Golaha amaanka ee QM oo madaxweynaha Somalia ugu baaqay inuu soo magacaabo ra’isul wasaare karti leh

19.09.2012 –Golaha amaanka ee QM oo kulan gaar ah ka yeeshay xaalada Somalia ayaa soo dhoweeyey doorashada maadaxweynaha cusub ee Somalia Dr. Xasan Shiikh Maxamuud, isagoo sheegay in talaabadaas ay tahay horumarkii ugu weynaa ee Somalia ay gaartay 20kii sano ee u dambeeyey.

Xubnaha Golaha amaanka ayaa Madaxweynaha cusub ee Somalia. Prof Xasan Shiikh Max’uud kula taliyey inuu soo dhiso dawlad waxtar leh oo dalka ka saari karta dhibaatooyinka ka jiray 20kii sano ee la soo dhaafay, waxaana qoraal uu soo saaray goluhu uu ku sheegay inuu la dhacsan yahay qaabkii Madaxweyne Xasan Shiikh loo doortay isla markaana ay halkiisa ka sii wadi doonaan taageerada dawlada Soomaaliya ay siin jireen.

Qoraalka ka soo baxay golaha amaanka ee QM ayaa ugu baaqay Madaxweynaha cusub ee Somalia inuu soo magacabo Raisul wasaare tayo leh oo soo dhisa xukuumad wax qabad badan oo dalka ka saari karta dhibaatooyinka, soona celin karta nidaamkii dowladnimo ee ka jiray Somalia.

“Tilaabooyinkii isxig xigay ee doorashadii gudoonka baarlamaanka iyo tii Madaxweynahaa ayaa astaamo taariikhi ah u noqday ka bixistii xaaladda ku meel gaarka ee Somalia dhamaantoodna waxay ahaayeen tilaabooyin muhiim ah oo guul ku dhamaaday” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay golaha amaanka, waana in Madaxweynuhu soo magacaaba Raisul wasaare karti leh xukuumadiisana dalka oo dhan gaarsiin kara” ayaa sidoo kale lagu yiri warkaas ka soo baxay golaha amaanka oo ugu baaqay xukuumada cusub iney dajiso miisaaniyadeed saxan si musuqmaasuq looga hortago.

Posted on September 19, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: