Soomaali weyneey: Samatar waa kaa!

samatar1

August 09, 2013 |Moment Media Ethics –  Nin baa hadda ka hor in SULDAAN laga dhigo ma ahane, wax kale looga maaro waayey. Ninkan oo aan dhaqan, aragti iyo haybad SULDAANmidna lahayn, dhaxal ama dhugmo midna aan ku mudnaan, ayaa rag waa hawl badanyahayee ay u tashteen, oo la yiri; isna aan qancinno, oo aan gogol u dhigno, dadkana aan tusno inuusan u qalmin xilkan uu u waashay, inuu maryaha u dhigto kaliyana ay u hartay.

Inta aan ballanta la qaban, ayaa raggii waxay sii diyaarsheen wiil yar oo dabada QAYD ugu xiran yahay qaarka horana ka feera qaawan. Wiilkii yaraa waxaa lagu dhabooqay subag iyo heen, oo inta si fiican kor iyo kal looga mariyey lagu yiri; meel habaas iyo bus leh (Galgalin) ku galgalo, kadib isagoo subaggii iyo buskii dushiisa ku maliiqan yihiin, ayaa la yiri ninkaa Odayga ah, ee labada go’ ee Baftada ah sita dhabta uga fariiso.

Read the rest of this entry

Dood Furan: Soomaaliya Xagee bey Cadaaladi Taalaa, Yaase Dib u Heshiisiin u Baahan?

ibrJune 13,2013 (Moment Media Ethics) Cadaalada waa eray aad u wanaagsan in lagu dhaqmaana waa ay wanaagsan tahay horumar iyo baraaraana lagu gaaraa.Waxaa waayadaan danbe ku soo badanayey doodaha Soomaalida dhex mara.

  1. – Madaxweyne Hebel cadaalad ma sameeyo.
  2. – Reer hebel baa wada qaatay.
  3. – Cadaalad laguma qeybin.
  4. – Looma dhama iyo faraa ii taagan.

Dooda manta taalaa ayey waxa ay tahay
Soomaaliya Xagee bey Cadaaladi Taalaa, Yaase Dib u Heshiis u Baahan?
Dib u heshiin rasmi ah Soomaaliya wali kama aysan dhicin waa ay jirtaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya AUN Cabdullaahi Yuusuf iyo Raiisul Wasaarihiisii Cali Geedi ay shir dib u heshiin ahi ay Xamar ku qabteen iyada oo xamar dagaalo ba ani ka dhex socdeen wax kasoo baxeyna maba ay jirin wax kasoo bixi karayna maba aysan muuqanin.
Hada waxaa la maqlayey in IGAD ay dib u heshiin ugu qabaneyso Kismaayo iyo Xamar is afgaranwaagana halkaas in lagu xaliyo la rajeynayo.

Read the rest of this entry

Siilaanyo Oo Ka Biya Diiday Ka Qayb Galka Shirka Londdon.

image

Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo maata ka hadlay Shir weynaha Xisbiga Somali Land u Taliya ee Kulmiye ayaa ka hadlay arrimo Soomaaliya  iyo Somali land  ku Saabsan.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay in Shirka la filayo inuu ka dhaco magaalada London Bisha may ee socota inaysan marnaba ka qayb galayn isagoona arrintaa u aaneeyay in Shirku uu yahay mid Khuseeya arrimaha Soomaaliya, Somali landna aysan wax shaqa ah ku lahayn Shirkaas.

Siilaanyo ayaa dhinaca kale Taageeray wada hadaladii u bilowdey kal hore  Dawladdii ku meel gaarka Soomaaliya iyo Somali Land taasoo uu farta ku goday in shirkaasi ay ka qayb galayaan iyadoo loo wada hadlayo waa siduu hadalka u dhigaye labo Dawladood oo wada siman.

Read the rest of this entry

DHIBAATOOYINKII HAWIYE IYO DAAROOD U GEYSTEEN QOWMIYADA DIGIL IYO MIRIFLE

 somcxisbiga xuriyadda2

DIGIL IYO MIRIFLOOW KACA OO TALAABO ADAG KA QAADA CADOWGII HAWIYE IYO DAAROOD EE IDIN DHIBAATEEYEY – HALA KACO:

Ummada degan gobolada konfureed waxey soo mareen dulmiga aan hadleheen: Gumeysi Shisheye iyo kuwii dawlahii qabiilka ku dhisanaa waxeyna soo mareyna dagaal sokeeyo oo loogu talagaley in lagu cirib tiro.

Read the rest of this entry

Digniin iyo cambaarayn dusha looga tuuray Shariif Xasan Sh. Adan

emblem

Kulan gaar ah oo ay 16/12/2012 isugu yimaadeen masuuliyiinta Xisbiga Waamo National Party oo lagu qabtay xarunta dalka Norway ee Oslo, ayaa lagu soo qaaday qorshaha Shariif Xasan Sh. Adan uu ku doonayo in uu isku-dhacyo weyn ka sameeyo degaamo ka mid gobolada Somaliya.

Kulankaas ayaa laga soo saaray baaq ku aaddan in waxa uu wado Shariif Xasan ay tahay tallaabo aan sina loo qaadan karin. Bayaanka ayaa lagu muujiyey  sida masuuliyad darrada ah ee Shariif Xasan uu ugu xad-gudbayo nabadda iyo wada noolaanshaha dadka Somaliyeed, waxaana looga digay in uu ka waantoobo, farahana uu kala baxo maamulidda gobolo Somaliyeed oo iyagu iminka ammaan iyo nabadgelyo haysta, gaar ahaan Gobolka Sh/hoose.

Read the rest of this entry

Geelloow: Horumarin Af Mise Horseed Aafo?!

 

Inta faraxsan kuma jiro, inta hambalyeynaysa kama mid ihi, inta jadbaysanna haba igu soo qaadin, maxaa iga reebay? Adaa ogaan doonee, bal ila sii dhiraandhiri Qormada. Jabuuti baa kulan ka dhacayaa, maanta looga hadli maayo sidii Soomaali loo NABADYN lahaa, ee waxaa loo fadhiyaa af Soomaaliga, af Soomaali aa? Haa, af Soomaali baa loo joogaa.

Imisaad maqashay shir dib u heshiisiin baa Jabuuti ka dhacay? Meeqo ayaad maqashay Madaxweynaha Jabuuti ayaa arrimaha Soomaalida ka hadlay? Ma yara, mana la soo koobi karo, haddana, maanta si kale baa xaalku yahay, dhan walba, heer Jabuuti ciidan u soo dirtay gudaha Soomaaliya, wax walba waa lagu sheegi karaa, balse, waan u soo laaban doonaa.

Read the rest of this entry

Warqad Furan oo kusocota Mudane madaxweyne

  1. timthumb
    Mudane madaxweyne marka hore waxaan kugusalaamayaa salaanta islaamka salaama caleykum waraxmatulaahi wabarakaatu, marka xiga waxaan kuu rajaynayaa guul iyo in ilaahey kuu fududeeyo xilka adag ee laguu igmaday. Intaas kadib Mudane madaxweyne…

Warqad Furan oo kusocota Xukuumadda Soomaaliya

imageCalankaSomalia – Alla mahaddii, waxaa maanta muuqda, in shacab Somaaliyeed garwaaqsaday cirroole iyo caanoolaba, in dagaal wiil ku dhinto ma ogiye wiil ku dhalan, kobocaa garaadka iyo waayo aragnimada, waxuu keenay in, Oday dhaqameedkii somaaliyeed u doorteen awooddii ugu sareysay dalka ee ah Barlamaanka, doorashaddii u dambeysay, dad ehel u ah in ay noqdaan xildhibaan, Somaliya iyo soomali u daneyn karo dhan walba.

Sannad Guuradii 58aad (1954-2012) Calanka Qaranka Soomaaliyeed

Waxaa xusid Mudan SHEIKH ABUKAR SHEIKH CABDULLAHI( Qaali JIIF) Allaha ha u Naxriistee oo markii koowaad uu hawada ka dul babado calanka Soomaaliyeed ka taagan Xarunta Dawladda (Ufficio Governo) 12kii Oktobar 1954 markaas wuxuu haayay xilka ah(Chief Qaali).

October 12th, 2012 (Moment Media Group)  – Maanta oo ah 12kii Oktoober 2012 kuna beegan sannad guuraddii 58aad ee helida astaanta calanka qaranimadda soomaaliyeed, nasiib wanaag xuskani wuxuu ku soo beegmay xili ifafaalihii dowladnimo u dhalatay shacabka soomaaliyeed, taasoo la rajeynaayo in ay soo af jarmaan colaaddii iyo amaano daraddii dalka ka jirtay oo ay aad iyo aad u adkeyd in dadka dhibaateysan in la gaarsiyo gargaar deg deg isla markaasi na waxaa laga filayaa barlamaanka cusub inuu noqdo kuwa u adeega shacabka soomaaliyeed waxaana looga baahan yahay in ay ka fogaadaan wax alla wixii khilaaf keeni kara taasoo guud ahaan dan u ahayd dadka dan yarta ah ee ku nool dalka gudahiisa iyo kuwa ku dac dareysan dibadda ba.

Read the rest of this entry

Sir ku saabsan arrin Madaxweynaha ku qanciyay Ethiopia iyo sababtii uu u booqan waayay Garowe http://www.armradio.am/en/wp-content/uploads/2013/02/Human-Rights-Watch01.jpg

 3 – Oct 2012:(MMG) Somalia Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa shalay booqday magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay, halkaasi oo uu kula kulmay saraakiisha dalka Ethiopia.

Sida la sheegay waxaa qorshuha ahaa in sidoo kale Madaxweynuhu booqdo Garowe iyo Beledweyn, taasi oo aan dhicin, hase yeeshee su’aashu waxa ay tahay socdaalka madaxweynuhu ma waxa uu ku wajahnaa saddex magaalo, mise hal magaalo oo saddex magaalo midkood noqon kartay.

Read the rest of this entry

Waraysi Faysal Cali Waraabe,Calanka Buluuga Ah Tuura Ama Anagaa Idiin Samaynayna

Monday, October 01, 2012 – Warysi xiisa badan uu Faysal Cali Waraabe siiyay wariye ka warastay arrimaha xaqaa’iqa ah ee ka jira maamulka silaanyo,isaga oo sheegay in ay jecel yihiin waxa ay jecel yihiin in ay dadka ku khasbaan.

Hadala uu ka dhawaajiyay faysal ayaa gabi ahaanba ay qaarna yihiin kuwa ku qotoma runta qaarna ay yihiin runtii uu cadeeyay oo uu hadana ku daahayo marayar oo aan qarsoomayn.

Hoos Ka Daawo

Ka Dib Siddeed Sano oo Shariif Sakiin Ah Mawaxaa Xiga Afar Sano oo Faarax Sakiin Ah Mise Faarax Daacad?

Faarax C/qaadir oo ah Mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

Muqdisho (Moment Media Group) Tan iyo markii dowlada KMG lagu soo dhisay wadanka Kenya ayaa waxaa siyaasada Soomaaliya si aad ah kaga dhex muuqday Shariif Xasan Sheekh Adan oo ahaa gudoomiyihii ugu horeeyay ee baarlamaanka Soomaaliya ee dowladii KMG ahayd.

Shariif Xasan waxay isku dhaceen masuuliyiin badan oo ahaa madaxdii wadanka hogaaminaysay laakiin mar walba nasiibkiisu wuxuu noqonayay in hadafkiisu uu guuleysto markastana dhinaca uu isaga raaco ay arinta u dambeyn jirtay.

Sanadii 2006-dii Shariif Xasan waxay isku dhaceen madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed, waxayna taasi ay keentay in uu wadanka isga cararo isla markaana uu sal dhig ka dhigto magaalada Asmara ee wadana Eritrea, halkaasi oo ay markii danbe ay ku midoobeen asaa iyo xildhibaano uu hogaaminayay iyo miwogii maxkamadaha Islaam ee lagu jabiyay markaas dagaaladii ay kala horyimaadeen dowlada.

Read the rest of this entry

Bayaan ay soo saareen Guddiga La Tashiga Jaaliyadda Dibadda ee Bulshaweynta Baraawa

September 18, 2012 | – Brava Diaspora Advisory Council – BDAC | Guddiga La Tashiga ee Bulshaweynta Baraawa waxaa farxd weyn u ah in ay u hesho fursad qaali ah oo ay ku cabirayso in ay salaam,hambalyo iyo bogaadinba u dirto Madaxweynah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Federaalka iiyo dhamaan xubnaha xildhibaanada baarlamaanka. Guddiga waxa uu u rajeynaya dawlada Soomaaliya in hawsha ay ummadda u haayaan Allah u fududeeyo, iyo in ay ummadda Soomaaliyeed u horseedaan midinimo iyo cadaalad.
Guddiga Jaaliyadda Dibadda ee Bulshaweynta Baraawa waxaa uu ku aasaamay fikradaha iyo rabitaanka dhamaan bulshaweynta Baraawa eek u nool dalka dibadiisa. Ujeedada Guddigan waxaa weye in la abuuro jawi ku dheehan midnimo iyo iska war qab guud uyo gaarba in ay yeeshaan dhamaan bulshweynta Baraawa eek u nool dalka dibadiisa sida Europe, Waqooyiga Ameerika, wadamada Khalijka iiyo kuwa ku nool Bariga Afrika.

Golaha amaanka ee QM oo madaxweynaha Somalia ugu baaqay inuu soo magacaabo ra’isul wasaare karti leh

19.09.2012 –Golaha amaanka ee QM oo kulan gaar ah ka yeeshay xaalada Somalia ayaa soo dhoweeyey doorashada maadaxweynaha cusub ee Somalia Dr. Xasan Shiikh Maxamuud, isagoo sheegay in talaabadaas ay tahay horumarkii ugu weynaa ee Somalia ay gaartay 20kii sano ee u dambeeyey.

Xubnaha Golaha amaanka ayaa Madaxweynaha cusub ee Somalia. Prof Xasan Shiikh Max’uud kula taliyey inuu soo dhiso dawlad waxtar leh oo dalka ka saari karta dhibaatooyinka ka jiray 20kii sano ee la soo dhaafay, waxaana qoraal uu soo saaray goluhu uu ku sheegay inuu la dhacsan yahay qaabkii Madaxweyne Xasan Shiikh loo doortay isla markaana ay halkiisa ka sii wadi doonaan taageerada dawlada Soomaaliya ay siin jireen.

Read the rest of this entry

INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN. …. Qunsulkii Dawlada Soomaaliya ee Kenya oo Goordhawayd ku geeryooday Magaalada Nairobi.

September 18th, 2012 – Eebe ha u raxmadee Waxaa goordhawayd Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ku geeryooday qunsulkii hore ee dawlada Soomaaliya u qaabilsanaa dalka Kenya Marxuum, Maxamed Cismaan Aadan jigis (Etson) kadib markii mudooyinkii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanaa magaalada Nairobi.

Marxuumka ayaa caawa u geeryooday xanuun uu la ildarnaa Waxaana dhawaan lagu soo celiyey dalka Kenya kadib markii dawooyin iyo qaliimo uu kusoo qaatay dalka Talyaaniga oo uu kasoo noqday Bil ka hor Waxaana Marxuumku u dhintay Cudur kasoo wajahay dhanka dhabarka.

Diblamaasi Khaalid Bahiir Cabdulle (Ceegaag) oo katirsan Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa goordhawayd Warbaahinta Moment Media Group u xaqiijiyey geerida Qunsulkii hore ee dawlada Soomaaliya u fadhiyey Daka Kenya Waxaana uu sheegey in Marxuumku uu si degdeg ah ugu soo booday cudur ayaantaan hayey kadibna loola cararay isbitaalka kuyaala magaalada Nairobi halkaas oo uu markiiba ku geeryooday.

Eebe Ha u raxmadee Marxuum Maxamed Cismaan Aadan ayaa kudhawaad todobo sano ahaa Qunsulka Soomaaliya ee Kenya laakiinse Ma uusan shaqaynayn ilaa horaantii bishan kadib markii xanuun kusoo booday isagoo kusugan dalka Kenya waxaana uu isbitaal dhowr bilood ah ku qaatay dalka Talyaaniga isagoona dalka Kenya dhawaan dib loogu soo celiyey, Dawlada Soomaaliya ayaa xilkii Qunsulka dhawaan u magacowday sarkaal cusub kadib markii shaqooyinka Safaarada looga maarmi waayey.

Maxamed Cismaan Aadan ayaa ahaa Sarkaal diblamaasi ah oo saamayn weyn kuleh xiriirka Soomaaliya ee Kenya iyo wadamada beesha Caalamka ee Nairobi fadhiya isagoona siweyn uga dhexmuuqan jiray shirarka Soomaalida loo qabanayo iyo safarada Diblamaasiyiinta Caalamku ay Soomaaliya ku tagayeen Wuxuuna xiriir dhow la lahaa dawlada Puntland ee Soomaaliyeed isagoona arimaha wadashaqaynta beesha Caalamka ka qaybgali jiray.

INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN.

Dhamaan howl wadeenada Moment Media Group waxay Tacsi tiiraanyo xambaarsan u dirayaan Caruurtii, Xaaskii , ehelka, Qaraabada iyo Asxaabtii uu Qunsulku ká tagay.

Marxuumkana waxaan u rajaynaynaa jano waarta iyo Dambi dhaaf.

AAAAmiiiiin



INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN.

Dhamaan howl wadeenada Puntlandi.com waxay Tacsi tiiraanyo xambaarsan u dirayaan Caruurtii, Xaaskii , ehelka, Qaraabada iyo Asxaabtii uu Qunsulku ká tagay.

Marxuumkana waxaan u rajaynaynaa jano waarta iyo Dambi dhaaf.

AAAAmiiiiin

Qunsulkii Soomaaliya ee dalka Kenya oo geeriyooday goordhawna la aasayo

Allaha unaxariistee waxaa xalay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeeriyoday qunsulkii Soomaaliya ee dalka Kenya.

Wednesday September 19, 2012 – Maxamed Cusmaan Aadan Qunsulkii Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa geeridiisa waxa ay ka dambeysay xanuun in muddo ah haaye isaga oo ugu dambeyn xalay u geeriyooday.Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Nairobi Maxamed Cali Ameeriko oo la hadlay Moment Media Group ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay geerida Qunsulka Allaha unaxariistee.

 

Safiirka ayaa wuxuu sheegay in goordhaw lagu aasayo qunsulka Masaajidka ku yaalo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Qunsulka Safaarada Soomaaliya ee Kenya Eedsan ayaa shaqeynayay in ka badan 7 sano , waxaana hada ka hor warar hoose oo soo baxay ay sheegayaan inuu xilka ka qaaday madaxweynihii waqtigiisu idlaaday ee Shariif.

Xiriiro aan la sameyn Eheladiisa ayaa inoo suuragalin inaan helno , iyadoo aan warkan ka helnay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Nairobi.

Maxamed Cusmaan Aadan Qunsulka Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Nairobi ee dalka Kenya halkaasi oo xanuun haaye awgiis uu ugu geeriyooday.

Midowga iyo Yurub iyo Maraykanka oo isku khilaafsan cida noqoneysa madaxweynaha cusub ee Somalia

06.09.2012 – Maalmahaan muran iyo is jiid-jiid xoogan ayaa u dhaxeeyey madaxda midowga Yurub iyo Maraykanka u qaabilsan arimaha Soomaaliya iyadoo dowlada Mareykanka soo jeedisay in xiligaan xilka Madaxweynaniamda loo dhibo shaqsi wato Basboor Mareykan ah madaama Midoowga Yurub ku guuleyteen Gudoonka Barlamaanka oo loo doortay qof wata baasaboorka dalka Norwey.

U qeybsanayaasha Arimaha Somalia ee Inagriiska iyo Mareykanka ayaa kulama gaar ah la leh Xildhibaanda ka yimid wadamadooda kuwaasoo ay ku boorinayaan in ay doortaan xildhibaanada shaqsiyaadka heysta dhalashada wadoonkooda wallow xaalkaasi uusan sahlaneyn oo xildhibaanda inta badan qarash badan uga baxay siday ku noqon lahayeen xildhibaan hadda ay doonayaan in ay dhaqaalahaasi ka soo ka baxay ay ka soo ceshtaan musharixiinta u taagan xilka madaxweynanimada.

Read the rest of this entry

Barlamanka oo laga codsaday iney doortaan shaqsigii ka hor cadeeya in dalka laga joojiyo faraglinta Kenya iyo Itoobiya

06.09.2012 – “Wadan kastaa waxuu xaq u leeyahay in uu aayahiisa ka tashado oo u madax banana yahay cida uu ka dhiganaayo hogaanka dalka taa ma dhcin wali oo wali dalka Soomaliya waxuu ku jiraa gumeysi mal dahan oo loo yeeriyo wax walbo oo dan u aheyn Soomaalida” sidaas waxaa yiri Nabadoon Maxaad Caddo woo ka mid ah waxgaradka beelaha Soomaalida.

Nabadoonka ayaa intaa ku daray in dowladaha reer Galbeedka ay doonayaan dalalkooda iney ka difaacayaan gudaha Soomaliya si aysan u soo gaarin mushkalada ka aloonsan taasoo uu sheegay iney daliil u tahay qeyla dhaanta ka soo yeereysa wadamadaasi.

“Dadka Soomaaliyeed waxay isweydiinayaan waxa dhaqaalaha badan Mareykanka iyo Yurub u siinayaan wadamada, Kenya, Itoobiya, Ugaandha iyo Burundi oo askarta Soomaalida loogu heli la’yahay $150 bishii, halka askarigii dalalkaas ka jooga Somalia ee ka tirsan AMISOM uu mushahar ahaan u qaato bil walba $1,300” ayuu isweydiiyey Nabadoon Maxaad caddow oo hadalkiisa sii watay.

Read the rest of this entry

Allow Kabaha Faroole Maanta Ha Ii Gelin!

Thursday 6 September 2012 | Telefishinka ABC oo laga leeyahay Dalka Australia wuxuu soo faagay khayaanadii ay abaabuleen Madaxda Shirkadda SARACEN International iyo Cabduraxmaan Faroole.

SARACEN iyo Faroole waxay jabiyeen Xeerkii Cunoqabatayna Hubka oo la saaray Soomaaliya iyo Eritera, waxayna Maamulka Puntland soo geliyeen hub leh lixaad ballaaran oo u dhigma in ka badan kan ay haysataan Ciidamada AMISOM  Army Embargo” cidda jabisa waa xaqirid sharciga caalamiga ee cunaqabataynta hubka oo UN-ka u dagsan.

Moment Media Group Online ayaa  Sanadkii 2010 Xogg kasoo heshay Saracen  iyo Hubka Dhulka Soomaaliya la keenay!


  1. – East Africa: Soldiers of Fortune
  2. – Dhacdo-ugub-ah-xasiloonidaro-hor-leh-saracen-inter-(xog-muhiim-ah)
  3. – is-hubaynta-faroole-beelaha-soomaaliyeed-ma-ogyihiin-khatartaan-kusoo-wajahan!?
  4. – Self-arming& Conquering is a Fallacious Policy in Somalia 

Ma garanayno Mustaqbalka Faroole wuxuu ku dambayn doono, hase yeesee Ninka hadda Qoolka UN-ka ugu jira waa calooshi u shaqaystaha Afrikada Koofureed u dhashay oo kasoo cararay S. Afrika markay xornimada qaadatay.

Waxaa kasii daran hubkii waa yaalaa oo ma ahayn wax la inkiri karo, waxaana gacanta ku haya Faroole. Qasriga Faroole ku leeyahay Australia sidee loo degi doonaa? Haddii Faroole uu dambi ka galay sharciga u degsan UN-ka xagee ku dhuuman doonaa?

Dowlad kasta oo Soomaaliya ka dhalata waxay u hoggaansami doonta sharciga u degsan UN-ka, sidaas darteed Faroole Soomaaliya kuma dhex-dhuuman doono oo waa lasoo qaban doonaa.

Ninka la haysto wuuxu samaystay Basaboor Australiaan ah oo hadda laysku haysto ciddii u fasaxday oo siisay. Waxaa la xannibay lacagihii badnaa oo uu sameeyey oo u yaalley banuugta adduunka, waxaa la xannibay soocodkiisii, waxaana lagu raadjoogaa wixii lagu samayn lahaa.

SARACEN waa shirkad rayad ah oo la kiraysto oo tababarta ciidamada qalabka sida, hubkana waa soo iibiyaan marka loo dirsado.

Waxaa sidoo kale SARACEN Maamule guud ka ah nin la yiraahdo Bill Pelser, waxaana kaloo dullaaliin ka ah labo sarkaal oo mid kamid ah uu hore uga tirsanaan jirey ciidamada sirta “CIA” Central Intelligence Agency oo la yiraahdo Micheal Shanklin, iyo nin hore Safiir u ga ahaan jirey maamulkii Maraykanka ee George W. Bush oo la yiraahdo Pierre Prosper. Labadaba waxaa loo haystaa dacwad dambi dagaal ah oo aan weli maxkamad la hor-keenin.

 Ninkii qayrki loo xiirayow aduna soo qoyso. Faroolow adna waa Maantay ama waa Ba-ri.

Faroole waxuu uu hubka usoo gatay waa ku baabii qabaailka Soomaaliyeed oo ay Dariska yihiin, hase yeeshee wuxuu ku andacooday waxaan kula dagaalamaya burcad badeedda. Wuxuu yiiri SARACEN waxay ii tababaraysaa ciidan yar oo soo qababta burcad badeedda, hase yeeshee waxaa saracen u tababartay ciidan ka badan guutooyin oo aan ka yarayn ciidamada AMISOM dalka ka jooga.

Ciidankan Faroole u xaraysan yaa lagula dagaallamayaa?

Guddiga la magacbaxa “Monitoring Group” oo UN-ku u xilsaaray inay dabagal ku sameeyaan hubka Faroole keensaday, hubaynta SARACEN iyo lacagaha laga sameeyey waa raad abeeso, hasee yeeshee waa laga salgaaray hadda, waxaana la bilaabay madaxa SARACEN in cunoqabatay lagu sameeyo.

Faroole middidu Madaxiisa ayay ku mudan tahay mana haysto qiil uu isku difaaco. Guurka Faroole iyo SARACEN waa mid ceeb iyo fadeexo dhex dabbaalanaya, caaqiba-xumana uu ku dambayn doonana taasoo hadda la sugayo Dabkii Faroole u huriyey inuu cid kale ku gubo isaga ayuu maanta ku holcahayaa, kuwii u sabatumi jireyna maanta ayay ka shallaynayaan.

Dagaalka jabinta cunaqabatayntu wuxuu u dhexeeyaa 2 nin iyo dunidii oo dhan, waana loo jeedaa cidda ku adkaan doonta. Sidee hubka QAW yaalla laga yeeli doonaa? Maxay ku dambayn caaqibada SARACEN? Faroole mala gelin doonaa xannibaad caalami ah?

Maanta waxay ahayd in Cabdirixmaan M. Faroole uu haan weyn u tosho barwaaqada laga filayo inay kasoo burqato Shidaalka ku jira deegaanka Puntland.

Waxay ahayd in Faroole uu nabaadda u codeeyo oo uu ka tanasulo colaadda uu u qalab aruursanayo. Waxay ahayd inuu dariswanaagnimada u durbaan tumo oo uu abuuro jawi is-kaashi iyo mid horumarin guud. Waxay ahayd inuu bulshada reer Puntland gaarsiiyo saman nabad, barwaaqo iyo baraare oo ay ka faa’iidaystaan kheyraadka dalka.

Nabadda waxba laguma doorsan karo, siyaasiga nabad ku taliyana isaga ayaa inta kale kasoo harin.

Allow kabaha Faroole Maanta ha ii gelin!

Daawo Sawirada ‘Mid kamid ah Musharixiinta Madaxweynanimo ee Somalia oo si aan cadai aheyn Maanta loo soo dhaweeyay

Xafladii lagu oo dhaweynayey Musharaxa faalko ayaa waxaa kasoo qeybgalay masuuliyiin saraakiil ciidan odayaal dhaqameed dhalinyaro ururka haweenka culimaa,udiiniyo marti sharaf kale oo ka qeybqaadaneysay soo dhaweynta iyo marxabeynta iyagoo dhamaantood wajiyadooda laga dheehanayey sida ay ugu faraxsan yihiin xilka uu isku soo taagey Jeneral Falko iyaga oo tilmamey inuu yahey nin u qalma lehna aqoon iyo khibrad uu ku samata bixin karo diinta dadkaba.

Read the rest of this entry

Q/Midoobay oo Guddi u kuurgala wax is daba marinta u soo direysa doorashada Madaxweynaha Somalia

06.09.2012 – Warar ku dhowdhow doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegaya in doorashadaasi ay ka soo qeybgeli doonaan xubno ka socda beesha caalamka oo ay hormuud u yihiin wafdi ka socda Guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa Qaramada Midoobay, kuwaas oo la sheegay inay goob-joog ka noqon doonaan qaabka ay doorashadu u dhaceyso si ay ugu kuurgalaan in isdabamarin iyo musuqmaasuq lagu sameeyo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa soo baxaya baaqyo kala duwan oo looga dalbanayo xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka KMG ah inay ka fogaadaan nidaamkii hore ee ay wax u dooran-jireen ee inta badan ku saleysnaa kala jiidashada xildhibaanada oo loo adeegsan jiray lacago, kaas oo sabab u noqday in hogaan toosan ay yeelan weyso dowladda KMG, isla markaasna isqabqabsi joogta ahi uu ragaadiyey shaqadii dowladda KMG, gaar ahaan xubnaha sarsare.

Read the rest of this entry

Maamulka Somaliland oo shacabkiisa u fasaxay isticmaalka iyo qaadashada baasaboorka cusub ee Soomaaliya

06.09.2012 – Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horeysay waxa uu shacabka ku nool deegaanada ay maamulaan u ogolaadeen inay qaataan baasaboorka cusub ee Soomaaliya, isla markaasna ay dadka xujeyda ahi qaadan karaan baasaboorkaasi oo aysan wax dhib ah kala kulmi doonin.

Taliyaha waaxda socdaalka ee maamulka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaysan ka soo horjeedin cid kasta oo xamar u tageysa qaadashada baasaboorka cusub ee Soomaaliya si ay ugu soo xajiyaan baasaboorkaasi, maadaama sida uu yiri la diiday isticmaalka baasaboorka maamulka Somaliland.

Maxamed Cali Yuusuf Taliyaha laanta socdaalka Somaliland ayaa sheegay inysan wax dhibaato ahi ku jirin in qofka reer Somaliland ee Xajka tagaya inuu Xamar u doonto Baasaaboorka Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray inay xafiiskooda ku bixiyaan baasaaboorka Somaliland, laakiin qofka Xajinaya halka uu doono uu ka soo qaadan karo baasaaboor sharci ah oo uu ku soo Xaji karo, isla markaasna aysan diidaneyn inay qaataan baasaboorka cusub ee Soomaaliya.

Read the rest of this entry

Afsoomaaliga iyo Dhalaanka Qurbaha maxaa isweydaarshay?

Wednesday, August 22nd, 2012 -Luqaddu waa furaha nolasha iyo isfahamka noolaha, xayawaanka iyo aadanaba. Waxaa lasheegaa inay jiraan kudhowaad ilaa 6,909 oo luqadood dhamaan daafaha caalamka, inkastoo wax kayar 300 oo kamidda tiradan ay leedahay far laqoro. Kudhawaad 473na ay cidhifka usaaran yihiin asal-go. Saddex-dalool meel kamida waxaa looga hadlaa qaarada Africa.

Hadaba shaki kuma jiro in luuqadda qaybteeda hadalku ay kafacweyntahay qoraalkeda. Luqaddu waxay gun-dhig utahay waxyaabo badan oo ay ummadu hammuun uqabto, iyadoo noqonaysa maskaxda dhaqaajinaysa koboca dhinacyo badan.

Sidoo kale waxaa ladhihi karaa waa “engine” ka ama matoorka wada horumarka ummadi ku talaabsato. Waxaa markaa isweydiin mudan yaa u xilsaaran howshan culus ee ina hortaala? Jawaabtu runtii waa ay sahlantahay, waxaa qaadaya mas’uuliyadan waddada loogu furayo mashaariicda fidinta, dhisidda, hagaajinta ladoonayo inay ku socoto hab “automatic” ah, qaybaheeda kala duwan sida: Sugaanta (literature), Naxwaha (Grammer) hal-abuurka erayo cusub oo kaba qaybaha cilimiga ( developing new words for academia).

Read the rest of this entry

Nin adduunya joogoow maxaa aragti kuu laaban! Horaa loo yiri, marna miyaad is tiri WARAABAA la cuni doonaa – Waraabaha Maxaa Xiga!?

Wednesday 22 August 2012 -Soomaalidii hore Wadaadada siyaabo badan ayey uga hadleen, ammaan, dhaleecayn, wiirsi iyo maadba isugu jira, mid walbana dhacadeeda ayey lahayd.

Guud ahaan wadaadadu marna Siyaasadda kuma jirin, isuma soo hagoogin, han iyo hawana kama galin, hadallo u yaallay, haaneed ka ilaalinayey iyo habsami la dhawrayey awgeed, haddana wadaadadu si guud qayb ayey uga ahaayeen hagidda qaab nololeedka bulshada iyo maaraynta mashaqooyinka maalmaha.

Dhahdooyinka meelmaray ee dhawaqa dadka iyo dhagahooda ku badan ee ku saabsan WADAAD waxaa ka mid ah: “Ragga iyo Dumarka yaa badan?” jawaabtu waxay noqotay: “Haddii Wadaadada lagu daro Dumarka ayaa badan!” mar kale waxaa la yiri: “Wadaad Dad u eki ayaa ugu dilaa, Abeesana Dhul u eki”.

Marna waxaa la yiri: Wiil labaatan jir ah oo murqo kuus ah ayaa geed ka booday, Wadaad meesha ka dhawaa ayaa asna damcay inuu ka boodo, wadaadkii geedkiina kama boodin, maradii uu guntanaana way ka bidday, markaas ayaa wiilkii wuxuu yiri: “Wadaaddku inuusan Oodda ka boodi karin waan ogaaye waxaa idmanaa in Cawradiisa la arko!” dhanka kale, waata la yiraa: “La joojiyaana bannaan, la jiifiyaana bannaan!” oo wadaad laga soo gaaray.

Read the rest of this entry

Beesha Caalamka Oo Go’aan Ka Gaadhay Cabashadii Beelaha Hawiye

image

22 August, 2012 – Iyadoo Maalintii Shalay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Magaalada Muqdisho ay gaareen Odoyaal ka soo Jeeda Beelaha hawiye korna u dhaafayay Illaa Toddobaatan Oday iyo Dumarba ayaa waxaa arrintii Cabashadooda la sheegay in wax laga qabanayo.

Odoyaashan ka soo jeeda Beelaha hawiye oo ay wehelinayeen Tiro Dumar ah ayaa Maalinimadii Shalay gaaray Xafiiska Wakiilka Qaramada Midoobay ee magaalada Muqdisho kuwaasoo ka cabanayay joojintii Xildhibaano ka soo jeeda beelahaas laga hor joogsaday inay ku Biiraan Xubnaha Cusub ee Barlamaanka Soomaaliya.

Read the rest of this entry