Waxey qorsheeyeen hiigsi Qaran dumin ah………

Hiigsiga ‘Kooxda Madaxtooyada’ Waa Qaran Dumin Aan Wax Ka Qabad Lahayn!
Hiigsiga ‘Kooxda Madaxtooyada’ Waa Qaran Dumin Aan Wax Ka Qabad Lahayn!

Wednesday 18 February 2015 | Xisbiga Xuriyadda | Koox yar oo u abaabulan qaab ku dhisan burcadnimo siyaasadeed ayaa talada madaxtooyada dalka is ku koobtay, waxeyna maqalka iyo araga ka xirteen dareenka shacabka iyo talooyinka Baarlamaanka.

Waxey qorsheeyeen hiigsi qaran dumin ah oo ay ku bedelayaan garsoorka iyo sharciyada dalka u degsan si cida ay doonaan ay u xalaaleystaan ku xadgudubka xuquuqdooda, hirgelinta federaal ay ku dhisanayaan maamulo ay kooxdoodu hogaamiso, dhismaha ciidan ka kooban kaadiriintooda oo caburiya aragtida mucaaradka, maalgelinta taagerayaashooda lagu hodminayo boobka hantida qaranka iyo musuq sharciyeysan, diyaarinta xisbi keliya oo kooda ah inuu dalka hogaamiyo, iyo in dalka laga hirgeliyo doorasho codka loogu shubayo shaqsiyaad xulan oo adeegsanaya hantida ay xaaranta ku heleen tujaarada dalaaliinta ah oo ku xooleystay qandaraasyada naasnuujinta iyo boobka dhulalka dowladda.

Hiigsiga ‘Kooxda Madaxtooyada’ Waa Qaran Dumin Aan Wax Ka Qabad Lahayn!

Hiigsiga ‘Kooxda Madaxtooyada’ Waa Qaran Dumin Aan Wax Ka Qabad Lahayn!

Kooxdaas waxey dhisatay shabakad ka khatarsan xagjiriinta hubeysan, waxeyna deeqaha ku abuuratay maalgelin hoose oo ay taageerayaasheeda ugu siisay fursad amaaha oo qof kasta u ku soo abuurayo hantidiisa taageerayaal kale oo sidaas loo maalgeliyo, waxeyna sidaas dalka oo dhan uga hirgeliyeen silsilad isku xiran oo kaalmo dhaqaale ka geysta meelmarinta qorshooyinka kooxdaas.

Khatarta ugu weyn waxey ka imaneysaa dhismaha ciidan daacad u ah ujeedooyinkooda ku saleysan qaran duminta iyo qiyaamada, waxaana muuqata hadda tira badan oo ka mida ciidanka qarsoon oo loo hibeeyey darajooyin aysan mudneyn si ay u gutaan shuruud la’aan abaalka loo galay, taas oo albaabada u fureysa dagaal wejiyo badan oo ka dhex furmaya dowladda dhexdeeda, saameyna ku yeelanaya curinta qiil sidii loogu heli lahaa suurtogalnimada afgembi siyaasadeed sidii loogu xalaaleysan lahaa kelitalisnimo kooxeed.

Dagaalka bilowgiisa wuxuu ku furan yahay in la dejiyo qorshihii siyaasadeed oo lagula wareegi lahaa amniga iyo garsoorka si loo kala haatiyo siyaasiyiinta mucaaradsan taloxumada lagu hogaaminayo madaxtooyada Soomaaliya, waxaana sidaas ku mataamoobaya hayadaha u xilsaaran soo qabashada iyo xukminta. Si ujeedooyinkoodu u fulo waa in la xaqiijiyo ciidamo qarsoodiya oo u habeysan nabadsugid, kuwaas oo cadeymo beenabuura u soo maleega dadka la bartilmaameysanayo iyo magacaabida garsoorayaal ku shaqeeya rabitaanka madaxda soo magacawday.

Waxaan taas ka marneyn curinta xeerar lagu caburinayo dadka, gaar ahaan saxaafadda, siyaasiyiinta, iyo ganacsatada xalaasha ah, waxaana xeerarkaas diidi kara maxkamada dastuurka oo gebi ahaanba la diidan yahay in la dhaqangeliyo, waxaana bedelkeeda la isku indho sarcaadinayaa jiritaanka maxkamada sare oo aan lahayn awooda maxkamada dastuurka.

Dagaalka culeyskiisu wuxuu ku dambeynayaa mid ku jeeda baarlamaanka, kaas oo ah mid ka dhex dilaaca hogaamiyaha sare ee dalka iyo kutlooyinka baarlamaanka. Madaxweynaha wuxuu maleegayaa xasarado uu marmarsiyo ugu heli karo sida dalka uu u gelin lahaa xaalad deg deg ah oo u suurtogelisa inuu baarlamaanka joojiyo kulamadooda, kadibna uu xalaaleysto wakhti kordhin inta aan laga bixin xaaladda deg dega ah. Sidaas si la mid ah ayuu baarlamaanku u qorsheynayaa xeeladii ay xilka uga qaadi lahayeen madaxweynaha iyaga oo u sababeynayaa inuu ku guuldareystay hogaaminta dalka.

Xildhibaanada waxey hadda fahmeen awood wadareedkooda iyo in dagaalka ay kula jiraan madaxweynaha uu u soo celinayo kalsoonida ay ka haystaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, taas oo dhiirogelineysa xalaalnimada dagaalka ay ku la jiraan madaxweynaha iyo kooxdiisa.

Raisulwasaaraha wuxuu caqligiisu siiyey inuu xukuumad ka dhexdhiso madaxweyne iyo baarlamaan is diidan, waxaase ka hoos baxday inuusan fahmin isbedelka lagu sameynayo wajiyada kooxda madaxtooyada ineysan xal u ahayn dowladnimo wanaag iyo raaligelinta madaxweynaha ama baarlamaanka midkood.

Xasaradda abuuran maanta ma ahan mid ku dameysa xataa haddii bil ama laba bilood fursad loo siiyo raisulwasaaraha inuu ka gudbo si uu u soo dhiso xukuumad, waxaana suurtogal ah dadaaladiisa fashilmaya iney soo dedejiso iska horimaadka ugu dambeeya ee madaxweynaha oo wata kooxdiisa madaxtooyada iyo kutladaha baarlamaanka oo wata kalsoonida shacabka, waxeyna u badan tahay in ismriwaagooda ay ku soo baxayaan wakiilada bulshada caalamka oo dhibaatada abuuristeeda qeyb ka ah, haddana caalamka u muujiya khatarta ay leedahay, lacagna uga soo aruursada xalinteeda.

Bulshada Caalamka waxaa u xeeladeysan dhibaatada ka jirta Soomaaliya nidaamkii ay u mari lahayd kaas oo aan marna raacsaneyn talada madaxtooyada iyo kan baarlamaanka, waxeyna sugayaan inta ay isku daalayaan oo iyaga taladooda kama dambeysta ah ay qaadanayaan iyagoo ganacsan. Waxaa hubaal ah in labada dhinac mid walba ay garab ku siinayaan sidii ay u sii kala fogaan lahayeen iyaga oo muujinaya in dhinac walba uu ku saxan yahay jidka uu ku diidan yahay kan kale, sidaasna dhinac walba ay u aaminto in bulshada caalamka ay dhankooda la jirto. Waxaa hubaal ah in bulshada caalamka aysan wax dan iyo muraada ka lahayn kooxda madaxtooyada iyo madaxweynahooda, una soo jeedinayaan madaxweynaha in ama uu qaato masuuliyada burburka dowlada oo caalamka ay ka gashay hanti fara badan ama inuu qaato go’aan geesinimo leh oo ah inuu qirto fashilka hogaamintiisa, iskana casilo xilka madaxweynenimada dalka.

Xisbiga xuriyadda waxaa u muuqata in xaraaruga laga badbaadiyo raisulwasaaraha oo loo fududeeyo sidii uu meesha uga bixi lahaa, lana abaaro hogaanxumada dalka u horseeday guuldaradda ka dhalatay dowladxumada dalka ka jirtey saddexdii sanno ee la soo dhaafay. Waxaan dood lahayn in koox yar iyo hogaamiyahooda uusan u dhigmin waxtarka uu baarlamaanka u leeyahay dalka xiligan adag ee kala guurka ah. Dhibka maanta haysta dowladnimada Soomaaliyeed dawadiisu ma ahan magacaabista raisulwasaare ee waa xil ka qaadida madaxweynaha.

Marka la fiiriyo heerka musuqa iyo ku takrifalka awooda iyo hantida dowladda ma muuqato xal deg deg ah oo ay yeelato dowladnimada Soomaaliyeed, waxaana ka sii daran xalka ay wadaan wadamada deriska iyo bulshada caalamka oo dhabarjab ku ah madaxbanaanida iyo ismaamulka dowladnimada Soomaaliyeed. Xisbiga Xuriyadda isaga oo ka walaacsan arrimahaas murugada badan ayuu wuxuu u soo jeedinayaa madaxweynaha inuu iska casilo xilkan uu ku guuldareystay.

Calanka Somalia ————SomaliaObservatory ————PenSomalia ——- XisbigaXisbiga

Posted on February 18, 2015, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a comment