Ka Dib Siddeed Sano oo Shariif Sakiin Ah Mawaxaa Xiga Afar Sano oo Faarax Sakiin Ah Mise Faarax Daacad?

Faarax C/qaadir oo ah Mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

Muqdisho (Moment Media Group) Tan iyo markii dowlada KMG lagu soo dhisay wadanka Kenya ayaa waxaa siyaasada Soomaaliya si aad ah kaga dhex muuqday Shariif Xasan Sheekh Adan oo ahaa gudoomiyihii ugu horeeyay ee baarlamaanka Soomaaliya ee dowladii KMG ahayd.

Shariif Xasan waxay isku dhaceen masuuliyiin badan oo ahaa madaxdii wadanka hogaaminaysay laakiin mar walba nasiibkiisu wuxuu noqonayay in hadafkiisu uu guuleysto markastana dhinaca uu isaga raaco ay arinta u dambeyn jirtay.

Sanadii 2006-dii Shariif Xasan waxay isku dhaceen madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed, waxayna taasi ay keentay in uu wadanka isga cararo isla markaana uu sal dhig ka dhigto magaalada Asmara ee wadana Eritrea, halkaasi oo ay markii danbe ay ku midoobeen asaa iyo xildhibaano uu hogaaminayay iyo miwogii maxkamadaha Islaam ee lagu jabiyay markaas dagaaladii ay kala horyimaadeen dowlada.

Intaa ka dib Shariif Xasan wuxuu mar kale ku soo laabtay in uu si aad ah kaga soo dhex muuqdo mar kale siyaasada Soomaaliya ka dib markii magaalada Jabuuti lagu soo dhisay dowladii uu hogaaminayay madaxweyne Shariif.

Saddax Sano oo ay dowladaasi shaqaynaysay ayaa Shariif Xasan oo ay markii danbe ku dhagtay naanaysta ah Shariif Sakiin wuxuu ahaa nin uusan calankiisa damin isla markaana miisaan wayn ku lahaa dowlada.

Shariif Axmed iyo Shariif Xasan

Intii uu shaqaynayay waxay isku dhaceen masuuliyiin uu ka mid ahaa madaxweynaha iyo waliba Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, ilaa ugu Danbayntii ay ka dhacday Qorax iyo Qaaciisa waa leesla tuuraa oo baarlamaanka Soomaaliya ay isla tureen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo Shariif Xasan oo isku dhinac ahaa doonayayna in ay siyaasada ku soo laabtaan.

Faarax Sakiin Mise??

Markii la eego qaabka ay hada wax ku socdaan iyo hogaanka cusub ee wadanka qabtay dad badan ayaa qaba inuu soo bixi karo in la mid ah Shariif Sakiin oo miisaan wayn ku yeelanaya siyaasada.

Faarax C/qaadir waa ninka ugu dhow madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu ninkaan mar marka qaar uu diyaarinayaa go’aanada uu qaadanaya madaxweyna iyo waliba waxyaabaha uu ka hadlayo.

Faarax hada wuxuu daganyahay xarunta madaxtooyada waxayna madaxweynaha cusub ay wada qaataan kulamo joogto ah, waxaana uu ka war haayaa talaabo kasta oo uu madaxweynuhu uu qaadayo iyo kulamada uu madaxweynuhu la yeelanayo wafuuda u imaanaysa.

Ninkaan wuxuu ka tirsanaa Xisbiga uu hogaaminayay Xasan Sheekh Maxamuud ee Nabada iyo Horumarka, wuxuuna ka midyahay dadkii keenay fikrada ah in xisbigaan la dhiso isla markaana xisbiga uu noqdo mid siyaasadeed.

Faraax C/qaadir Sidoo kale waa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya waxaana kaalin wayn uu ku lahaa abaabulka xildhibaanada iyo ololaha uu ku guuleestay madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya, oo ay doorteen baarlamaanka.

Xubnihii ka tirsanaa Xisbiga uu hogaaminayay madaxweynaha ayaa haatan dhamaantoodba waxaa leesugu geeyay Xarunta Xisbiga ee ku taala magaalada, wax howl ah oo ay bilaabeena ma jirto ilaa iyo iminka, maadaama xisbigoodii uu qabtay talada wadanka.

“ilaa iyo iminka ma fahmi karno sida ay wax u socdaan Xasan Sheekh waxaa jooga Qolafkiisa laakiin talada waxaa wata dad kale, waxaana sugaynaa wixii ay keenaan”sidaa waxaa yiri qof ka tirsan Xisbiga Nabada iyo Horumarka.

Faarax waa nin aqoon leh wuxuuna madax ka soo noqday hay’ado badan waxaana sidoo kale uu ka mid ahaa dadkii ugu sar sareeyay xisbiga, waxaana haatan dadku ay iswaydiinayaan maadaama talooyinka sidaasi uu madaxweynaha uu kaga qaato ninkaan mawuxuu noqon doonaa Faarax Sakiin Mise Faarax Daacad?

Posted on September 19, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: