Sir ku saabsan arrin Madaxweynaha ku qanciyay Ethiopia iyo sababtii uu u booqan waayay Garowe http://www.armradio.am/en/wp-content/uploads/2013/02/Human-Rights-Watch01.jpg

 3 – Oct 2012:(MMG) Somalia Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa shalay booqday magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay, halkaasi oo uu kula kulmay saraakiisha dalka Ethiopia.

Sida la sheegay waxaa qorshuha ahaa in sidoo kale Madaxweynuhu booqdo Garowe iyo Beledweyn, taasi oo aan dhicin, hase yeeshee su’aashu waxa ay tahay socdaalka madaxweynuhu ma waxa uu ku wajahnaa saddex magaalo, mise hal magaalo oo saddex magaalo midkood noqon kartay.

Waxaan ula jeednaa, xog aan helnay ayaa ah in madaxweynuhu booqanayay kaliya saddexdaas magaalo midkood, si uu ugula kulmo saraakiisha Ethiopia.

Dhanka Beledweyn, waxaa la sheegay in markii horeba ay ahmiyadda socdaalka kaga jirtay heerka saddexaad, oo uu madaxweynaha booqan lahaa Baydhaba iyo Garowe midkood, si uu ugula kulmo saraakiisha Ethiopia, oo iyaga codsaday kullan ay la qaataan oo ka dhaca gudaha dalka.

Hase yeeshee Madaxweynaha ayaa diiday inuu Garowe kula kulmo, ayada sababaha uu  ku diiday Garowe, ay ugu wacneyd dhowr arriimood.

  1. 1- La taliyeyaashiisa oo u sheegay inay sumcad darro u keeni karto, maadaama dad badan ay Faroole u arkaan isbaaro hor taalla nabadda Somalia, sidaa darteedna uu saraakiisha Ethiopia u sheegay in kullanka laga dhigo Baydhaba.
  2. 2 – Inuu naftiisa ku aamini waayay maamulka Puntland, xilli ay jirto in isaga iyo Faroole xurguf ay dhex taallo, maadaama uu dhinac isaga riixay dalabkii Faroole ee ahaa inuu Ra’iisul Wasaaraha siiyo qof kasoo jeeda deegaanada Puntland.

Dhinaca kale socdaalkii madaxweynaha ee Baydhaba iyo saraakiisha Ethiopia ee uu halkaas kula kulmay, ayaan xog ku helnay inuu ku wargelinayay cidda uu ra’iisul wasaare u magacaabi doono.

Waxaan xog ku heynaa in beesha caalamka ay u sheegtay Madaxweynaha inuu Ethiopia ku wargeliyo arrintaas, maadaama ay saameyn weyn ku leedahay siyaasadda gobolka.

Ma jirto cid ay Ethiopia si gaar ah u dalbatay in ra’iisul wasaare laga dhigo, hase yeeshee waxa ay ka wel welsaneyd in lasoo magacaabo qof ayada ay dhib kala kulmi karto ayada oo si gaar ah u sheegtay inaysan dooneyn qof kasoo jeeda beesha Ogaadeen iyo qof raad ku leh kooxo diimeedyo.

Labadaas qodobba, waxaa la sheegay in madaxweynuhu ku qanciyay Ethiopia inuusan ku dhaqaaqi dooni, ayaduna ay aqbashay.

Posted on October 2, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: