Dawladda Itoobiya oo Ku hanjabtay inay Talaabo ka Qaadayso Gudaha deegnada Siilanyo haduusan maamulkaasi Joojin Rasaasta loo dirayo Gaashaamo.

Qunsulka u fadhiya  Magaalada Hargaysa dawladda dalkaasi Itoobiya, ayaa si kulul uga hadlay Dagaalo lagu hoobtay oo ka dhacay deegaanka Gaashaamo, oo ka tirsan ismaamulka dawladda Deegaanka Soomaaliyeed ee dalkaasi Ethiopia.

Gen: Berhe Tesfaye ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay gudaha magaalada Hargaysa ee caasimada labaad ee dalka Soomaaliya, wuxuu sheegay in ay ka warhayaa abaabul dagaal, Gudbin rasaaseed, Gurmad iyo Tolay ka soconaysa gudaha magaalada Hargaysa, wuxuuna digniin ku bixiyey in dawladda Ethiopia ay lee dahay awood ay dhulka kula sinto maamulka Siilaanyo cadaaladana ku horkeento ayuu yidhi kuwa wada Xasarahada.

Read the rest of this entry

Safiirka Itoobiya u Fadhiya Hargeysa oo Ka Hadlay Dagaalka Gaashaamo

Matt Baugh: “Soomaalidu waa dad jecel doodda siyaasadeed!”

March 20, 2012 – Wasiirka Koowaad ee dowladda Ingiriiska David Cameron wuxuu bartamihii bishii Nofember 2011 ku dhawaaqay in uu dalkiisa ku qabanayo shirweyne Soomaaliyeed oo caalami ah oo uu xal ugu raadinayo dhibaatada Soomaaliya, asagoo taasna ku sababeeyey in ay “Soomaaliya qatar ku tahay danaha dalka Ingiriiska.”

Read the rest of this entry

Ruwaayaddii ugu horreysay ee Caalamka laga daawado oo maanta lagu soo bandhigay Tiyaatarkii Qaranka Soomaaliya (SAWIR

Isniin, March 19, 2012 (Moment Media Group) – Tiyaatarkii Qaranka Soomaaliya oo muddo 22 sanadood ah burbursanaa ayaa maanta markii ugu horreysay lagu dhigay ruwaayad hal-ku-dhiggeedu ahaa DARDAARAN WAALID, taasi oo ay sameynteeda iska kaashadeen Abwaannada Cabdi Dhuux Yuusuf iyo Laashin Axmadey Cabdi Gaashaan.

Baarlamaanka KMG oo Shaaciyey inay Xilkii ka Qaadeen Madaxweyne Shariif Ayna Dooranayaan Madaxweyne Cusub 30-ka April (War Saxaafadeed)

Muqdisho March 18, 2012 –  Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ay soo saareen oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyey Shabakada Raxanreeb waxay ku sheegeen in baarlamaanka uu go’aansaday in soddonka bisha April uu soo doorto Madaxweyne cusub, ka dib markii uu Baarlamaanka 22-kii Febraayo 2012 uu xil ka qaadis uu ku sameeyay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Xildhibaanada Baarlamaanka waxay warqadooda ku sheegeen in go’aansadeen in maadaama xilka ay ka qaadeen Shariif Sheekh Axmed, inay soo doortaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya, oo ay soo dooranayaan 30-ka bisha April 2012.

Read the rest of this entry

Matt Baugh: “Soomaalidu waa dad jecel doodda siyaasadeed!”

March 18, 2012 – Wasiirka Koowaad ee dowladda Ingiriiska David Cameron wuxuu bartamihii bishii Nofember 2011 ku dhawaaqay in uu dalkiisa ku qabanayo shirweyne Soomaaliyeed oo caalami ah oo uu xal ugu raadinayo dhibaatada Soomaaliya, asagoo taasna ku sababeeyey in ay “Soomaaliya qatar ku tahay danaha dalka Ingiriiska.”

Warbaahinta reer Galbeedka

Durba, warbaahinta reer galbeedka, gaar ahaan tan Ingiriiska, waxay oodda ka rogeen olole ballaaran oo ay ku bari-taarayeen qorshaha cusub ee dowladdooda, ayna ugu sii sahminayeen heerka damqasho ee Soomaalida cusub iyo dareenka garasho ee indheergaradkooda casriga ah. Waase la hubaa oo cidna daah kama saarna, xitaa 10-jirka saancaddaalaha Ingiriiska ah, in ay Soomaalidu ba’day oo hoogtey, meel u fayoobi jirin, intey is-wada-dooxatay misana is-wada-feenatay, cudurkii qabyaaladda ee loogu dawgalay inta dillooday uu soo ritay, lana hubo in ay u god geli doonto.

Read the rest of this entry

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya oo si weyn loogu soo dhoweeyay Holland (Sawirro)

18.03.2012 (PenMoment) Xaflad si weyn loo soo agaasimay, laguna soo dhoweynayay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko ayaa lagu qabtay Hotel Green Park ee magaalada Den Haag, waxaana munaasabadan ay aheyd mid ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadanka Nederland.

Xubno isugu jiray qeybaha bulshada ayaa kasoo qeybgalay xafladani, waxaana khudbado soo dhoweyn ah kasoo jeediyay aqoonyahano Soomaaliyeed oo lagu casuumay xafladani, kuwaasi oo ku dheeraaday iney ka hadlaan waxqabadka Ambassador Maxamed Cali Ameeriko.

Read the rest of this entry

Xil M/Xassan “Faroole waxaa isaga qaldan farqiga u dhexeeya Garoowe Iyo Muqdisho, waana inuu ogaadaa in Soomaalidu tahay ul Iyo diirkeed aan kala maarmin” Dhageeso

16.03.2012 (Moment Media Group) – Xildhibaan Max’ed Sheekh Xassan oo ka mid ah baarlamaanka federaalka ayaa sheegay in tiro ka badan 150 xildhibaan oo baarlamaanka ka tirsan ay u gudbiyeen guddoonka baarlamaanka eedeymo ka dhan ah madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole, oo lagu eedeeyey xadgudub ka dhan ah dastuurka, isagoo isticmaalay awood ka badan tii dastuurku u ogolaanayey maamulkiisa, wuxuuna xildhibaanku sheegay in Faroole dhegta loogu sheegay in aysan jirin cid ka xigta madaxweynenimada Soomaaliya taasina ay sababtay inuu ka tago caqligii wanaagsanaa, si u u burburiyo dowladda federaalkana maalinba maalinta ka dambeysa ay ka soo yeerayaan hadalo xanaf leh, ilaa uu gaaray inuu yiraa dowladdu wax heshiis ah ma geli karto iyadoo Puntland aaney goob joog ka aheyn taasoo la macno ah in dowladda Soomaaliya oo Soomaaliyoo dhan ay wada dhisteen in wax kasta oo ay qabaneyso ay kala tashato qabiilka Majeerteen-ka la yiraa, haddii ay taasi dhacdana waxaa imaaneysa in qabiiladda kale ay iyaguna dalbadaan in lagala tashado shaqo kasta oo ay dowladdu qabaneyso, xittaa haddii dowladdu ay dun & cirbad is gelineyso waa in ay la tashataa qabiil hebel, taasoo sharaf dhac ku ah dowladnimada, sida uu yiri Xildhibaan Max’ed Xassan.

Read the rest of this entry

Xildhibaanada & Siyaasihiinta Soomaalida oo Dibadbax Balaaran kadhigaayo Muqdisho”Sababtu maxay tahay?

March 13, 2012 – Siyaasiyiin iyo xildhibano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa sheegay in Mahiga uu caqabad ku yahay xalka Soomaaliya kuna Baaqay in la dhigo Banaanbax ka dhan ah.

Read the rest of this entry

3-sano kadib Maamul xumada ka jirta xafiiska Madaxweyne Shariif !!!!

March 13, 2012 -Waa qeyb ka mid maamul xumada ka jirta xafiiska madaxweynaha Somalia Sheikh Shariif Sheikh Axmed waxaana source-ga ugu badan aan ka helnay rug cadaa badan oo kasoo shaqeeyay xafiiska madaxweynaha oo haatan ku sugan wadanka Kenya.

Read the rest of this entry

Warar ku saabsan masuuliyiin ka tirsan Q/Midoobay oo kulamo xasaasi ah la qaatay labada garab ee baarlamanka Somalia

MONDAY, MARCH 13, 2012 – Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ka socda haya’dda UNDP ee Qaramada Midoobay, kuwaasoo kulamo gooni gooni ah la yeeshay labada garab ee Baarlamaanka KMG Soomaaliya u kala qeybsanyahay, waxaana la sheegay in kulamadaasi oo saacado socday su’aalo lagu weydiiyey dhina uu hogmiyo Madoobe Nuunow Maxamed.

Read the rest of this entry

Somali embassy in Belgium reopened

MONDAY, MARCH 12, 2012 – Somali Embassy in Brussels, the capital of Belgium has officially been reopened and started holding services for Somali people in Europe countries, official said. 
Somali ambassador for the European Union, Nor Hassan Hussein ‘Nor Adde’ confirmed to the National T.V the reopening of the Somali Embassy in Belgium saying that it started holding diplomatic services.

Jaaliyadda Soomaalida Beljamka oo ka codsatay wasaarada arrimaha dibedda Soomaaliya in ay wax ka qabato musuq-maasuqa ragaadiyey safaaradda Beljamka (Magacyada dadka qoraalkan soo saaray)

11.03.2012 (Moment Media Group) – Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan magaalooyin ka tirsan wadanka Beljamka ayaa cabasho u jeediyey wasaaradda arrimaha dibedda dowladda Soomaaliya, cabashadaasoo la xiriirta musuqmaasuq ay sheegeen inuu si xowli ah uga soconayo xarunta safaaradda Soomaalidu ku leedahay magaalada Brussel ee wadanka Beljamka, waxaana lagu sheegay qoraal xubno ka tirsan Jaaliyadaha ka dhisan magaalooyinka Beljamka ay kaga codsanayaan wasiirka arrimaha dibedda inuu wax ka qabto maamul xumidda & musuq-maasuqa ka jira xarunta safaaradda, taasoo weji gabax ku noqoneysa guud ahaan dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibedda.

Read the rest of this entry

Shir Jaraaid oo ay Qabteen Maamulka khaatumo stat of Somalia

MAAMUL GOBOLEEDKA KHAATUMO STATE OF SOMALIA.

Maarso 12, 2012 (Moment Media Group)  – Ujeedo War Saxaafadeed ka soo baxay Xarunta Madaxtooyada Maamul Goboleedka Khaatumo. Dawlada federaalka Soomaaliya Waa astaatnta Midnimada Soomaaliya ma jiri karo maamul Goboleed awood u leh inuu Dawladda Federaalka wax u yeedhiyo. Maamul goboleedka khaatumo State of somalia waxa uu ku Dhashay baahi ay dareemeen Shacbaka Degan Gobolada Sool Sanaag iyo Cayn, ma jirto cid aan wax ka waydiin karnaa talada deegaankayaga amaba soo fara gashan karata Arrimaha Gudaha ee Maamulka Khaatumo.

Read the rest of this entry

Somaliland oo u jawaabtay Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland”Top News”

Maarso 12, 2012 (Moment Media Group) – Wasiirka arrimaha dibedda Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadlay hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, oo sheegay inaan maamulkiisu oggolaan doonin wadahadal dhexmara Soomaaliya iyo Somaliland oo aanay Puntland qayb ka ahayn, ka dib markii Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed sheegay inuu magacaabayo Guddi ka shaqaysa wadahadalka labada dhinac.

  Read the rest of this entry

Daawo Xafladii Khaatumo State ee Muqdisho Khudbadihii+Hees Loosameeyay Khaatumo (Video)

 

Read the rest of this entry

DAAWO VEDIO: Khudbadii Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan C/Fataax X. Afrax oo Maanta lagu Magacaabay Wareegtada Madaxweynaha DKMG ah

Muqdisho March 11th, 2012  –  (MMG) Waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa khudbadii uu maanta jeediyey gudoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax oo maanta loo magacaabay gudoomiyaha cusub ee gobolka ka dib wareegto maanta ka soo baxday xafiiska madaxweynahaDKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Read the rest of this entry

DOOD FURAN: Aqoonsiga Khaatumo State??

Sunday, March 11th, 2012 – Weli waxaa muuqata in Dawlada KMG Soomaaliya aysan dhexdeeda isku mowqif ka ahayn aqoonsiga maamul goboleedka cusub ee Khaatumo State iyadoo toddobaad gidihiis labo warqadood oo kala duwan ka soo bexeen xafiiska ku simaha raysul wasaaraha, waxaana ka horeeyey in madaxweyne Shariif uu si cad u shaaciyey in dawladu aqoonsatay Khaatumo State.

Read the rest of this entry

Dalka Uu Siiyay Madaxweyne Faroole (Moment Media Group)

Muqdisho Sunday, March 11th, 2012 (Moment Media Group) Xildhibaano ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdiso ayaa waxay eedeyn u jeediyeen madaxeynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ay ku eedeeyeen in Awoodii dalka oo dhan uu ku wareejiyay madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole.

Read the rest of this entry

C/raxmaan Faroole oo sheegay in DKMG Somalia aaney Puntland la’aanteed wada hadal la geli karin maamulka Somaliland

 11.03.2012 – Madaxweynaha maamulka Punntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole ayaa sheegay in dowlada KMG Somalia aaney wadahadal la geli Karin maamulka Somalliland, iyadoo aaney Puntland ka warqabin goob joogna ka aheyn wadahadalkaas xili uu ka hadlayey munaasabad ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Read the rest of this entry

DKMG Soomaaliya oo Goordhow Maamul Heer Gobol u Magacawday Gobolka Hiiraan

Madaxweynihii Dooxada Shabeelle C/fataax Xasan Afrax oo loo magacaabay gudoomiyaha gobolka Hiiraan

Read the rest of this entry

FAALLO: Ceelka Shidaalka ee Puntland;- Ma Hanti Qaran, mise Dhaxal-beeleed ?

10.03.2012 – Dareenno kala duwan ayaa laga bixinaya Qorshaha Ceelasha Shidaalka ee laga qodayo Dooxadda Daroor ee duleedka magaalladda Bosaaso ee W/bari ee dalka Somalia, oo uu haatan ka arrimiyo Maamul-gobaleedka Puntland. Qoditaanka Ceel Shidaal ugub kuma ah dalka Somalia, waxaana la og yahay inay Dowladdii Kacaanka ay hawshaasi bilowday, balse uusan hanaqaadin, kadib, markii ay mowjaddo dagaallo sokeeye iyo fowdo siyaasadeed ku dhufteen dalka Somalia.

Read the rest of this entry

Dowlada Soomaaliya oo hanjaab uga timid Puntland darteed u aqoonsan weysay Qaatumo State

Warsaxaafadeed goordhaw kasoo baxay Xafiiaska Raizil Wasaaraha Soomaaliya kuna saxiixnaa Raizul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa aqoonsigii Maamul Goboleednimo loogu diiday Maamulka Qaatumo State oo shalay Madaxweyne Shariif Sheegay in uu aqoonsan yahay. 

Read the rest of this entry

Xildhibaan Mowliid Macaane “ Dowlada KMG waa iskaashato badan”

10.03.2012 (Moment Media ) – Xildhibaan Mowliid Macaane “ Dowlada KMG waa iskaashato badan, marka waxaan oran lahaa ninkan sheeganayo in uu yahay safiirka Darasalaam hadana raba in uu Noqdo safiirka Kenya, aad ayaad u damac badan tahay, ee iska iloow damaca safaarada somaliya ee Kenya…

Read the rest of this entry

Midowga Afrika oo shaaciyey xiliga ay ciidamada AMISOM lagu wareejinayo magaaloyinka Beled-weyne iyo baydhabo

10.03.2012 (Moment Media) – Midowga afrika ayaa sheegay in ciidamada itoobiya ee ku sugan magaalooyinka B/weyne iyo Baydhabo ee gobolada Hiiraan iyo Bay ay ka baxayaan waqti cayiman, kaasoo ay ku sheegeen dhamaadka bisha April ee sanadkan 2012-ka. Qoraal uu Midowga afrika ka soo saaray magaalada Addis Ababa ayaa lagu sheegay in ciidamada itoobiya ee haatan ku sugan qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya ay la baxayaan, laguna bedeli doono ciidamo ka socda dalalka Jabuuti, Ugandha iyo Burundi, wuxuuna warku intaasi ku daray in si deg deg ah loo diyaarin doono ciidamadii bedeli lahaa kuwa Itoobiya.

Read the rest of this entry