12 Oktoobar1954

img_5419

Moment Research &Consultancy
HalgankiiXisbigaSYL


Waxaa farxad ii ah, inaan dhamaan shacabka Soomaliyeed la wadaago, maalinta Calanka Qaranimada iyo jiritaanka dawladnimada Soomaliyeed.
Calanku waa xudunta astaanta Qaranka, waana muujiyaha Middnimada Ummada iyo bidhaamiyaha Qaranimadeena iyo isku-duubnideena Soomalinimo.
Calanku wuxuu kamid yahay, astaamaha Guud ee ummada kawada dhaxeeya, oo ah in si wadajir ah loo wada ilaashado, sida, Dhulka, Dadka, Afka, Diinta iyo Calanka.
Sumadeenu waa Calan, Suuradeenu waa Calan, astaanta lafdhabarta dalkeenu waa Calan.
Waxaa waajib ku ah, dhamaan shacabka Soomaliyeed, in hantida, iyo astaanta dalka, lawada ilaashado, si jiritaankeena, dadnimadeena iyo walaaltinimadeenu u waarto.

Calan iyo Calal  kala Caynad Wacan!

Dal burburay, dawlad dhacday iyo ummad kala baahday, wax walba ka filo. Sidii ay meesha uga baxday dawladdii dhexe, ee Soomaaliya, waxaa la soo maray xilliyo kala gaddisan, oo aan la mahdin, billowga, bartamaha, baal socodka iyo meesha ay ku biya shuban doontaba, waa midaan loo riyaaqaynin. Sababta waxaan filayaa inay iska caddahay, maxaa yeelay, sanadihii colaadaha dhibkii dhacay, ee wada gaaray miyi iyo magaalo, waxay sababeen fawdo iyo fidno aan jaan iyo cayn lahayn.

Wixii la soo maray, ee burbur ahaa, bililiqadii loo gaystay hanti dawlad iyo mid dadweyne, ee la fiiqday fooq iyo hoos, wixii la boobay, ee la bawsaday een cidna looga amran, wixii dhac iyo dhibaato la gaystay, ee aan cidna loo dhimrin, wixii xumaan la maleegay, ee midig iyo bidix lagu meeray, wixii maamul la diiday, ee mooryaan laga doorbiday iyo maangaabyo aan magac lahayn, dhammaan waxay ku aroorayaan sida xumaatada loogu wada hamuun qabay ama loogu wada gayfanaa, ee aysan jirin cid yac ka dhahaysa.

Astaamaha qaranka Soomaaliyeed mar hore ayaa la burburiyey, qaarna waaba la badalay, burburintaas oo si ula kac ah u dhacday iyo qasad. Waxaa meesha ka baxay wixii dawladda Soomaaliyeed lagu astayn jiray, oo lagu aqoonsan jiray. Inta uu ku socday burburku ama la badalayey cidna kama hadlin ama kama dhiidhin, ee waa la wada aamusay, taas oo muujinaysa sida Soomaali u fiirsanayso waxyeellada ku socota astaamaha qaranka.

Astaanta Dawladda Soomaaliya tilmaamteeda balaan ka soo xiganno axdiyadii kala dambeeyey, ee ay lahaayeen dawladihii loo dhisay Soomaaliya xilligii nabadda iyo intii lagu jiray xarig jiidka murqa daaliska ah. Dhammaan waxaa ku qeexan in astaanta Somaliya tahay sidan:

Calanka qaranka ee Dowladdu waa: buluug furan, cirka u eg, afar gees ah, dhexdana ku leh xiddig cad shan gees leh madaxyo siman leh.

Astaanta Dowladda waxay ka kooban tahay: Gaashaan buluug furan, oo leh xidaayad dahabi ah, dhexdana ku leh xiddig shan geesley ah oo dheeh qalin ah leh.

Gaashaanka dushiisa waxaa ku yaal rukumo Carbeed oo xardhan, lehna shan madax oo dahabiya, oo ay labada geesaha ku yaalla ay kala qaaran yihiin, hareerahana waxaa ka haya laba Shabeel, oo dabiici ah, oo isku beegan kuna kala taagan laba waran, oo isku waydaarsan caaradda hoose, ee gaashaanka, ayna weheliyaan laba caleen cawbaar oo dabiici ah, diilin cadina ku qoofalan tahay.

Muhimaddeenna waa tan qusaysa calanka tan kalana waxaan ugu lifaaqnay inay ku lammaan tahay oo calanka astaanta xigta ay tahay, muuqaal ahaan iyo muujin ahaanba astaantan xilliga burburka sidaa uma muuqan oon uga jeedo, maadaama aysan dawladi jirin inaysan astaan ahaan u taagnayn isticmaalkeeduna uu yaraa, ma baabi’in, balse, bidhaanteedu wuu yaraa, taasna waxay keentay in dhallaanka dhashay xilliga fawdada aysan aqoon u lahayn astaantan waxa ay tahay.

Calanka Soomaaliya ma ahan markii u horraysay oo la badalo, horay waxaa u badalay maamulka Somaliland oo ku badalay midka uu imika calan ahaan u doortay, oo waliba mararka qaar calanka Soomaali loogu daray in la gubay meelo ka mid ah deegaannada Somaliland, balse, maamulka Somaliland laba arrinba meesha kama saarin xilligii uu calan samayska ku jiray labadan arin oo kala ah: midabkii buluugga ahaa iyo xidigtii caddeed ee shan geesoodka ahayd, taasna waxaa u sii dheer inuu gooni isu taag sheeegtayna madax bannaani uu ka madax bannaan yahay Soomaali inteeda kale.

SANNAD GUURADII 61aad: 1954-2015 CALANKA QARANKA SOOMAALIYEED

October 12, 2015

In badan oo naga mid ah kuma baraarugsana maalmaha qaranka, waxaana haboon in mar weli baa an is xusuusino maalmaha qiimaha weyn ugu fadhiya shacabka soomaaliyeed si ay u ogaadaan jiilka yar yar ee maanta soo koraya sidaasi darteed waxaa maanta xusid mudan in ay tahay 12kii Oktoober 2015 kuna beegan sannad guuraddii 61aad ee helida astaanta calanka qaranimadda soomaaliyeed , nasiib wanaag muddo dheer oo dadweynaha soomaaliyeed ay ku jireen dagaal sokeeye oo aan dhamaad lahayn , nabadgalyo xumo,gaajo abaar is daba jog ah iyo cudur, nasiib wanaag xuskani wuxuu ku soo beegamay xili dowladnimo u dhalatay shacabka soomaaliyeed, isla markaasi na gobaladda dalka oo laga xureeyey kuwa nabad diidka ahaa, dowaladda maanta inoo dhisan oo laga la rajeynaayo in ay soo af jarmaan colaaddii iyo amaano daraddii dalka ka jirtay oo ay aad u adkeed in dadka dhibaateysan in la gaarsiyo gargaar deg deg, maxaa yeelay dalka waxaa soo marab abaaro isdaba jog ah, isla markaasi na waxaa laga filayaa barlamaanka cusub inuu noqdo kuwa u adeega danta shacabka soomaaliyeed oo ay ka fogaadaan wax alla wixii khilaaf keeni kara taasoo guud ahaan dan u ahayd dadka dan yarta ah ee ku nool dalka gudahiisa iyo kuwa ku dac dareysan dibadda ba.

Haddaba waxaan hambalyo iyo boogaadinba halkaani ugu soo dudbinayaa dhamaan ummadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan guddaha iyo dhibadda ba iyo madaxda dalka maanta hogaamineysa waxaana ku boorinayaa in xilka culus ay shacabka soomaaliyeed u hayaan inuu ilaahay waafajiyo waddada xaqa ah isla markaana noqdaan kuwiii maamulka dowladda oo shacabka ku aaminay in ay ku hogaamiyaan cadaaladd iyo sinaan iyo midnimo, kana fogaadaan musuqmaasuq,qabyaaladda, dulmi iyo lax jacleysi maadama maanta dalkii kuwii dhibta ku haayey oo nabad diidka ahaa inta badan gobaladda dalka laga xureeyey, sidaasi darted waxaa looga baahan yahay dhallinyaradaasi la madax dooriyey in dhaqan celin loo sameeyo maxaa yeelay dhallinyaradu waa tiir muhiim u ah horumarka dalka isla markaasi na dawladdu waa in ay ka shaqeeyaan horumarinta iyo dib u dhiska dalka iyagoo wax waliba ay ka hormariyaan maslaxadda guud ee dadka iyo dalka soomaaliyeed,waxaan aaminsanahay haddii la helo maamul hufan oo xalaal ah in laga bixi doono dhibaatadda iyo jahawareerka ee dalka muddada dheer ku jiray, lana gaari doono horumar iyo barwaaqo taasoo masuuliyadeedda dusha uu ka saran yahay dhamaan qof weliba oo damiir soomaalinimo leh.

Sida la wada ogsoon yahay calan walba wuxuu taagan yahay ama astaan u yahay qaranimadda dalka uu leeyahay, calankeena buluuga (cirka oo kale ah) iyo xiddigta cad ee dhexda kaga taala ay astaan u tahay jiritaanka ummadda soomaaliyeed oo isticmaarka u qayb qaybiyey shan qaybood .

Calanka soomaaliyeed oo ah astaan qurux badan markii ugu horeysay taariikhda marka ay ahayd 12 Oktoober 1954 la soo saaray, waxaana alifay ilaahay ha u naxriistee marxuum Maxamed Cawaale Libaan

Alla ha u naxriistee Maxamed Cawaale Libaan oo ahaa wadani ah aragtidiisa ay fogtahay , isla markaasina soomaalinimada ay ku weyntahay, xiligaagi na wuxuu ahaa guddoomiyiha ururka shaqalaha soomaaliyeed wuxuuna ku micneeyey caloanka sida tan hoos ku qoran;

Xiddigta cad ee bartamaha kaga taala calanka qaranka soomaaliyeed waxay xambarsan tahay micno weyn oo ah soomaal weyn waxaa loo yaqaanaa xidigta midnimada shacabka Soomaaliyeed. waxeyna mideyneysaa gobolada ay Gumeystayaashii reer yurub ay u kala qeybiyeen 5 qaybood oo kala: Koonfurta soomaaliya oo xiligaasi gacanta ku haayey dalka Talyaanioga, waqooyi galbeed , soomaali galbeed oo hadda itoobi ay ka tirsan tahay gacanta ugu jirto iyo waqooyi bari N.F.D oo hadda heysato Kenya , xiligaasi ganacta ay ugu jirtay dowladda Ingriiska iyo Somali Djabouti oo xiligaasi maamulaayey dowladda Franciiska, midibka cadka ahna wuxuu ku micneeyey nabadgalyo , buluuga na wuxuu ku tilmaamay barwaaqadda dalkeena uu leeyahay

Markii uu soo bandhigay ururka SYL iyo kuwa mucaadka ah ba dood dheer ka dib waxaa la isku waafay muxaafid iyo mucaaridba calanka uu soo ban dhigay Maxamed Cawaale Libaan, hase yeeshee markii loo geeyey maamulkii talyaaniga ayaa diiday oo ku tilmaamay inuu egyahay calanka dalka Zair sidaasi darted aan la ogoleen calan dal leeyahay in la qaato , dhanka buluugana uu kaga egyahay Jamciyadda Qaruumaha ka dhexaysa , hasayeeshe Maxamad Cawaale liibaan wuxuu Talyaaniga u sheegay in labada calan aanay isku mid ahayn sababtoo ah Calanka (Zaire) xiddigta ku dhextaal waa mid dahab huruud ah tan Jamciyadda Qaruumaha ka dhexaysa ay isku mid ahayn, sidaasi darted maamulkii xafiiska basaabka ee Muqdisho waa ogolaaday in la qaato calanka buluug ah xiddigta cad dhexda kaga taala.

Halgan dheer ka dib ummadda soomaaliyeed waxay ku guuleysatay una suurta gashay in ay yeelato calan aad iyo aad u qurux badan , kaasoo ka tarjumaya jiritaanka iyo himiladda ummadda soomaaliyeed oo ah in la helo soomaali weyn oo mideysan “Pan Somalism” .

Calanka qaranka soomaaliyeed oo maanta 60 sano jirsaday , wuxuu ku yimid halgan adag oo loo soo galy, halgankaasoo ay hogaanka u hayeen dhallinyaraddii soomaaliyeed xisbigii SYL kuwaas ka soo horjeday ama diidanaa gumeysiga iyo gumeysi kalkaalayaasha .

Waxaan jaclahay in aan si koob u xus halgankii gobonimadoonka soomaaliyeed iyadoo maanta loo dabaal degaayo 60 guuraddii calanka astaanta u ah qaranimadda shacabka soomaaliyeed , taasoo aan uga dan leeyahay, jiilka maanta soo koraya in ay fahmaan dhibaatadda loo soo maray xurnimadda maanta aynu haysano , runtii xurnimadaasi kuma aysan imaanin si fudud balse waxaa loo soo maray halgan adag , sidaasi darteed waxaa loo bahan yahay in dhallinyaradda maanta jira in ay ku daysadaan doorkii wax ku oolka lahaa ee dhallinyaraddii soomaaliyeed ka soo qaadatay xurnimadda.

Dhalllinyaro ka kooban 13 , waxaa u suurta gashay markii ugu horeeyey taariikhduna ahayd Bishii May 15, 1943 kii in ay abaabulaan urur dhallinyaro gobannimo doon ah oo la magac baxay S.Y.C Somali Youth Club oo aan siyaasi ahayn.

Xisbigii S.Y.C. ahaa wuxuu isku beddelay urur weyn oo siyaasi ah lana magac baxay S.Y.L. Somali Youth League, ururkaasi waxaa albaabadda loo furay taariikhdu markii ay ahayd May 15, 1947kii kaasoo go’aansaday halgan siyaasadeed oo gobannimo doon ah , sidii loo gaarsiin lahaa shacabka soomaaliyeed xornimo taam ah.

Waxaa xusid mudan 11.01.1948dii waxay ahayd maalin xamaasad weyn leh taasoo ahayd tii ugu xoog badneyd uguna caansaneyd , sababtoo ah waxaa dhacaayey gudoonkii Aayaha Ummadda Soomaaliyeed , Maanlintaasi oo ay dhaceen dagaalo ba’an oo ay ku dhinteen 52 Talyaani ah iyo kuwa kale

Maantaasi waxaa dalka ku sugnaa guddigii ka socday 4ta dowladdood ugu xoog weyn ee adduunka oo ku guuleystay dagaalkii labaad ee Addunka kan koobnaa, dowladda Mareynka Mr. Utter, dowladda Ingriiska Mr. Stafford, dowladda Ruushka Mr. Feodorof iyo dowladda Faransiiska Mr. Burin Des Rosier.

Guddigaasi oo ka socday 4tii dowladood waxaa u suurta gashay maalintii ay bishu ahayd 20kii Janaayo 1948 in ay la kulmaan xisbigii SYL iyo xisbigii HYC (Hamar Youth Club) oo ay isku mabada’ahaayeen ururka SYL iyo axsaabtii mucaadka ahayd oo ku bahoobay daladda la magac baxday Patriotic Beneficient.

Kuwaasoo ka koobnaa todoba urur oo yar yar , Guddigii markii ay dhageysteen doodihii faraha badanaa ee halkaasi laga soo jeediyey , waxaa u cadaatay in xisbiga SYL iyo HYC ay haystaan taageeradda shacabka soomaaliyeed, taasoo ay la yaabeen qabkii iyo hanaankii ay u soo agaasimeen warbixinadaasi oo soo jiidatay guddigaasi, waxayna balan qaadeen in ay u gudbin doonaan Jamaciyadda Qaruumaha ka dhaxeysa.

Taariikhda markii ay ahayd Oktoober 12.10.1954kii shacbka soomaaliyeed u suurto gashay in ay hanato calanka buluuga ah ee sharafta badan oo aan maanta aanu ku fano. Abwaakii Cabdullahi Qashe heestiisi calanka oo ah : Qolobaa calankeedu waa ceynoo , innaga keenu waa cirkoo kale e. Taasoo abaalkeedu ay leeyihiin dhallinyaraddii u soo halgantay xurnimada maanta aynu harsaneyno.

Haddaba waxaa looga baahan yahay hogaanka dowladda uu hooseedka ka yahay madaxweyne Prof. Xassan Sheekh Maxamuud iyo maamulka guud ee dowladda laga filayaa in ay soo celiso sharaftii calanka iyo qarannimadii ummadda Soomaaliyeed, waxaan maamulka dowladdu aan kula dardaarmayaa in la xoojiyo dhismaha ciidanka xooga dalka soomaaliyeed si looga marmo ciidamaha shisheeyey ee maanta dalka ku sugan waxaa horey loo yiri “biyo gacmahaagi ayaa looga dhargaa” sidaasi darteed waxaa mar na la hureynin in dalka uu yeesho ciiddan dalkiisa iyo dadkiisa ba difaacan kara waxaana aaminsanahay dhismaha ciiddanka xooga dalka soomaaliyeed ay ka kharaj yar tahay ciidan shisheeye oo dibadda laga keenay.

Gabagabadii qoraalkeygii oo ku saabsan sanad guuradii 60aad ee calanka qaranka soomaaliyeed waxaan halkaani dhambaal hambalyo ah u soo gudbinayaa dhamaan bahweynta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaana u rajaynayaa bashbash iyo barwaaqo .

Read More:

https://halgankiixisbigasyl.wordpress.com/2013/10/11/204/

Posted on October 13, 2015, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a comment