DOOD FURAN: Aqoonsiga Khaatumo State??

Sunday, March 11th, 2012 – Weli waxaa muuqata in Dawlada KMG Soomaaliya aysan dhexdeeda isku mowqif ka ahayn aqoonsiga maamul goboleedka cusub ee Khaatumo State iyadoo toddobaad gidihiis labo warqadood oo kala duwan ka soo bexeen xafiiska ku simaha raysul wasaaraha, waxaana ka horeeyey in madaxweyne Shariif uu si cad u shaaciyey in dawladu aqoonsatay Khaatumo State.

Masuuliyiinta maamulka Khaatumo State waxay sheegayaan inay iyagu buuxiyeen dhamaan wixii shuruud ahaa ee maamul goboleed laga rabay, sida in labo gobol iyo ka badan uu ka koobnaado uuna diyaar u yahay ka qeybgalka dawlad Soomaaliyeed oo federaal ku saleysan.   Madaxweyne Shariif laftiisu arintaasi wuu u rumeeyey.
Hadda waxaa la hadalhayaa arimo kala duwan;-

  • – Dawlada KMG waxay rajo ka qabtaa wada hadal ay la gasho maamulka Somaliland uu 21 sano ku     dheganaa gooni u goosadnimo, dabcan markaasi waxay dawlada KMG ka welwel qabtaa in wada hadalka suurtagalka ah ee Somaliland uu saameyn ku yeesho arinta Khaatumo State. Madaxweynaha maamulka Khaatumo, Cabdinuur Cilmi Qaaji.
  • – Sidoo kale Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo diidan jiritaanka Khaatumo State ayaa dhowr jeer uga digay DKMG ah inay soo dhoweysato maamulkaasi.

Laakiin haddana waxaa isla arinta sii xoojiyey ka dib markii xildhibaano iyo qeybaha bulshada oo ay ku jiraan shacabka Muqdisho taageero weyn iyo soo dhoweynba u muujiyeen masuuliyiinta maamulka Khaatumo oo haatan ku sugan Muqdisho.

Waxaa taasi dheer in qaar badan oo hogaanka DKMG ah ay u arkayeen sameynta Khaatumo State fursad wanaagsan oo lagu dhowri karo midnimada dalka maadaama qeyb weyn oo Somaliland ay sheegan jirtay inay ka taliso hadda maamulka Khaatumo ka mid noqonayaan.

Dadka la socda siyaasadda waxay leeyihiin waxaa DKMG ah ay wajaheysaa “Labo daran mid dooro“.
Dad badan waxay maamulka Khaatumo u arkaan inuu la mid yahay maamulada kale sida Puntland, Galmudug iyo kuwa kale ee DKMG ah la macaamisho sidaasi darteedna aaney jirin wax lagu diido jiritaankeeda.  Halka ay jiraan dad kale oo ku doodaya in labada gobol ee Sool iyo Sanaag ee ay ku doodeyso Khaatumo in qeybo ka mid ah ka tirsan yihiin Puntland iyo Somaliland ayna dhalin karto in saddexda maamul (Somaliland, Puntland iyo Khaatumo) ay ku loolamaan taasoo abuuri karta dagaalo hor leh.

Haddaba aqoonsiga Khaatumo State muxuu ku kordhin karaa nabadeynta Soomaaliya iyo ilaalinta qaranimada dalka?
Maxaase isaga xiran xiriirka Dawlada dhexe ee Puntland iyo Somaliland iyo arinta Khaatumo State?
DOOD FURAN

Posted on March 12, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. 2 Comments.

  1. C/raxmaan Faroole oo sheegay in DKMG Somalia aaney Puntland la’aanteed wada hadal la geli karin maamulka Somaliland

    11.03.2012 – Madaxweynaha maamulka Punntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole ayaa sheegay in dowlada KMG Somalia aaney wadahadal la geli Karin maamulka Somalliland, iyadoo aaney Puntland ka warqabin goob joogna ka aheyn wadahadalkaas xili uu ka hadlayey munaasabad ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

    Mr. Faroole ayaa sheegay in maamulada Somaliland iyo Puntland uu ka dhexeeyo muran dhuleed aad u balaaran sidaa awgeedna Puntland aan looga maarmeyn iny saameyn ku yeelato wadahadalka lagu wado inuu dhexmaro dowlada KMG Somalia iyo iyo maamulka Somaliland, isagoo xusay in natiijo kasta oo ka soo baxda wadahadal ay Puntland ka maqan tahay aysan miro dhal noqon doonin.

    “Ma wada hadli karaan TFG iyo Somaliland iyadoo aaney ka war qabin goob joogna aheyn maamulka Puntland maxaa yeelay anagu Soomaali waan ka tirsanahay, hase ahaatee ka maaamul ahaan muran dhuleed anaa nagala dhexeeya Somaliland, dhul aynu leenahay beyna xoog ku heystaan, marka wadahadal kasta oo labada dhinac dhexmnara waa inaan ka qeyb galnaa” ayuu yiri C/raxmaan Faroole.

    Dhinaca kale Faroole ayaa sheegay in dowlada KMG Somalia aysan awood u laheyn aqoonsiga maamulada dalka ka dhismaya, iyadoo aaney ka warqabin wada tashina kala yeelan maamulka Puntland, wuxuuna xusay iney sharci daro tahay talaabo kasta oo ay dowladu qaado iyadoo aaney ogeyn maamulka Puntland, isagoo kuwo sharci ah ku tilmaamay maamulada ka dhismaya dalka intooda badan gaar ahaan maamulka khaatumo State.

    Hadalka Madaxweynaha maamulka Punntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole oo u muuqda in dowlada KMG Somalia looga taliyo magaalada Garowe ayaa ku soo aadaya xili dowlada KMG Somalia ay aqooonsigii kala laabatay maamulka khaatumo State ka dib markii la sheegay inuu cadaadis xoogan kaga yimid maamulka Puntland oo ka soo horjeeda khaatumo State.

  2. Dalka Uu Siiyay Madaxweyne Faroole (Moment Media Group)

    Muqdisho Sunday, March 11th, 2012 (Moment Media Group) Xildhibaano ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdiso ayaa waxay eedeyn u jeediyeen madaxeynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ay ku eedeeyeen in Awoodii dalka oo dhan uu ku wareejiyay madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole.

    Kulanka xildhibaanadaan ay yeesheen kadib ayaa waxa Saxafadda la hadlay Xildhibaano badan oo ay ka mid ahaayeen Ismaaciil Axmed Nuur, Maxamed Xusen Faroyare iyo Maxamed Maxamuud kuwaasi oo sheegay in Faroole uusan xaq u laheyn in uu ka hadlo wax kasta oo aanan isaga khusayn.
    Xildhibaanadaan ayaa sheegay in madaxweyne Faroole uu u dhaqmayo sida madaxweynaha dalka uuna ku qasbay madaxweyne Shariif iyo masuuliyiinta kale ee dowlada in uu ka hadlo Dastuurka Dalka iyo in maamulkiisa la soo ogeysiiyo waxkasta.
    Waxay sheegeen sidoo kale mudanayaashaan ka tirsan baarlamaanka KMG Soomaaliya in aysan macquul ahayn maamulada la samaynayo in laga tashigaliyo C/raxmaan Faroole iyo heshiisyada ay dowladu galayso maadaama bey yiraahdeen Puntland ay la wax la qabto maamulada kale ee dalka.
    “Maamul sidee maamul kale arintiisa loogala tashan, waxa weeye dawlada dhexe ayaa iska leh siyaasada ka hadalkeeda iyo wixii heshiisyo caalami ah” sidaasi waxaa yiri xildhibaan Ismaaciil Axmed Nuur.
    “Madaxweyne Faroole wuxuu garan la’yahay inuu yahay madaxweyne gobol ee uusan ahayn madaxweyne qaran”, sidaasina waxaa hadaladiisa ku daray Xildhibaan Maxamed Xuseen.
    Hadalka Xildhibaanadaani ayaa imaanaya xilli Madaxweynaha Maamulka Puntland uu shaaca ka qaaday in lagama maarmaan ay tahay in wada hadal waliba oo dhexmaraya Maamulka Somaliland iyo dowladda KMG ah uu ka warhayo Maamulka Puntland iyadoo madaxweyne Faroole uu sidoo kale diiday in la ictiraafo maamulka Khaatumo State.
    Moment Media Group)

Leave a comment