Wasaarada Dastuurka oo sheegtay in maamullo cusub loo sameynayo gobollada la xoreeyay

Muqdisho Axad 26 February 2012 (SONNA) – Wasaarada Dastuurka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan qorshayaal maamullo cusub loogu sameeynaayo deegaanada iyo gobollada dhawaan laga xorreeyay Al-qaacidada Soomaaliya, si dadka halkaasi ku sugan ay u u dhadhamiyaan dowladnimada, nabada iyo kala danbeynta.

Wasiirka Dastuuska iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya mudane C/raxmaan Xoosh Jabriil oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa hoosta ka xariiqay in xukuumada Soomaaliya ay haatan ku howlantahay sidii maamullo cusub looga yeeli lahaa deegaanada iyo gobollada dhawaan laga xorreeyay maleyshiyada Al-shabaab ee u xuub siibatay Al-qaacida, isagoona intaasi raaciyay in maamullada la sameyn doono ay noqon doonaan kuwo ay ku faraxsan yihiin dadka ku dhaqan gobollada dhawaan la xorreeyay.

Mudane C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sidoo kale farka ku fiiqay in maamul u sameynta gobollada dalka ay wada tashi kala leeyihiin dadka ka soo jeeda deegaannadaasi, isagoo intaa raaciyay in dowladda aysan isku koobi doonin maamulka u sameynta gobollada dalka Soomaaliya iyada oo kaliyah.

Hadalkaani ka soo baxay wasiirka wasaarada Dastuuska iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa imaanaya xilli ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay ku guuleysteen in ay la wareegaan deegaano iyo gobollo farabadan oo ay horay ugu sugnaayeen Al-qaacidada Soomaaliya.

Source: SONNA

Posted on February 26, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a comment