Daawo: Gabdho Turki ah oo Muqdisho ku qaadaya Heesta Calanka Soomaaliyeed (VIDEO)

image

Daawo: Gabdho Turki ah oo Muqdisho ku qaadaya Heesta Calanka Soomaaliyeed (VIDEO)

CalankaSomalia- December 24, 2014 – Dowladda Turkiga ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga shaqaale aad u tiro badan, ku waas oo dalka gudihiisa ka qabta howlo aad loogu baahanyahay oo kala duwan, Sida dhaqaatiir caawisa dadka kaamamka ku jiro ku wooda xanuunsan ilaa Rag Fuundinimo ku shaqaysta oo dhismo xoogan ka wada magaalada Muqdisho.

Dadkan ayaa badankood waxa ay soo kaxaysteen xaasaskoodii iyo caruurtoodii oo waxa ay ku dhex noolyihiin Bulshada dhexdeeda waxayna ilmahooda iskool ladhigtaan caruurta Soomaalida.

Tani ayaa waxaa keentay in dadka waaweeyn ee Turkida ah iyo ilmihiiba ay bartaan luuqadii Soomaaliga. Laakinse waqtiigii hore Talyaaniga  joogaay Soomaaliya muddo Badan ama ku dhasheen Marne kuma hadlin jirin Luqadda Soomaaliga .

Moment Research & Consultancy

AAYAHA DAMBEE JIRITAANKA AF SOOMAALIGA EE JAALIYADA SOOMALIYEED EE QURBAHA ( SOMALI DIASPORA )

Xisbiga Xuriyadda “NewSomalia” – Ummadaha iyo shucuubta aduunka ku uumani waxay ku faanaan dhaqankooda, hidahooda, Afkooda hooyo iyo hadba caqiidada ay aaminsanyihiin oo ay kaga soocan yihiin qowmiyadaha kale ee ay dunidan kula dhaqan yihiin, shacbi kasta oo dunida ku nool marka aad fiirisidna waxay inta badan ku dadaalaan sidii ay horumar weyn u gaadhi lahayd luqadoodu una sii adkaan lahayd jiritaankeedu, taas waxa aad si weyn u sii dareemaysaa marka aad u soo baxdo wadamada shisheeyaha gaar ahaana dunida galbeedka(The West) oo ay iskugu yimaadeen kumanaan jinsiyadood oo wata afaf, dhaqamo iyo taariikho kala duwan, in la ilaaliyo jiritaanka luqada iyo afka qaranku waxa uu laf dhabar u yahay in jiritaanka umadaasi dhawrsanyahay yahay lama taabtaana yahay si kasta oo uu uweyn yahay weerarka kaga yimaada dhaqamo shisheeye oo ay ku dhex milmaan, haddiise ay ummada ku timaado luqad guur ku dhaca faca u soo koroya iyo jiilkooda gadaal ka soo koroya oo si tar tartiib ahna u lumiyaan luqadoodii hooyo ee ay ka dhaxleen awowyaashood waxay astaan weyn u tahay u in ummadaasi uu ku dhici doono sal guur aan la mahadin doonin aayihiisa dambe.

Iintii aan imid wadankan boqortooyada ingiriiska waxaan si weyn u dareemay sida ay jaaliyadaha faraha badan ee ka kala yimid dacalada dunida ee ku dhaqan wadankani mid walbaa ugu dadaalayso sidii ay ubadkooda iyo facooda soo koroyaa gaws dambeedka u gashan lahaayeen afkooda hooyo iyo hidaha ay iska soo dhaxlayeen ab ka ab, waxa dhinaca kalena uur ku taalo weyn igu reebtay sida ay ubadka soomaaliyeed ee ku dhaqan wadamada galbeedku uga hayaameen afkii hooyo iyo tan ka sii daran oo ah waalidiintii soomaaliyeed oo arrintan aan ku baraarugsanayn taas oo hadii ay sidan ku sii socoto Afsoomaligii ka dhigi doonta mid gabal baas u damay oo si weyn uu u sal guuri doono taariikhda ma guuraanka ahina waayo badan ka sheekayn doonto.

Qormadan aan u bixiyey,Aayaha dambe ee Af-soomaaliga ee Jaaliyada Soomaaliyeed ee galbeedka waa dhiilo weyn oo aan la qaybsanayo akhristayaasha Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan, waana mushkilad hor leh oo u baahan ka hortageeda iyo wacyi galinteeda waxaanan odhan karaa burburkii qaranimo ee ku dhacay mujtamaca Soomaliyeed marka la eego qadiyadani waxay ka mid tahay kuwa safka hore kaga jira asee ay hilmaansanyihiin in badan oo ka mid ah indheergaradka Soomaliyeed iyo guud ahaanba bulshada inteeda kale.

Shirar dhawr ah baa laga qaban qaabiyey ilaa dhawrkii sano ee ina soo dhaaftay inta aan ka xasuusto meelo ka mid ah wadamada galbeedka oo ay deganyihiin jaaliyadaha faraha badan ee Soomaaliyeed, aqoonyahankii Soomaaliyeed ee shirarkaas isugu yimidna waxay ka hadleen halista uu ku suganyahay Afkii hooyo hayeeshee kulamadaas oo dhan kama soo bixin waxaan ka ahayn talo, tusaale iyo aragti ay is waydaarsadeen aqoonyahanadaasi. Intii aan waday daraasadan ku saabsan halista uu ku sugan yahay Afsoomaligii waxaan la sheekaystay caruur farabadan oo soomaali ah iyo waliba waalidiin, caruurtaas oo qarkood ku dhashay wadamadan shisheeye qaarna caruurnimadoodii la keenay waxaana ii sii cadaatay in Afsoomaaligii uu ku dhacay booraan aad u dheer oo baadigoobkiisana baryo lagu jiri doono hadiiba la helo cid u guntata badbaadintiisa.

Waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhashay wadan qani ah(I was born in a rich country, Holland), oo waxaan ka nasiib badanahay kuwa ku dhashay wadan faqiir ah sida Somalia oo kale, sidaa waxa igu tidhi 10 jir soomaaliyeed oo mar sii horaysay aan kala sheekaysanayey bal waxay ka ogtahay wadankeedii hooyo Somalia iyo Afka Soomaaliga, Ma jeceshahay inaad ku hadashid Afsoomaliga? Why I need it?(maxaan uga baahnahay)!!! waa jawaabtii gaabnayd ee ay gabadha yari ila holotay, saaxiibaday oo dhami waxay ku hadlaan afka Dutch-ka ama Af-ingiriisi sidaas daraadeed uma baahaniba inaan barto oo aan ku hadlo Af-soomaliga, caruurta Soomaaliyeed ee faraha badan ee ku dhaqan dibaduhu marka ay iyaga gudohuudu sheekaysanayaan waxay ku wada hadlaan hadba afka uu leeyahay wadanka shisheeye ee ay ku soo koreen ama ku dhasheen,oo waa arin cajiib ahe waxa agtooda fadhiya waalidiintoodii oo si wanaagsan ugu riyaaqaya sida ay ubadkoodu u bartaan Afka, arrintii iigu yaabka badnaydna waxay ahayd markii aan maqlay laba caruura oo walaalo ah oo Soomaaliyeed oo loogu kala turmayay magaalada London, midkood waxa uu ku soo koray Norway kan kalena England, labadoodabana Af-soomaaligu wuu u jaray, kan Norwaygian-ka ku hadlayaa uma bilowna Af-ingiriisigu kan Af-ingiriisiga ku hadlana Norwaygian-ku uma bilowna, amakaag iyo yaab badanaa Afkii hooyana ayaan daranaa!.

Quxuuntiga Soomaaliyeed ee sida daadka u soo galay wadamada galbeedka 15-kii sano ee ugu dambeeyey oo ay aafeeyeen geeska Africa colaadaha hubaysani maaha kuwii u horeeyey ee jaaliyad ahaan dhulkan soo daga, jaaliyado farabadan oo ka yimid meelo kala duwan oo dunida sadexaad ka mid ah ayaa iyaguna sidoo kale dhulal kan soo degay iyagoo tabanaya inay ka soo yaaceen masiibooyin dad samee ah oo ka qarxay deegaanadii ay deganaayeen, tusaale ahaan jaaliyadaha Asian-ka ah ee ku dhaqan boqortooyada ingiriiska waxa ka mida kuwa ka kala yimid wadamada Pakistan iyo India oo la odhan karo labaduba way uga soo horeeyeen Soomalida dhulkan, hadana marka aad u kuur u gasho jaaliyadahaas waxay guntiga dhiisha iskaga dhigeen sidii ay ubadkooda ugu ilaalin lahaayeen dhaqamadoodii iyo luqadoodii, guryaha hindidana waxa ilaa maanta lagaga hadlaa afkii hindiga,guryaha Pakistantana waxa lagaga hadlaa afkii urduuga, waxay samaysteen jaaliyado adag oo midaysan oo dagaal aan yarayn la galay sidii ay uga badbaadi lahaayeen dhaqamada ajanabiga ah ee ay soo dhex galeen.

Jaaliyada Hindida ee degan wadankan Britian oo lagu tilmaamo inay boqol jirsatay qayb weyn oo ka mid ahi waxay soo galeen wadankan 30-meeyo sano ka hor ka dib markii uu kalidii taliyihii ka talin jiray wadanka Uganda ee Idi Amin uu soo saaray ingiriiskuna siiyey magangelyo iyo marti galin, marka aad u kuur gasho caruurtooda oo gabi ahaantoodba ku dhashay wadankan waxaad ogaanaysaa inay Af-koodii hooyo iyo dhaqankoodiiba sidiisii u hayaan oo ay ka gaashaanteen dhaqamada galbeedka ee sida daadka u soo galay guryaha Soomaaliyeed ee ka taagan Galbeedka, arintaasna waxa u suurta galisay dadaalka waalidiintooda iyo isku duubnaanta Jaaliyadooda.

Sida uu dhigayo diiwaanka taariikhda Aaadamuhu kuma cusba dunida in la arko Af iyo dhaqan ummadi lahayd oo mar kali ah saaxada ka baxay lana waayey dadkii ku hadli jiray oo markasta oo ay dhalinta iyo faca ummad u soo kacayaa uu hawl gab noqdo lana qurxoonaadaan dhaqamada ummadaha kale afkoodii iyo hida hoodii wuxuu u ekaan doonaa sidii geed xar galay oo kale markaasuu afweynta goostaa, Af-kii la odhan jiray Sumeriyan waxa lagaga hadli jiray dhulkii la odhan jiray Mosabatamia,(Meesha hada loo yaqaan Ciraaq), dagaalo,colaado iyo kala fur furan ku dhacay Sumariyiinta sida ay taariikhdu dhigayso ayaa ka dhigay sidii tusbax goáy oo kale oo waxay u kala yaaceen dacalada iyo daafaha aduunka, jiilashoodii dambena way ku guuldaraysteen inay badbaadiyaan oo waxa la qurxoonaaday xadaaradihii iyo afafkii qalaad ee ay barteen,Afkii Sumeriyaanka ee ay mar ku hadli jireen malaayiinta qof maanta raq iyo ruux midna lagama hayo warkiisiina waxa uu ku dambeeyay oday ka sheekee.

Af Soomaaligii waxa uu qarka u saaran yahay in uu ka suulo luqadaha aduunka, waxaanu u baahanyahay badbaadin Ilaahbaa wax badbaadshee, waxa laga yaabaa inay akhristayaasha qaarkood fogaystaan fikradan oo ay keenaan suáasha ah, Sidee bay suurta gal u tahay Afsoomaliga oo ay ku hadlaan ilaa 9 milyan oo qof in uu si dhib yar uga siibto mujtamiciisa?, laakiin qofkii soo dhex gala qoysaska malaayiinta ah ee soomalaiyeed ee dibadaha soo degay intii ka dambaysay burburkii dawladnimo waxa laga yaabaa in fikradan uu u garaabo oo wax badani uga bidhaaman halista ku soo fool leh luqadii hooyo.

Qaybaha hore ee qormadan waxaan kaga hadlay oo kali ah uun Af-soomaligii oo ka sal guuraya jaaliyadaha Soomaaliyeed ee galbeedka(The West: Europe and North-America)ee waxa kale oo ay luqadii hantaaqooyin iyo dhirbaaxo weyn kaga timid qaybo badan oo soomaali ah oo ku dhaqan dunida carabta oo ubadkoodii ay ku ababeen Af-carbeedka oo iyaga oo ku hadaaqaya ay ku faraxsanyihiin waalidiintoodu ha u badnaadeen hooyooyinka e, waayo Hooyadu waa hoyga soo saarta barbaar iyo bulsho caafimaad qabta oo wadata hidihii iyo fankii ay awow ka awow iska soo dhaxlayeen.

Indheer garad farabadan oo Soomali ah ayaa rumaysan in tubta uu ku socdo Af-soomaligii uu yahay qorshe iyo wado horay loo sii jeexay oo ay ugu sii tala galeen quwado shisheeye gaar ahaana wadamada bixiya magangalyada quxuuntiga, waanay iska cadayd in ujeedooyin qoto dheer laga lahaa soo dhawaynta diiran ee ay la kulmaan hooyooyinka iyo caruurta Soomaaliyeed ee sida weyn u soo galay qurbahu ilaa intii ka dambaysay burburkii dawladii Somalia.

Hadaba guntii iyo gabagebadii, Af-kii hooyo waxa uu saaran yahay gabi aad u dheer oo uu ka lushaa hadii ay wadaantu u go’dana sidii loo soo qaban lahaa way adkaan doontaa, halka uu ka dheeliyayaana waa jiilkiisii soo kacayey iyo dhalintiisii oo luqadii hilmamay, suáasha aan u soo bandhigayo akhristayaasha Soomaliyeedna waxa weeyaan sidee lagu badbaadiyaa luqadii, ma jirto dawlad Soomaaliyeed oo u hawl gasha ururinta iyo kaydinta suugaantii hidihii iyo murtidii Af-ka Soomaaliyeed iyada oo uu Af-soomaligu ka mid ahaa luqadaha ugu hodansan xaga gabayada, maahmaahyada iyo suugaanta Qaarada Afrika. Jawaabta su’aashaa waxaan u dhaafayaa inay ka soo faaloodaan cid kasta oo dananaysa jiritaanka Af-ka hodanka ah ee Soomaaliyeed.

                                 PenSomalia

Posted on December 24, 2014, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: