Aragtida bulshada reer Muqdisho ee bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan

Aragtida bulshada reer Muqdisho ee bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan


– Posted at 28/05/2017 19:10:00 By CalankaSomalia
Bilashada bisha Ramadaan waxaa waxaa laga soo dhoweeyay guud ahaan dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho. Bulshada magaalada ayaa aragtiuadooda kala dhiibanaya videogan sida ay u arkaan Ramadaanka iyo qorshohooda.


SIDEEN U QAABILAYNAA BISHA BARAKEYSAN EE RAMADAAN.

IMG_8523SIDEEN U QAABILAYNAA BISHA BARAKEYSAN EE RAMADAAN. 

May 24, 2017 Maqaal, PenSomalia Toosinta

Ujeedka qormo-qoraalkaan ma ahan in aan ka sheekeeyo fadliga bisha Barakaysan ee ramadaan, iyo khayrka ay wadato.

Ujeedka qormadaan waa in aan is dultaago sidaan u yeelan lahayn qorshe aan uga faa’idaysan karno bishaan barakaysan oo aan u yeelan lahayn yool aan Xaqiijinno muddada bisha ah.

Bisha ramadaan waa tiir kamid ah tiirarka islaamka uu ku taagan yahay. Waa bil barakaysan,waa bil khayr ah oo bishaaro iyo farxad wadata oo eebbe ku galadaystay dadka muslimiinta ah.

Waa bishii rasuulkeena suubanihii muxammad NNKH laga soo wariyey in uu Saxaabadiisa ku yiri ’’ waxaa idin soo gashay bishii ramadaan, waa bil barkaysan waa bil illahay idinku waajib yeelay in aad soontaan. waa bil illahay albaabadda janada uu furo, albaabada Naartan uu xiro, shayaadiintana uu ka qabto muslimiinta, waxaa ku jirta habeen u dhiganta kun habeen.’’

Waa bil qofka muslimka ah uu ka baran karo casharo badan oo nololsha Ku saabsan ayna ka buuxdo xikmado baddan oo illahay ugu tala galay.

HADABA SIDEE UGA FAA’IDAYSAN KARNAA BISHA RAMADAAN.

Si aan is badel ugu samayno nololsheena ugana faa’idaysno bishaas Barakaysan, waa in aad waqtigeena u qeybinaa sidatan

XIRIRKA KA DHAXEEYA NAFTAADA IYO EEBBE WEYNE

Nafteena xaq ayey nagu leedahay oo waxaa waajib naga saran Yahay wanaajinteeda iyo toosinteed, markaan saas leeyahay Waxaan ula jeeddaa in aan illahay ku xirno oo aan hagaajino Xirirka Eebbe kala dhaxeeya, marka xigta in aan siino daryeel Wanaagsan Iyo dhowritaan,oo aannaan ka qaadin xaqa ay nagu leedahay sida aan siino hurdo ku filin, cuno u qalanta.i.w.m

Haddaba bisha ramadaan waxaa ugu muhiimsan waa in aan labo Arrimood xaqiijino mid kowaad waa in illahay noo dhaafo Danbiyadii aan galnay, tan labaadan waa in aan ku dadaalno si Aan u kordhin lahayn wanaag aan ka filano xagga alle waxayna Ku imaanaysaa dhowr arrimood.
TUSAALE AHAAN.

⦁ In aan shanta salaadood iyo sunahood aan masaajidka ku soo tukato.

⦁ In aan quraanka kariimka ah aan labo jeer dhamaysno bishaas barakaysan ugu yaraan.

⦁ In maalin walba qof asxaabtaada ah ama ehelkaaga afuriso.

⦁ Haddii qof walalkaa ah ay wax idin dhexmareen in aad adigu cafis ka dalabtid si aad ajar u hesho.

⦁ Haddii aad tahay qof neceb wax_akhiska in aad bishaas barkaysan naftaad ku towbarto sidii aad u siyaadin lahayd wax akhriska bishaas barakaysan.

⦁ In aan wax la baxno bisha barakaysan

SHAQADAADA.

Qofkasta oo bulshada ka mid ah waxaa u taal howl u gaar ah asaga Ha ahaato in uu shaqaysanayo oo irsaaqadiisa raadsanayo ama uu Cilmidoon yahay.

Waxaad marar badan maqlaynaa in la yareeyey waqtiga shaqada, ama waxbarashada, haddan albaabada loo laabin qeybtood, waxaana sabab looga Dhigaa bilashada bisha ramadaan awgeed.
Bisha ramadaan ma ahan bil hurdo ama fasax waa bil loo baahan yahay qofka muslimka ah in uu gaaro guulo waaweyn.

Haddii aad dib ugu laabto taarikhada muslimiinta waxaad Ogaanaysaa in rasuulkeena NNKH iyo saxaabadii ay u ahayd bil shaqo.

Haddan tusaale soo qaadano guulihii ugu badanaa ee muslimiintu Gaareen waxay dhaceen bisha ramadaan tusaale ahaan.

Dagaalkii badar waxaa uu dhacay bisha ramadaan, furashadii Makkaha almukarama, furashadii andolis,dagaalkii cayn jaaluut.

Taas waxay ku tusinaysaa in bisha ramadaan muslimiinta u ahayd bil Shaqo, oo aysan ahayn bil hurdo iyo cuno.
DHAQAMADA AAN U BAAHAN NAHAY IN AAN KA HOR TAGNO.

Bisha ramadaan waa bil wadata isbadel sababtoo ah waxaa isbadelaya Qaab nololladkeena tusaale ahaan waxaa isbadel ku imaanayaa xiligii aan wax cuni jirnay, xiligaan aan seexan jirnay,haddaba waxaan u baahan nahay in aan isbadelkaas uga faa’idaysano nololsheena, oo an iska jarno dhaqmo badan oo aan laaqi ku ahayn bisha barakaysan.

Hab-fikirka bulshadeena waxaad moodaa in aan u haysano bisha ramadaan in ay tahay bil damaashaad iyo ciyaar oo kaliya .

Waxaa aad u korarta wax Quudashadeena marka lala barbar dhigo bilaha kale ee sanadka, oo guri walba waxaa la soo dhigayaa jaadadka kala duwan ee cunada.Haddii aad dhaxsocotid suuqyada waa weyn waxaad dareemaysaa ciriiriga Iyo buuqa ka jira.

Qeybteen waxay bisha ramadaan isku dhaafinaa hurdo oo waxaa laga yaabaa qeybteen in ay salaadihii ay dhaafeen qur’aan akhris warkiisa ha sheegin, qeybteen waxaan u diyaarsannaa filimo iyo musasalaad si aan isku dhaafino waqtiga. haddaba aan is waydiin bisha ramadaan ma bil loogu tala galay in aan waqtigeena ku qaadno fasax iyo damaashaad baa oo waxa kaliya aan ka soomayno waxay tahay cunada iyo waraabka, xasuusanow hadlkii laga soo wariye suubanaheena muxammad NNKH [ baddanaa mid sooman oo aan soonkiisa waxaan oon iyo gaajo ahayn ka qaadayn].

Waa in aan ogaanaa in bisha ramadaan tahay bil cibaado iyo khayr ah oo aanan hubin in mar danbe nololsheena ay soo marayso.

GUNAANADD.

Waxaan ku soo gunaanadayaa si aan uga faai’daysano bisha ramadaan waa in aan inta bisha Ramadaan dhalan sii dajisano qorshe aan rabno in aan ku qaabilno bisha ramadaan camal kastana U qabano anagoo filayna ajar alle , Haddii qorshahaaas 80% aad fuliso guul ayaad joogtaa.
Waxa ugu muhiimsan waa in aad la timaado go’aan aad ku Hirgalinaysid qorshahaaga.

PenSomalia Toosinta

Posted on May 28, 2017, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a comment