanina ee u daneeya dadkiina iyo dalkiina ayuu yiri Jeneral Cusmaan Falko.

Musharaxa Jen. cusman falko ayaa waxa uu ka mid yahay in ka badan 50 murahaxiin ah oo u taagan xilka madaxtinimada dalka oo la filayo in dhawaan ay doorashada madaxweynaha ka dhacdo magalada muqdisho.

Posted on September 6, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: