Soomaali weyneey: Samatar waa kaa!

samatar1

August 09, 2013 |Moment Media Ethics –  Nin baa hadda ka hor in SULDAAN laga dhigo ma ahane, wax kale looga maaro waayey. Ninkan oo aan dhaqan, aragti iyo haybad SULDAANmidna lahayn, dhaxal ama dhugmo midna aan ku mudnaan, ayaa rag waa hawl badanyahayee ay u tashteen, oo la yiri; isna aan qancinno, oo aan gogol u dhigno, dadkana aan tusno inuusan u qalmin xilkan uu u waashay, inuu maryaha u dhigto kaliyana ay u hartay.

Inta aan ballanta la qaban, ayaa raggii waxay sii diyaarsheen wiil yar oo dabada QAYD ugu xiran yahay qaarka horana ka feera qaawan. Wiilkii yaraa waxaa lagu dhabooqay subag iyo heen, oo inta si fiican kor iyo kal looga mariyey lagu yiri; meel habaas iyo bus leh (Galgalin) ku galgalo, kadib isagoo subaggii iyo buskii dushiisa ku maliiqan yihiin, ayaa la yiri ninkaa Odayga ah, ee labada go’ ee Baftada ah sita dhabta uga fariiso.

Dadkii deegaanka madal baa loo qabtay, gogolna waa loo dhigay, goobtana waa la iclaanshay, geed har weyn ayaa waxgaardkii la isugu geeyey, si loo gudagalo arrinka goobta la isugu yimid. Daahfurkii ka dib, inta aan fadhigii si fiican u furmin, ayaa sidii la isku ogaa wiilkii yaraa waxaa dusha ama dhabka uga fariistay Muuse oo aad u lebbisan ninka meesha indhuhu ka qabanayaanna ah, illeen waa nin xil isu soo diyaarshaye, wuxuuna ku reebay bustii iyo subaggii oo dhoobo isu bedelay markii ay maradii caddayd gaareen.

Mise markii uu arkay sida dharkiisii loo dhaamey ee wasakhdu u gaartey ayuu dhirbaaxo la geddiyey ilmihii yaraa isagoo aad u caraysanna dhengad intuu qabsaday duubka kaga saarey, Muuse maba ka laba labayn inuu wiilkii u gacan qaado, isagoon eegin ama maankaba galin in waxgarad, odoyaasha degamadoo dhami isaga dartii maanta u fadhido. Markii uu wiilkii yaraa dilay ayaa raggii dabinka u dhigay waxay deegaankii iyo odoyaashiiba ku dheheen: “…. …… Muuse waa kaa!” haddaba anigu waxaan leeyahay Soomaali weyneey: Samatar waa kaa! Waxaan sidaa u iri aad ogaatide, qormada sii raac.

Qof walba oo is weydiin jiray ama aanba is weydiinba XAGGEE SOOMAALIDA LAGA HAYSTAA? Ha ku cibra qaato hadallada Prof Samatar. Waxay soo koobayaan TIIHA lagu jiro inta uu duugan yahay, sida uu u daaban yahay, heerarka uu kala leeyahay iyo sida uu ugu kala daran yahay dadka uu hayo ama uu ku dhici karo.

Alla Soomaali maalin walba maxaa dhawaq xun u soo yeeraya! Iyadoo ka soo waaqsan la’warbixinnadii lacagaha la lunsaday, musuqa dawladda, cunaqabaynta hubka, shirar baaskii Kampala iyo Nairobi, doorashadii Bari oo gabi ka laalaadda iyo Siilaanyo oo wali ka dhammaan la’ isku shaandhayn Wasiirro ayaa waxaa ku soo xigsaday hadal in badan ay filayeen asii Samatar uu la gambanaa muddo badan.

Aqriste, anigu lama yaabbani, run ahaan oo daacad ayey iga tahay, maxaa yeelay, inta kol ee aansadar, Baaragaraaf ama qoraal ku sheegay ma yara dhibka AQOON YAHANKU ay Soomaali u gaysteen haddana, ay wali ku hayaan. Midda aanse mar walba gocdaa waa laba arrin, oo kala ah:

–      Wixii lagugu aamino inaad diba marayso, ee ah aqoon iyo aqool waa wax silloon.

–      Inta ku qatalantay ee aamintay in hannaanka SOOMAALI WEYN uusan ka sokeyn Samatar, oo leh wiilal iyo gabdho SOOMAALINIMADU ku weyntay, asii HALAQ afka u galay.

Samatar maalintuu Xamar ka soo laabtay si buu u hadlay, maalintuu Hargaysa ka soo laanbtana si kale ayuu u hadlay, intaa waxaa u dhexeeya siduu markii hore u hadli jiray iyo sida uu hadli doono imanka iyo wixii ka dambeyaa. Maalintii hore waxay ahayd, qof aan af garto ayaan soo waayey, magaalo xashiish ah ayaan ka soo laabtay iyo doorashadii xaq uma dhicin oo wa lagu shubtay iyo laba beel ayaa Soomaaliya Isbaaro u dhigtay.

Intuba qiilin ma lahan haddaan isaga lagu qowl furayn, illeen waxa uu sheegayo, meesha uu ka sheegay iyo sida uu u sheegayo isu gaynteedu waa: “waan is ognanay ammaanna ma ahan ceebna ma ahan!” balse, midda aan marna cuntamayn baa ah, in magaalo aad u doonatay inaad madax ka noqoto tilmamaaha caynkaa ah ku sumaddo, balse, isagu garan waayaye, ee iyadaa dhaami doonta “haddaan la kala roonaan Roob ma da’o!”.

Sida inta indheer garadka ah ee yari qabeen waxay ahayd sheeka nacaseedka uu Xamar ku sheegay iyo qaylada aan jirin ee uu ku tilmaamay raggii la tartamay, beelaha ay ka soo jeedaan iyo sidii loo tartamayba waxay ahaayeen baaq iyo damaando uu u sii dhiganayey safarkii dhawaan uu ku aadayGobollada Waqooyi, weydiinta baase ah, intaa oo dhaamid, dhaliil iyo dhaleeco isugu jirta, ma u baahnayd xodxodashada tagidda Hargaysa?.

Dumarku waa  Aadane cajiib ah, aadna u caqli badan, gaar ahaan marka ay noqoto go’aan qaadashada aan u baahnayn ka soo fekerka ee gola ka joogga lagu rido. Hadda ka hor ayaa waxaa is fara saaray wiil iyo gabar [eraga “IS FARA SAAR” halkan oo kale ayaa loo adeegsadaa oo ku habboon tahay, balse Yuusuf Garaad ayaa qormo cinwaan uga dhigay (ODOYAAL LA FARA SAARAY!) odoyashana meel ka dhac iyo gef ku ah af Soomaaligana mayd garaacid iyo xabaaal nololin ku ah!] waxayna yeesheen xiriir galmo, markii ay kala bogteen, oo ciyaartii dhammaatay, ayaa waxaa  wiilkii u muuqatay in qatari ku soo food leedahay hadday gabadhu UUR qaaddo, mana ahayn xilli ay jireen waxyaabaha maanta looga hortagi karo in uurka gabadha aysan biyo ku dhibcin iyadoonna gedgeddoonka la joojin.

Wiilkii oo ka walwalsanaa sida wax ku dambayn doonaan, ayaa yiri: “Abaayo ha i sheegin!” gabadhii jawaabta meel dheer kama doonin, ee waxay ku tiri: “anigu ku sheegi maayee, shantu yeysan ku sheegin!” micnaha uurka durmarka badanaa inta shan bil ka horraysa lama arko, oo aad uma soo kuusna, haddiise uu shan bil dhaafo waa bannaan yaal muuqiisa aan la qarin karin, marka waxay uga jeedday, hadday wax soo bixi waayaan haddi waa sidaan rabnay, hadday wax soo baxaanna anigu sheegi maayee ee shanta bil ayaa ku sheegaysa!

Sidaan waxaan u leeyahay Samatar qormo ayaan ka qoray markii uu ka soo laabtay Muqdisho, aan ku qodob raacay wixii uu ku hadaaqay, intii uu kuu hantaatacay iyo wixii aan hadal gob, garaad iyo guurti ahayn ee uu ku hadlay, kuma sii jirto asaga oo kale oo prof ah oo ka dhigaysa inuu dunida iyo dadkiisaba si fiican uga warqabo, balse, taa ma dhicin, ee qormadii liilkan hoose ka fiirso:

http://bilediraac.wordpress.com/2013/03/28/samataroow-waligaa-wan-la-weyn-ma-lagu-yiri/

Hadduu Hargaysa ka soo laabtay, wuxuuba la soo laabtay tii hore mid ka sii murugo badan, maxaa yeelay si markii loo fiirsho waa DHAGAR, si kale haddii loo fiirshana waa UURKA KA JECLI, AFA KA NECBI. Waxaan uga jeedaa, kan hore wuxuu khiyaanay dhagray ama hagraday intii ku soo raadcay oraahda SOOMAALIWEYN, maxaa yeelay, intaa oo laga maqlaa qof Reer Waqooyi ah, ee da’diisa, aqoontiisa iyo magaciisu Soomaalida ku dhex leeyahay leh ma jiro, hadduu jirana waa yar yahay.

Taa oo ah runtii midda ugu xun una liidata, maxaa yeelay xisbiga HIIL QARAN waxaa u hanqal taagay dad badan oo magaca Soomaali oo sii nuxuusa arkay, balse, xisbigii curdanka ahaa illeyn kursi ku gaar ayuu ahaa, taa waxaa kaaga sii daran inuu doorashada ka qaybgalay isagoon kala tashan xisbigiisa, go’aanna lagu gaarin in uu metelo, wuxuu la mid yahay ninkii rati uusan laheyn, oo uu caddeysimo ku rartay heeryo la’aan xitaa milif yarna ha ahaadee asiga iyo agabka saaran aan u dhaxaysiin, ee hees naceybkii digashada ahaa ku yiri:

 Haddaan dheellis kuu raro

Ama Dhooman laad laad

Igu dhiibad aa tahay

Igumana dhaqaaqsanid (fogid)!”.

 Guuxa dadka aragtida Samatar soo dhaweeyey waxaa keenay ka dib dhalashadii maamul beeleedyada iyo dawlado ku meel gaar ah oo wada oo daciif ah, balse, rajadii haddana isagaa gacantiisa ku bireeyey, waliba kaaga darane, hadafkii [SOOMAALIWEYN] ee qummanaa ayuu u adeegsaday inuu ku gaaro dan gurran, haddaba, weydiinta ayaa ah, isaga iyo qabqablayaashii qabiilka ku adeegan jiray ama isaga iyo wadaad xumayaashii diinta ku duggaali jiray ama isaga iyo mooryaanta isbaaradu u dhigta adaa qori wata cid yac ku dhihi kartaana ma jirto, maxay isdhaamaan? Anigu ma garanayo, adiguna?.

Midda kale, waaba inuu waligii aaminsanaa raallina ka ahaa in Soomaaliya kala go’do, oo beelaysigu sii xoogaysto, illeen gobolaysiga haddaad maqashaa waa uun saaye. Isagu wuxuu ku doodayaa Xamar laba beel ma ahane beelaha kale qof ka soo jeeda xilalka sare ma qabtaan? Horta Samatar waxbaa isaga qaldan, waxna waa isku qaldayaa, waxbaa isaga qaldanoo, Hargaysa beelaha dega laba beel unbaa ilaa hadda Madaxweyne noqotay, Riyaale geeridii Cigaal haddaysan dhici lahayn miyuu waligii arki lahaa xilkaa?. Waa meeshii laga dhihi jiray “Dhaxal Goroyo Dhebed baa leh” amaNin dhintay Kabihiisa dhaama! haddii madaxnimo lagu helayana kumaba sii jirto. Midda kale ee uu isku qadlayaa waa haddiiba la i dooran waayey, meesha laba reer ayey u xiran tahay, oo kaalay markii hore ma ogayn miyaa inay saa tahay? Haddaad ogayd xaad ka doontay ma marqaati ayaad ka noqonaysay? Haddaadan ogayn ee aad hadda ogaatay, midda Hargaysana xaad dhihi lahayd? Mise iyadu waa sheekadii ahayd “teenna annagaa iska leh, tiinnana idin la lihin!”.

Alla maxaa runta la iska indha tirayaa? Midnimadii 53 sano ka dib, haddii nin Reer Waqooyi ah tartankii Madaxtinimo looga guuleeystay, oo xeer u diidayey in uu is sharraxo ama tartamo uusan jirin, haddii uu ku soo bixi waayey, xaa dadka loogu xagxaganayaa wax iska cad, illeyn haddiyo la isu siin mayne?.

Tan wax ka agdhaw waxaa barta uu Facebook ku leeyahay ku soo qoray Yuusuf garaad:

https://www.facebook.com/photo.php?fbid=10151770273333384&set=a.350864833383.189509.559348383&type=1

Waaba iga weydiine, meesha ma lagu Alla baryey? Saw Siyaasad, sirid iyo silloonaan laguma solayn? Xaa keenay waa idin cafiyey? Illeen dambi aad ka cafiso iyo qalad aad ka saamaxdo midna maba galin raggii kula tartamee.

Tan kale, ma beesha Waqooyi, ee uu Samatar Qareen aysan dirsan u noqday ayaan kaligeed soo qaban Madaxweynenimo? Ma beelaha Baay iyo Bakool ayaa Madaxweyne Soo noqday waligood?. Waxaa la yiri: “beeni raad dhawaa!” hadday saa tahay waaqica madaxnimo ee Soomaaliya, Samatar waxaan dhihi lahaa: “CARSAANYADA GEDDEEDII HADBA GEES U CARAR!” berrina xaggeed ka degi doontaa, oo aad war hor leh ku sheegi doontaa?.

Horta midda ah inuu Waqooyinimo iyo reernimo u dhurtay bannaankana la yimid, ma ahan mid lagula yaabo, xaa yeelay inta uu isna uurka ka buki lahaa, dadkana been ku bariidin lahaa, waxaa roon inuu baqtigiisa barqo cad iska feento, illeen beer laxawsi laguma bullaalee.

Middase aan marna taariikhda, intii aamintay iyo inta wali aaminsani aysan ku cafinayn waa qadiyadda muqaddaska u ah in badan oo Soomaali ah, oo uu ka dhigtay gaadiid uu ku dangaaro iyo Awr kasci, markaa wuxuu maanka ku hayey halka laga yiraa “dani waa seeto” ama ka sii habboone marka tiisa loo fiirshee, tii kale oo ahayd: “Dantaada Maqaar Eey ayaa loogu seexdaa!” waa halkii Niccolò Machiavelli ka ahaa “Il fine giustifica i mezzi”.

Nin walba oo Soomaali aqoon yahankeeda rajo iyo damac uga jiray ha ku quusto dhaqanka Samatar. Qof walba oo is lahaa dadlku wuxuu ka dagi la’yahay qabqablayaasha, wadaad xume iyo mooryaan isbaaro dhigata, ha ku quusto anaa jira inta kale eber ka soo qaadda Samatar.

Ugu dambayn, qormada waxaan u soo gaabinayaa sheekadan. Beribaa nin lahaa Sac buuran oo aad u qurux badan, markuu ceelka yimaado, wuxuu sameyn jirey inuu xoolaha biyaha loo soo daynayo uu ka dhigo neefka ugu horreeyo ee ugu hor cabbo biyaha, wuxuu sidaa ahaadaba neefkii waa rimay, dabadeedna waa dhalay, kolkaasbaa caanihii laga sugaayeey laga waayey, oo caanihiiba koob Shaaha  caddayn wayee.

Maalintii danbe markii ceelkii la tagay, ayaa ninkii Saca lahaa, Sacii ciil oo uu u qabo caanaha uu ka sugaayey ee uu ka waayey owgeed, ayuu ugu daba mariyey waraabkii biyaha, Sacii cabaadkiisa ayaa baxey iyo baxsadkiisa, asagana ul ayaa afka lagala dhacay oo waa la horey, ninkii lahaa asigoo is maqal siinayoo ayuu qaylo iyo ci’ afka laba taako ka kala dhigey, ninkii lahaa ayaa hees howleedkii ugu jawaabey kuna yiri:

Wallee hebadoow

Han laguu qabay                                                                                        

Haan laguu tolay                                                                                     

Haruub laguu culay

Oon lagaa helin

Yaad la hoogtoo

Yaad la horan tahay!

Samatar arrintiisu hadday ka ahayd SOOMAALIWEYNNIMADA ku dangaar iyo hadday ka hoos baxdaba, waxay la mid tahay, Islaantii qisadeedu Quraanka ku soo aroortay Suuradda Naxli (Shinni) Aayadda tirsigeedu yahay (92). Islaantu waagu markuu baryo ayey tolid billowdaa, gabbalku markuu sii dhacayana dib ayey u furfurtaa, marka Samatar HIIL QARAN oo uu muddo dhisayey, Soomaaliweynna ku qotomay, maanta wuxuu ka doortay beelaysi iyo Gobolaysi (Waqooyi) marka saw sidii Islaantaa tacab qasaar ma noqon?.

Inta aan qormada diyaarinteeda ku jiray yaan arkay wali dad rajo ka qabo, oo farriin u diraya. Waa filaa in waqtigii la galshay warqadda qoristeedu uusan noqon “Hal bacad lagu lisay!” ee uu miradhalo, ugu yaraan in Samatar sida isu dhaamo, kolleey sidiisii hore inuu ku soo laabto way adkaane.

Middase aan ka baqayo ayaa ah, in Samatar uusan taa diyaar u ahayn, oo markii hore sheekada uu meelaha la fadhin jiray ay ka ahayd inuu ku dangaaro, taa waxaa kuugu daliil ah, qofka wax lagu barto waxaa ugu muhimsan inta uu isagu sameeyo, HIIL QARAN isagaa horjooge u ahaa, ka warran haddii uusan kala tashan laga doodin inuu ka qaybgalo doorashada?.

Midda kale, wixii aad ku dhaaratay haddaad jabiso, ee aad haddana ku faanto ma kula tahay wax qumman? Samatar isagoo Xildhibaan ah ayuu yiri anigu waan iska soo tagay soomana fasax qaadan, waa daba maryo cad, illeen haddii aysan waxani kugu socon bannaanka ayaa laga maraa, xarumaha kale ee badan mid ku cajabgalisa kama weynayside bal raadso.

Tan aan ku qanacsanahay baa ah inuusan maqli doonin inta dedan ama daalacan loogu sheegayo, illeen isaga meel kalaa u cade “Madaxweyne mar i dhah!” Intuu ka gaarayo gadgaddoon badan oon miyirqab iyo maan fadhiya ku imaan ka suga. Adba bal eeg Dr Baadiyoow iyo Yuusuf Garaad ee dan Soomaali kala shiraya qabqable Xuseen Caydiid, Geeddi Axmed Madoobe, Gaandi iyo Musuqlayaal Shariif, Sharmarke, Gaas IWM? Mar aan dheerayn isagoo kuwaa la shaah cabbaya ha suugi weyn, waa halkii Abwaan Suldaan Timacadde ka lahaa:

Dul iyo hoosba waan ugu dhigay      waa dixdhagaxeede

Anuunbaa damqanayee dhaguhu         uma daloolaane

Dadkaan la hadlayaa baan lahayn         dux iyo iimaane

Bal inay dalfoof tahay caqliga      dooni laga saaray

Wixii hore usoo daashaday bay       degashanaysaaye!

Posted on August 14, 2013, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: