Aragtida bulshada reer Muqdisho ee bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan

Aragtida bulshada reer Muqdisho ee bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan


– Posted at 28/05/2017 19:10:00 By CalankaSomalia
Bilashada bisha Ramadaan waxaa waxaa laga soo dhoweeyay guud ahaan dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho. Bulshada magaalada ayaa aragtiuadooda kala dhiibanaya videogan sida ay u arkaan Ramadaanka iyo qorshohooda. Read the rest of this entry

Haddii WIILKU yahay WADDANI maxaad tahay WAAYEELOOW?!

imageAragti suubban iyo eray suugaan

Haddii WIILKU yahay WADDANI maxaad tahay WAAYEELOOW?!

Bulsho marka ay TIIH ku jirto iyo jiha wareer, waxaa lagu gartaa, is ku dhexyaac ogaal iyo ka la saarid la’aan aqoon. Wax walba, waxay u yihiin wax weyn, maadaama aysan samayn karin. Wax walba waxay u yihiin, wax qiimo leh, maadaama aysan ku hirgelin karin. Wax walba waxay u yihiin waxtar, maadaama aysan ku dhiirran karin.

Wax walba, oo dhaqaaqa, ee neexsada, waa u booddaa, iyada oo u qabta, naruuro iyo neecoow. Ma hubsato, ka ma fiirsato, mana ka baaraandegto waxa ka iman kara, ee waa haabataa, baalkana gashataa. Nacfi, nuxur, qiimo, tayo iyo ka ma fiirshaan waxtar. Wixii cusub caalamkaa jecel, ayaa u ah halbeeg iyo tusmo. Waa la sheegaye, adna ha ka harin.

Wiil aan la barin, lagu barbaarin WADDINAYD, ayey ku leeyihiin, waa WADDANI. Abuurka, aqliga iyo hibadu waa gaar, haddana, maangalka Aadanuhu wuxuu dhigayaa, qofka wixii aan la barin ka badan looga ma fadhiyo, balse, isagu is kiis dheeraad waa u la iman karaa. Tiro ciiddan ka badan ayaa halabuuray, wax aan la barin, haddana, ma ahayn, wax laga sugaayey, ka hor inta aysan la iman.

Read the rest of this entry

Taariikhda Dhulka iyo Dadka Soomaaliyeed – (Documentation-Film) Daawo Video

imageTaariikhda Dhulka iyo Dadka Soomaaliyeed – (Documentation-Film) Daawo Video

Dalka Soomaaliya juquraafi ahaan waxa uu ku yaala cirifka Bari ee Qaaradda Afrika , waa dhul istaraatiijyada wanaagsan leh isla markaana Surinka ku haya marinbiyoodka caalamiga ah ee Baabul mandab oo xiriiriya Badweynta Hindiya iyo badda Cas isla markaana ahmiyad u leh.

Taariikh ahaan Dalka Soomaaliya waxa uu leeyahay xadaarad facweyn taasina waxaa marqaati kacaya magacyada tirada badan ee loo aqoon jiray waayadii hore sida dhulkii uduga iyo Geeska Afrika, sidoo kale Xiriirka ummadda Soomaaliyeed ay la laheyd bulshada Aduunka ayaa iyana ah arin taariikhi ah oo xusid mudan, bal qooraanso xiriirkii u dhaxeeyay Masaairidii hore, Hindida, Carabta iyo Faariisiyiinta intuba.

Maadaama ummadda Soomaaliyeed ay yihiin umad Islaam ah Diinta waxa ay soo gaartay qarnigiii 3-aad ee Hijriyada waxaana arrinkaasi fududeeyay xiriirka u dhaxeeya muslimiinta ku nool jaziiradda carrabta iyo ummadda Soomaaliyeed, xusuusnow in ummadda Soomaaliyeed aan Diinta lagu Soo gaarsiin Dagaal iyo Seef midna.

Soomaalida caada iyo dhaqan ayeey u leedahay in af iyo adinba laga naco gumeysiga midab uu doonaba ha lahaade, Axmed Guureey waxa uu ahaa halgamaagii ugu horeeyay ee Soomaaliyteed bilaabayna kacdoon ku dhisan gumesi naceyb , waxaana xiriir uu lahaa Axmed Gurey Taliskii cismaaniyinta.

1884-tii reer Yurub waxay u kulmeen sidii ay Afrika u kala qeybsan lahaayeen waxaana Dalka Soomaaliya uu ka qeyb noqday Dalalka la kala qoqobay, waxaana arrinkaasi ka dhashay kacdoonkii hubeesnaa ee Sayid Max’ed C/lle Xasaan.

Halgamayaalka kale ee dagaallamay gumeysiga, baal dahab ahna ka galay taariikhda ummadda soomaaliyeed waxaa ka mid aha Shekh Xasan Barsane, Suldaan Olol Diinle, Sheekh Bashiir , Nasiib Bundo iwm.

1943dii waxaa gobollada koonfureed ka dhashay Golihii Dhallinyarada (SYC) ee ka koobnaa 13 dhallinyaro ah, ka dibna isku beddelay dhaqdhaqaaq waddani ah ee u ololeeya mideynta, xorriyada iyo madaxbannaanida dhulalka Soomaaliyeed.

Gobollada Waqooyi ee uu Ingiriisku gumeysanayey waxaa ka abuurmay xisbiyo u ololeeyo midnimada, xorryada iyo madaxbannaanida dadka iyo dhululka soomaaliyeed ee uu hormuud u ahaa xisbigii SNLka

Sannadkii 1956dii waxaa dhulka koonfurta soomaaliya laga abaabulay doorashooyinkii ugu horreeyey ee xukun-hoosaad, waxaana kuraastii loo tartamay intooda badan ku guuleystay xisbigii dhallinyarada ee SYL, waxaana guddoomiye baarlamaan loo doortay Mudane Aden Cabdulle Osmaan, raiisul Wasaarane waxaa loo doortay Mudane Cabdullahi Ciise Maxamuud, mudda kadib markii ay idlaatay xiligii lagu ballamay waxaa lagu dhawaaqay xorriyadda gobalada walow maalma ay soo kala horeeyeen.

Intaas kadib waxaa la dhisay xukuumad rayid ahey oo laga dhaxlay musuq iyo wax qabad la’aan waxaana 1969 awoodii Dalka la wareegay Ciidamadda Xooga oo ka koobnaa 21 Sarkaal oo Boolis iyo Milatari isugu jiray, waxaana ay madaxweyne Dalka ka noqday Max’ed Siyaad Barre.

Inkastoo talis walba uu ammaan iyo dhaliilo leeyahay hadana musuqo waa iska halkiisa kacaankii 21-october waxaa lagu ammaanay qoristii farta Soomaaliga iyo la dagaalankii aqris qoris la’aanta.waxaana howshaasi la hirgaliyay 21-ka Janaayo 1973, inkastoo horumar ay aheyd qoristii far soomaaliga, hadana kacaanka wuxuu eersaday markuu dhex mushaaxay badweynta qabiilka, isagoona ugu danbeyntii dharaar cad u bareeray inuu duqeeyo gobalo ay daganyihiin shacab Soomaaliyeed kana mid ah dhulka soomaaliya

1991-kii Taliskii Milatariga jabhada hubeysan ayaa ka eryay xilka, laakiin looma aayin jabhadihii oo waxaa laga dhaxlay qad cagaaran iyo ugaarsi qabiil, intaa kadib shirar dib u heshiisiin oo tira badan ayaa la qabtay laakiin dhaxalkooda waxa uu noqday in Soomaalida dhexdeeda ay is heebsoocdo oo waxaa la keenay fikir sheegaya in Soomaalida afar beel iyo bar ay yihiin 4.5.

2006-dii Burbur baahsan oo uu Dalka ku soo jiray kadib waxaa Neecow nabadeed oo lagu diirsaday muddo gaaban ku keenay Maxkamadihii Islaamka, waxaana ay u cuntami weysay nabadda ay Maxkamadaha keeneen Dowladda Itoobiya oo uur xumo ba’an ka qabta Nabad ka islaaxda Soomaaliya, waxaana Dalka ku soo duulay Dec-2006 ciidamo Itoobiyan ah kuwaasoo Magaalada Xamar labada dhan ka soo galay 27 december 2006-dii kana geestay Xasuuq xanuun badan, bur bur hanti iyo daaro, mana jirto cid ilaa iyo hadda la xisaabtanta urur gobaleed iyo urur caalami intuba.

12 Oktoobar1954

img_5419

Moment Research &Consultancy
HalgankiiXisbigaSYL


Waxaa farxad ii ah, inaan dhamaan shacabka Soomaliyeed la wadaago, maalinta Calanka Qaranimada iyo jiritaanka dawladnimada Soomaliyeed.
Calanku waa xudunta astaanta Qaranka, waana muujiyaha Middnimada Ummada iyo bidhaamiyaha Qaranimadeena iyo isku-duubnideena Soomalinimo.
Calanku wuxuu kamid yahay, astaamaha Guud ee ummada kawada dhaxeeya, oo ah in si wadajir ah loo wada ilaashado, sida, Dhulka, Dadka, Afka, Diinta iyo Calanka.
Sumadeenu waa Calan, Suuradeenu waa Calan, astaanta lafdhabarta dalkeenu waa Calan.
Waxaa waajib ku ah, dhamaan shacabka Soomaliyeed, in hantida, iyo astaanta dalka, lawada ilaashado, si jiritaankeena, dadnimadeena iyo walaaltinimadeenu u waarto.

Read the rest of this entry

AAN KU BARAARUGNO TALO XAMBAARSAN DANTA SOOMAALIYA

CalankaSomalia

AAN KU BARAARUGNO TALO XAMBAARSAN DANTA SOOMAALIYA

CalankaSomalia – Soomaali idilkeed waa salaaman tahay mel kasto aad joogtiin. Cidna loogama sheekeynayo maanta xaaladda Soomaliya meesha ay marayso. Waa ka wada dheregsannahay in jiritaankeennii uu khatar ku jiro maxaayeelay waxaa soo baxay kooxo wax damiir la yiraahdo aan lahayn oo si ay ku gaaraan danahooda u bannaan yihiin wax kasta. Runtii dhib wayn oo qiyaas aan lahayn ayaa jira waxaana dallaalo laga sugayaa Ilaahi na abuuray ee konkan iyo inta ku dul nool iska leh. Wax badan waa hadalnay aniga iyo dad ila mid ah si an dadka wax ugu sheegno waxaana joognaa maanta in afkii uu juuqda gabay. Waxaa la marayaa marxalad aad u adag maalinba maalinta ka dambeysa ay ka sii darayso. Waxaa uu maanta hadafkaygi yahay in aan wax ka iraahdo dadka ha ahaadeen rayid ama culumo oo isku dayaaya in aay soo jeediyaan talooyin.

Read the rest of this entry

Waxey qorsheeyeen hiigsi Qaran dumin ah………

Hiigsiga ‘Kooxda Madaxtooyada’ Waa Qaran Dumin Aan Wax Ka Qabad Lahayn!
Hiigsiga ‘Kooxda Madaxtooyada’ Waa Qaran Dumin Aan Wax Ka Qabad Lahayn!

Wednesday 18 February 2015 | Xisbiga Xuriyadda | Koox yar oo u abaabulan qaab ku dhisan burcadnimo siyaasadeed ayaa talada madaxtooyada dalka is ku koobtay, waxeyna maqalka iyo araga ka xirteen dareenka shacabka iyo talooyinka Baarlamaanka.

Waxey qorsheeyeen hiigsi qaran dumin ah oo ay ku bedelayaan garsoorka iyo sharciyada dalka u degsan si cida ay doonaan ay u xalaaleystaan ku xadgudubka xuquuqdooda, hirgelinta federaal ay ku dhisanayaan maamulo ay kooxdoodu hogaamiso, dhismaha ciidan ka kooban kaadiriintooda oo caburiya aragtida mucaaradka, maalgelinta taagerayaashooda lagu hodminayo boobka hantida qaranka iyo musuq sharciyeysan, diyaarinta xisbi keliya oo kooda ah inuu dalka hogaamiyo, iyo in dalka laga hirgeliyo doorasho codka loogu shubayo shaqsiyaad xulan oo adeegsanaya hantida ay xaaranta ku heleen tujaarada dalaaliinta ah oo ku xooleystay qandaraasyada naasnuujinta iyo boobka dhulalka dowladda. Read the rest of this entry

Xasanoow: Shalaad dhalateye waa la shubi jiray!

imageThursday 12 February 2015 – CalankaSomalia — Ugu horeyn waxaan tacsi u dirayaa Umada soomaaliyeed meel kasto oo eey joogaan. Waxaan kaga tacasiyadeynayaa musatqbalkii wadanka iyo aayatiinkii Qaranaka oo lumay ama sakaraad ah oo mar dhaw la aasi doono. Waxaan sidaas u leeyahay waxa weeye siyaasada guracan iyo mustaqbalkii Qaranka oo gacanta ugalay koox gaar ah, dad aan mudneyn ama udiyaarsaneyn heyklaka iyo hanaan dowladeed. Read the rest of this entry

Wararkii ugu dambeeyay ee Shirka IGAD ee Berri furmaya (SAWIRRO)

imageCalankaSomalia – Madaxda wadamada urur goboleedka IGAD ayaa magaalada Adis Ababa ee wadanka Ethopia ku yeelanaya shirkii 29-aad ee heer madaxweyne.

Madaxda urur goboleedka IGAD ayaa waxa ay ka mid yihiin madaxda wadamada midowga afrika oo magaalada Adis Ababa uu berri uga furmayo shirka 24-aad ee madaxweynayaasha midowga afrika.

Madaxweynaha J.F Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowlada Soomaaliya uga qeyb galayo shirkaasi madaxda midowga afrika.

Dhamaan madaxweynayaasha midowga afrika iyo mas’uuliyiinta ka socoto wadamada afrika ayaa gaaray magaalada Adis Ababa.

Halku ku dhigga shir madaxeedka midowga afrika ee sanadkan 2015 ayaa waxa uu yahay awood siinta haweenka iyo horumarinta ajendaha qaarada afrika ee sanadka 2063.

Shirka madaxeedka midowga afrika ayaa waxaa sidoo kale looga hadli doonaa sidii wax looga qaban lahaa kooxaha argagixisada ah ee ka jira qaarada afrika.

image image image image

Daawo Sawirada Sida Quruxda badan ee loo dhisay Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee Magaalada Muqdisho

imageMasjidka Isbaheysiga Islaamka ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu sameeyay dayactir balaaran, waxaana masaajidka hada muuqaalkiisu yahay mid aad u qurux badan .

Shabakada Allbanadair.com ayaa idin soo gudbineysa Sawiro qurux badan oo laga soo qaaday qeybaha kala duwan ee Masaajidka , waxa uuna masaajidka leeyahay dhul baaxad weyn oo ay ku yaalaan geedo iyo beero yar yar. Read the rest of this entry

Nothing to be excited about the 53rd IGAD meetingin somalia

Nothing to be excited about the 53rd IGAD meetingin somalia

Nothing to be excited about the 53rd IGAD meetingin somalia

Sunday, January 18, 2015 – Calanka Somalia – No one should be fooled by the holding of the 53rd Extraordinary Session of the Intergovernmental Authority on Development (IGAD) Council of Ministries in Mogadishu, Somalia, on January 10, 2015 under the chairmanship of Dr. Tedros Adhanom, Foreign Minister of Ethiopia as historical event. IGAD delegations were guests of AMISOM forces who are also protecting the Federal Government of Somalia (FGS). Somalia did not operate as full member and equal partner of IGAD because the purpose of the meeting was on shaping the new fragmented Somalia through the off-the-wall vision 2016 consisting in the review of the constitution, formation of federal member states, and political election in 2016. For the Somali people, the three tasks are mysteries. The meeting laid the groundwork for the next destabilizing steps and processes that will make Somalia into pieces for prey. Read the rest of this entry

“IGAD” yey ku GAADIN!

imageCalanka Somalia – Saturday 10 January 2015 – Dawlad FASHILANTAY, waxaa dhashay BULSHO FASHILAN ama FASHILANTAY, sida dawlad FASHILANTAY ay u dhasho URUR ama HAY’AD FASHILAN! Marar badan, warbixinnada lagu lafaguro; musuqa, dibaadinnimada, maamulxumada iwm ayaan safka hore ka galnay Soomaali ahaan, haddana, waxaan filaa inaan la is weydiin; qaybta ay ku leeyihiin waxa nagu xeeran, ee dawlado iyo ururro leh.

Sida dawladeennu u FASHILAN tahay, ayaa dawlado Geeska Afrika ku yaallaa, u fashilan yihiin, haddana, la kala roon, mar haddiiba wax unkan yihiin iyo meel aanba waxba ka jirin. Sidaa si la mid ah, waxaa u FASHILAN ururrada gobolka, oo uu ugu horreeyo IGAD (Intergovernmental Authority on Development) ee noqday, barta dhibka Soomaali laga maleego badidii, heer uu gaaro, in lagu soo qoondeeyo qaabka loo qaybsanayo gobollada dalka. Read the rest of this entry

Wufuudii IGAD oo Muqdisho soo wada gaaray: DAAWO VIDEO

imageWaxaa galabta Wafdi ka socda Wasiirada Arrimaha Dibada ee IGAD oo uu horkacayay Wasiirka Arrimaha Dibada Itoobiya Tedros Adhanom oo haya Madaxtinimada IGAD ay soo gaareen garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Waxaana wada yimid dhamaan xubnihii Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD, iyadoo caawa la filayo inay ku hoydaan magaalada Muqdisho, kana qeyb galaan Xaflad loogu sameynayo Xarunta Madaxtooyada.
Wasiirada Arrimaha Dibada Itoobiya, Kenya, Uganda, Sudan iyo Koofurta Sudan ayaa hal diyaarad ay goor dhoweyd ka soo wada dejisay garoonka diyaaradaha Aadan cadde, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay. Read the rest of this entry

Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka ee Dowladda Federaalka oo Dowladda Turkiga ka dalbadey in ay kala shaqeeyaan Dib u habenta Garsoorka.

imageCalankaSomalia – Faarax Sheekh C/qaadir oo ah Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka oo iminka ku sugan Dalka Turkiga aayaa waxaa uu Kulan la qaatey Dhigiisa Wadankaa Bekir Bosdeh waxaana Kulankas la iskula soo qaadey Xiriirka u dhaxeeye Somaaliya iy Turkiga kaasoo Xoogeystey Sannadkii 2011 ka dib markii Abaaro ka dilaaceen Gobolo Ka Tirsan Dalkaimage

Wasiirka Garsoorka oo ay Booqashadiisu ku wehliyeen xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir, xoghayaha Joogtada ah ee Wasaarada iyadoo Xubnhii ka socdey Dowldda Soomaaliya ay ka codsadeen in Dowlada Turkiga ay kala qayb qaataan sidii Dib u habeyn loogu sameyn lahaa hanaanka Garsoorka Soomaaliya Read the rest of this entry

Genaral Indho Qarshey Taliyaha Ciidamada Xooga oo si kulul u sheegey “Ciidamada Puntland nagama amar qaataan”

image

Genaral Indho Qarshey Taliyaha Ciidamada Xooga oo si kulul u sheegey “Ciidamada Puntland nagama amar qaataan”

CalankaSomalia  – 2 JAN 2015: Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Generaal Daahir Aadan Cilmi “Indha qarshe” oo maanta marti ku ahaa Barnaamij ka baxayay Idaacada Dowladda ayaa ka hadlay Xariirka ka dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Generaal Indha qarshe ayaa si cad u sheegay in Ciidamada Maamulka Puntland aysan hoos imaan taliska,hasse ahaatee Maamulada kale ee soo haray Ciidamadoodu ay Taliska hoos yimaadaan oo hada ay Tababaro u socdaan.

Taliyaha Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa la weydiiyay Su’aal aheyd in Ciidamada Xoogga Dalka ay san helin Mushaaraad,isagoona sheegay in ay Mushaar qaataan Ciidamada laakiin ay mararka qaar ka soo taahdo,waxaana sidoo kale uu Taliyahu sheegay Fariisimo Ciidamada Milatariga ay Muqdisho ku lahaayeen ay baneeyeen islamarkaana lagu wareejiyay Booliska iyo Nabad Sugida.

image

CalankaSomalia

Daawo: Gabdho Turki ah oo Muqdisho ku qaadaya Heesta Calanka Soomaaliyeed (VIDEO)

image

Daawo: Gabdho Turki ah oo Muqdisho ku qaadaya Heesta Calanka Soomaaliyeed (VIDEO)

CalankaSomalia- December 24, 2014 – Dowladda Turkiga ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga shaqaale aad u tiro badan, ku waas oo dalka gudihiisa ka qabta howlo aad loogu baahanyahay oo kala duwan, Sida dhaqaatiir caawisa dadka kaamamka ku jiro ku wooda xanuunsan ilaa Rag Fuundinimo ku shaqaysta oo dhismo xoogan ka wada magaalada Muqdisho.

Dadkan ayaa badankood waxa ay soo kaxaysteen xaasaskoodii iyo caruurtoodii oo waxa ay ku dhex noolyihiin Bulshada dhexdeeda waxayna ilmahooda iskool ladhigtaan caruurta Soomaalida.

Tani ayaa waxaa keentay in dadka waaweeyn ee Turkida ah iyo ilmihiiba ay bartaan luuqadii Soomaaliga. Laakinse waqtiigii hore Talyaaniga  joogaay Soomaaliya muddo Badan ama ku dhasheen Marne kuma hadlin jirin Luqadda Soomaaliga . Read the rest of this entry

Madaxweynaha oo maanta tababar u soo xiray dufcadii labaad Ciidamo Kumaandoos ah (Sawirro)

Madaxweynaha oo maanta tababar u soo xiray dufcadii labaad Ciidamo Kumaandoos ah (Sawirro)

Madaxweynaha oo maanta tababar u soo xiray dufcadii labaad Ciidamo Kumaandoos ah (Sawirro)

CalankaSomalia – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar u soo xiray dufcadii labaad Ciidamo Kumaandos ah oo tababar u socday muddo 10-bilood ah, iyadoo Madaxweynaha uu shahaado gudoonsiiyay askartii dhameysatay Tababarka. Read the rest of this entry

Dowladda Turkiga oo masjidkan ka dhistay Muqdisho (SAWIRRO)

imageEidMubarakOnline – Waxaa magaalada Muqdisho laga dhisay masjid weyn oo aan ka dhicin kuwa ku yaal caasimadda dalka Turkiga ee Istanbul.

Masjidkan ayaa waxaa uu ku yaalaa gudaha cusbitalka Digfeer oo ay sidoo kale dhistay dowladda Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa mashaariic dib u dhis aad u balaaran waxa ay ka wadaa magaalada Muqdisho kuwaas oo natiijooyinkooda qaarkood la arkay qaarna ay soo socdaan oo gacanta lagu hayo. Read the rest of this entry

Muuqaalkii ugu dambeeyay ee isbitaal Digfeer iyo sida looga howlgalo (SAWIRRO)

Muuqaalkii ugu dambeeyay ee isbitaal Digfeer iyo sida looga howlgalo (SAWIRRO)

Muuqaalkii ugu dambeeyay ee isbitaal Digfeer iyo sida looga howlgalo (SAWIRRO)

Friend of Somalia Initiative – Isbitaalka ay Turkidu dayactirtay ee Digfeer ayaa dhawaan waxaa loo furay albaabada, iyadoona loogu adeego bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan guud ahaan dalka.

Digfeer oo muuqaal ahaan aad ugu dhow isbitaalada caalamka ama kuwa turkiga ka dhisan ayaa waxaa yaala qalab casri oo nooc walba leh, kuwaas oo baahi tiraya bulshada soomeeliyeed oo arrimo caafimaad dibadda ugu safri jiray. Read the rest of this entry

SAWIRRO: Dabaaldegga sanadguuradii 54-aad ee calanka soomaaliyeed

image

Read the rest of this entry

“Xarafkii Alif ka qaloocda, Al Baqro kuma soo tooso” – Beello Qaadacay Shirka G/Dhexe

Maamulka Cusub ee loo dhisayo Galgaduud & Mudug

Maamulka Cusub ee loo dhisayo Galgaduud & Mudug

Friday 29 August 2014 PenSomalia — Labo Sanno kahor, intii ay DFS soo faragelin, ayaa Bulshadda Gobollada Dhexe waxey go’aansatay in ay sameysato dib u heshiisiin iyo Maamul wadaag ka dhisma Gobollada Dhexe. Waxaa lagu isku waafaqay in Madasha Shirweynaha laga dhigo Magaalada Cadaado ee ah Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb, kaaso aheyd in uu furmo 5ta, Agosto, 2014.

Read the rest of this entry

Xafladda Soo dhaweynta Maamulka Mudug iyo Galgaduud ee Jaaliyadda Soomalida ee Australia

Xafladda Soo dhaweynta Maamulka Mudug iyo Galgaduud ee Jaaliyadda Soomalida ee Australia

Xafladda Soo dhaweynta Maamulka Mudug iyo Galgaduud ee Jaaliyadda Soomalida ee Australia

PenSomalia – Habeenka axadda ee 17ka bisha August, 2014 waxaa magaalada Melbourne ee gobolka Victoria ee wadanka Australia lagu qabtay xaflad lagu soo dhaweynayo heshiiskii ay saiixeen madaxda soomaliya ee maamul usamaynta Gobolada Dhexe ee Mudug iyo Galgaduud.

Waxaa kasoo wada qeyb galay badi jaaliyadda Soomalida ee degen Australia. Waxaana madashaas ka hadlay xubno aad looga yaqaan Jaaliyada soomalida waxayna u rajeeyeen madaxda goboladaas heshiiska gaarey inay keenaan heshiis waara iyo nabad iyo horumar abuuri karana mustaqbal mudnantana siiya dib uheshiisiin iyo dhinaca nabadgelyada.

Source: RuuxaantaNews

Read the rest of this entry

Former Somali PM elected regional state president

Former Somali PM elected regional state president

Former Somali PM elected regional state president

Thursday, August 14, 2014 Lasanod, Somalia (CalankaSomalia) Former Somali Prime Minister and current parliament member Dr. Ali Kahlif Galeyr has been elected president of the semiautonomous regional state of Khaatumo at a conference held in the Saax-Dheer village in the Sool region, north of the Somalia.

Read the rest of this entry

► Dumarku Waa Calansidaha Ummadda!

ibrMomemt Media Ethics –  PenSomaliaOnline — Cadaw ma laha oo Dumarku waa Calansidaha Ummadda Soomaaliyeed. Waa kuwa dhaliya xiriirka ehelnimo iyo isku dhafka bulsho. Waa macallinka afbara ubadka, haddana barbaariya. Waa ilaaliyaha Hantida iyo hab-waanaag Maamulka Qoyska.

Waa kalkaaliyaha ragga iyo taakulaynta deriska. Maaraynta hufan, bilicda san iyo baraaraha qoysku gaaro iyagaa dhaliya, haddana ammaanta raggaa isa siiya. Sidatanu xaq-soor bulsho ma ahan ee caddaalad-xumada dumar lagu hayo dib haloogu noqdo

Read the rest of this entry

Daawo Sawirada Dowladda oo diyaarad Muqdisho ku keentay Soomaali badan oo ku go’doonsanaa South Sudan.

image

30/12/2013 – Moment Media a Ethics – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dib ugu soo celisay Caasimadda Muqdisho 131 ruux oo qaxooti Soomaali ah , kuwaasoo ku dhibaateysnaa Magaalada Juba , halka qaar kalana ay ku go’doonsanaayeen Magaalada Bor ee Xarunta gobolka Jonglei ee wadanka South Sudan oo dagaalo dhiig badan ku daatay uu ka soconayo, kuwaasoo sababay geerida laba muwaadin oo Soomaali ah iyo dhaawaca mid kale .

Read the rest of this entry

Somalia’s ‘New Deal’ tackles old problems

New Deal Somalia

image

Somalia’s ‘New Deal’ tackles old problems

Government pledges to improve its peoples’ lives in return for $2.4bn in aid, but critics remain sceptical.

Hargeisa, Somaliland – In Brussels, it was hailed as a “New Deal” for Somalia. That after more than two decades of killing and chaos, the Horn of Africa country now has a government and enough international backing to start delivering peace and economic growth for its people.

The agreement on Monday between rich donors and Somalia’s one-year-old government in Mogadishu involves plans for general elections by 2016, a new constitution and security gains, in return for international funding pledges estimated at about $2.4bn.
But back in Somalia, the Euro-gathering was not seen as incentive enough for people to throw their lot in with a government in Mogadishu that depends upon foreign soldiers, and has yet to stamp its authority across much of the fragmented nation.

“The government…

View original post 1,165 more words