“Xarafkii Alif ka qaloocda, Al Baqro kuma soo tooso” – Beello Qaadacay Shirka G/Dhexe

Maamulka Cusub ee loo dhisayo Galgaduud & Mudug

Maamulka Cusub ee loo dhisayo Galgaduud & Mudug

Friday 29 August 2014 PenSomalia — Labo Sanno kahor, intii ay DFS soo faragelin, ayaa Bulshadda Gobollada Dhexe waxey go’aansatay in ay sameysato dib u heshiisiin iyo Maamul wadaag ka dhisma Gobollada Dhexe. Waxaa lagu isku waafaqay in Madasha Shirweynaha laga dhigo Magaalada Cadaado ee ah Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb, kaaso aheyd in uu furmo 5ta, Agosto, 2014.

Ayadoo Howshaas lagu gudo jiro ayaa Wadamada Shisheeye ee faraha kula jira Arimaha Soomaaliya iyo Dowladda Dhexe markii ay dareemeen in Bulshadii Goboladaas ay tashadeen, waxey kor ka keeneen Hindise Maamul loogu sameynayo Gobollada Dhexe.

Maamulka Cusub ee loo dhisayo Galgaduud & Mudug waxaa markii hore saxiixay 3 Maamul oo kala ah Galmudug, Ximan & Xeeb & Ahlu Sunna & 4 Wasiir oo DFS kamid ah.

7 Qof waxa la siiyay Mandate ama Mudo ah 10 Maalmood inay Gudi Farsmo kusoo dhisaan, waxay ka dhamaatay Mudadaasi 20 Maalmood kahor. Markii ay mudadii dhamaatay waxay si Qarsoodi ah ula tageen RW C/wali Sheekh Axmed Warqad ay kusoo qorteen 27 Qof oo Reerahooda kasoo kala jeeda, waxaana lagu tilmaamay in ay yihiin Gudiga Farsamada Maamul u samaynta G/Dhexe.

Madaxda Qaranka qaarkood ayaa lagu laaluushay Xubno dheeri ah oo Gudiga loogu daray, iyadoo la afduubay, lana dulminayay Beelaha qaar kamid ah oo ku jiray Maamulada Ximan & Xeeb, Galmudug & Ahlu Sunna, sidaas waxaa PenSomalia Online Xildhibaanno kasoo jeeda Gobollada Dhexe.

Maamulka Galmudug waxa uu Muqdisho la yimid 6 Wasiir oo matala 6 Beelood oo dega Deegaanka Maamulkaasi, balse 2 Wasiir oo kamid ah Wasiiradaasi waa loo diiday inay ka qeybgalaan Shirka & Gudiga dhisaya Maamulka cusub.

2 Wasiir oo kale, reerkoodii ayaa qaadacay inay kamid noqdaan Xubnaha Gudiga la sameeyay, oo ay soo hambeeyeen Wasiiradda isku roonaaday ee Xukuumadda Federaalka ku jira.

Xubno lagu daray Gudiga ayaa PenSomalia Online u sheegay inaysan ka warhayn Gudiga la dhisay, oo ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha shaacisay. Waxeyna Dadka Degaanku u arkeen in Shirkaan uu yahay mid lagu marin habaabinayo Ujeedooyinkii laga lahaa.

Dowladda waxa ay qorsehynaysaa inay markale shir u qabato Saxiixiyaashii Heshiiska Maamul u samaynta G/dhexe, sidaas waxaaa PenSomalia u sheegay Xildhibaan C/qaadir Maxa’ed Aadan (Xildhibaan Sandheere) oo kasoo jeeda beesha Shiikhaal ee degta Gobollada Dhexe.

Waxaa kaloo jira Cabashooyin ay usoo gudbiyeen PenSomalia Odayaasha Dhaqanka ee kasoo jeeda Degmada Caabudwaaq, waxeyna Qaabkaan wax loo xulay ku tilmaameen mid aan laga fiirsan oo aan laga dooneyn Xal u helis Arimaha Gobollada Dhexe: „Dowladdu hadii aysan tixgalin cabashooyinka ka imaanaya Degaanka, way ku fashilmeysaa“

Bayaankaan ay soo saareen Xubnaha Deegaanka ayaa loo gudbiyay Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Wakiilka Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya, Wakiilka Ururka Midowga Yurub, Wakiilka Ururka Jaamacada Carabta ee Soomaaliya, Wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya iyo Wakiilka Urur Gobaleedka Soomaaliya.

Dadka ku saxiixan Bayaanka waxaa kamid ah, Xildhibaan Nuur Faarax oo ah Xildhibaan kasoo jeeda Degmada Caabudwaaq, waxuuna sheegay inay ku raaceen go’aanka Odayaasha ay soo saareen ee ku aadan diidmada maamulka loo samaynayo Galgaduud & Mudug.

Wasiiradda Dulmiga & Sed-bursiga ku sameeyay Xubnaha Gudiga Farmasada:

Mustaf Dhuxulow, Wasiirka Warfaafinta DFS (Muransade), Gudoomiyaha Gudiga Farsamada.
Mahad Salaad ku xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS (Habar-Gidir/Cayr)
Wasiir ku xigeenka Boostada & Isgaarsiinta DFS, Axmed Cali Salaad Taako, (Mareexaan).
Ducaale Aadan Maxamed, Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare ee DFS (Dir/sure)
Wasiiradan kor ku xusan & Xafiiskiisyada RW & Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beelahooda ay degaan Gobolada Galgaduud & Mudug ayaa wada Qaska & Sadbursiga Xubnaha Gudiga Farsamada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, C/llahi Goodax Barre, oo u idmanaa howshatan ayaa waxaa lagu amray in uu faraha kala baxo Maamul u samaynta Gobolada Galgaduud & Mudug, waxaa amarkaasi siiyay Ra’iisul wasaaraha DFS C/weli Sheekh Axmed.

Ra’iisul wasaaraha DFS C/weli Sheekh Axmed wuxuu sidoo kale ka saaray Shirka ka dhci doona Cadaado & Gudigaba Beelaha Carab-Saalax & Leelkase, oo uu ku yiri „aada Puntland ayaada kamid tihiine“

Beelaha Shikhaal, Mareexaan, Carab Saalax &, Leelkase & Dirta Koonfureed ayaa salauugsan Qaabka Madaxweynaha iyo Raisul Wasaaruhu ay doonayaan inay u maameeyaan Maamul u dhisidda Gobollada Dhexe. Waxaana soo baxeysa tuhunkii horey loo qabay oo ahaa in Shirkaan lagu lunsado 22 Malyan oo Dollarka Mareykanka ah.

“Xarafkii Alif ka qaloocda, Al Baqro kuma soo tooso,” waxaa sidaasi yiri Xildhibaan C/qaadir Maxa’ed Aadan (Xildhibaan Sandheere), waxaana sidoo kale uu Xildhibaanka ku baaqay in la saxo Khaladka jira, kahor inta aan la aadin Magaalada Cadaado, oo lagu qaban doono Shirka Maamul u samaynta Gobolada Dhexe.

PenSomalia

 

Posted on August 29, 2014, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: