Wufuudii IGAD oo Muqdisho soo wada gaaray: DAAWO VIDEO

imageWaxaa galabta Wafdi ka socda Wasiirada Arrimaha Dibada ee IGAD oo uu horkacayay Wasiirka Arrimaha Dibada Itoobiya Tedros Adhanom oo haya Madaxtinimada IGAD ay soo gaareen garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Waxaana wada yimid dhamaan xubnihii Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD, iyadoo caawa la filayo inay ku hoydaan magaalada Muqdisho, kana qeyb galaan Xaflad loogu sameynayo Xarunta Madaxtooyada.
Wasiirada Arrimaha Dibada Itoobiya, Kenya, Uganda, Sudan iyo Koofurta Sudan ayaa hal diyaarad ay goor dhoweyd ka soo wada dejisay garoonka diyaaradaha Aadan cadde, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

DAAWO SOO DHAWEYNTA :

January 10, 2015 – Shirkii Wasiirada Arrimaha Dibada Urur Goboleedka IGAD ayaa si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay duhurnimadii maanta, kadib muddo saacado ah oo uu shirkan ka socday Hotelka SYL ee ka soo horjeeda Xarunta Madaxtooyada.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galayay Wasiirada Arrimaha Dibada Itoobiya, Kenya, Jabuuti iyo South Sudan, waxaana wehliyay wasiiru dowlayaasha Uganda iyo Sudan, waxaana xubnaha ka qeyb galay ka mid ahaa Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya.

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nicholas Kay oo shirka ka hadlay ayaa ku tilmaamay in shirkan uu yahay mid taariikh ah oo muujinaya horumarka laga gaaray ammaanka iyo siyaasada Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa markii lasoo gabagabeeyay shirka wasiiradda IGAD, dhinaca warbaahinta Hambalyo iyo mahad celin ugu diray Ummadda Soomaaliyeed.

Shirkii IGAD oo lasoo Gabagabeeyay iyo Madaxweynha oo Ummada u Mahad Celiyay (VIDEO)

image image image image image image image image image image image image image image image imageimage

Posted on January 10, 2015, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: