Midowga iyo Yurub iyo Maraykanka oo isku khilaafsan cida noqoneysa madaxweynaha cusub ee Somalia

06.09.2012 – Maalmahaan muran iyo is jiid-jiid xoogan ayaa u dhaxeeyey madaxda midowga Yurub iyo Maraykanka u qaabilsan arimaha Soomaaliya iyadoo dowlada Mareykanka soo jeedisay in xiligaan xilka Madaxweynaniamda loo dhibo shaqsi wato Basboor Mareykan ah madaama Midoowga Yurub ku guuleyteen Gudoonka Barlamaanka oo loo doortay qof wata baasaboorka dalka Norwey.

U qeybsanayaasha Arimaha Somalia ee Inagriiska iyo Mareykanka ayaa kulama gaar ah la leh Xildhibaanda ka yimid wadamadooda kuwaasoo ay ku boorinayaan in ay doortaan xildhibaanada shaqsiyaadka heysta dhalashada wadoonkooda wallow xaalkaasi uusan sahlaneyn oo xildhibaanda inta badan qarash badan uga baxay siday ku noqon lahayeen xildhibaan hadda ay doonayaan in ay dhaqaalahaasi ka soo ka baxay ay ka soo ceshtaan musharixiinta u taagan xilka madaxweynanimada.

Dowlada Mareykanka ayaa dadaal ugu jirta in xilka madaxweynenha uu qabto shaqsi heysta dhalashada Mareykanka madaama midowga Yurub ay ku guulesyteen Gudoomiyaha Barlamaanka iyo Ku-xigeenkisa koowaad halka ku xogeenka labaad ee Barlamaanka uu ka yimid waqooyiga Ameerika.

Inta badan xildhibaanda cusub ayaa u badan xildhibaano ka yimid dalka dibadiisa kuwaa oo dalka muddo ka maqanaa waxaana hubaal ah in aysan wax badan ka duwnaan doonin xildhibanadii hore ee 8 sano buuqa iyo sawaxanka ku dhameeyey waqtigooda.

Soomaaliya ayaa waligeed dageynin inta lagu hayo faragalinta qaawan ay wadaan wadamada Ingiriiska iyo Mareykanka kuwaasoo dhaqaale badan ku bixiya in aysan Soomaaliya lugaheeda isku taagin.

Posted on September 6, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: