Q/Midoobay oo Guddi u kuurgala wax is daba marinta u soo direysa doorashada Madaxweynaha Somalia

06.09.2012 – Warar ku dhowdhow doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegaya in doorashadaasi ay ka soo qeybgeli doonaan xubno ka socda beesha caalamka oo ay hormuud u yihiin wafdi ka socda Guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa Qaramada Midoobay, kuwaas oo la sheegay inay goob-joog ka noqon doonaan qaabka ay doorashadu u dhaceyso si ay ugu kuurgalaan in isdabamarin iyo musuqmaasuq lagu sameeyo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa soo baxaya baaqyo kala duwan oo looga dalbanayo xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka KMG ah inay ka fogaadaan nidaamkii hore ee ay wax u dooran-jireen ee inta badan ku saleysnaa kala jiidashada xildhibaanada oo loo adeegsan jiray lacago, kaas oo sabab u noqday in hogaan toosan ay yeelan weyso dowladda KMG, isla markaasna isqabqabsi joogta ahi uu ragaadiyey shaqadii dowladda KMG, gaar ahaan xubnaha sarsare.

Sida warku sheegayo xubno isugu jiray siyaasiyiin iyo aqoonyahano kala duwan ayaa uga digay xildhibaanada cusub ee Soomaaliya inay ku dhaqaaqaan musuqmaasuq iyo in qofka ay dooranayaan ay ku raacaan lacag iyo wax la mid ah, taas bedelkeedana ay xoogga saaraan sidii qof karti leh ay dalka ugu dooran lahaayeen.

“Waxaa jira welwel laga qabo in loo adeegsado doorashada Madaxweynaha Soomaaliya dhaqaale, waxaana leenahay arrintaasi waa mid alle ka dheeri ah oo magac iyo sumcad xumo ku noqon karta shacabka Soomaaliyeed” ayey yiraahdeen siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada baaq u jeediyey xildhibaanada cusub ee Soomaaliya, waxayna taageereen hadalkii ka soo yeeray Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ahaa in xildhibaanadu doortaan nin wadani ah oo dalka iyo dadka ka samatabixin kara dhibaatada ragaadisay, isla markaasna aysan u fiirin qaabka qabiil ama qaab lacageed midna.

====================

I’m writing a book. I’ve got the page numbers done.Prof.Ibrahim

Posted on September 6, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: