Category Archives: Moment Research & Consultancy

Q/Midoobay oo dhowaan danjire cusub u soo magacaabeysa Somalia ka dib markii uu waqtigii ka dhamaaday Mahiga

 

Warar lagu kalsoon yahay oo laga soo xigtay saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya la bedelayo dhawaan, ka dib markii uu dhamaaday waqtigii uu ka shaqeyn lahaa Somalia.

Sida warku sheegayo bisha Maarso ee soo socota bartamaheeda ayey ku egtahay xilliga howsha Soomaaliya uu ka hayo sii wadayo, waxaana la sheegay inaan dib dambe loogu cusbooneysiinaynin marka uu waqtigiisa dhamaado, lana doonayo in booskiisa lagu bedelo sarkaal kale oo ka tirsan Qaramada Midoobay, kaas oo aan la magacaabin halka uu ka imaanayo iyo dalka uu ka soo jeedo midna.

Read the rest of this entry

Siyaasiyiin, xildhibaano iyo waxgarad siyaabo kala duwan uga hadlay natiijada ka soo baxday shirkii lagu soo afjaray Garowe

Mogadishu (Moment Media Group) Shirkii dastuurka iyo arimaha federaalka ee habeen hore lagu soo gabagabeeyay magaalada Garoowe oo ay ka qeybgaleen dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay, waxaana xubnaha ka hadlay shirkaasi ka mid ah Xildhibaan Salaad Cali Jeelle, Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) Nabadoon Maxamed Xasan Xaad iyo kuwo kale.

Read the rest of this entry

Shirkii magaalada Garowe oo xalay lasoo gaba gabeeyay iyo waxyaabihii lagu heshiiyay – Faalo Qotobka 3aad

Ayadoo uu maalmahaanba shirka wadatashiga ka socday magaalada Garowe ee caasimada maamulka Puntland, ayaa habeenkii xalay ahaa saqdii dhexe waxaa lasoo gaba gabeeyay shirkaas oo ay dhinacyada Soomaalida iyo beesha caalamkaba wax kawada saxiixeen waxyaabihii kasoo baxay.

Saxiixa qodobada shirka ayaa saacado badan qaatay taasoo keentay in xalay saqdii dhexe ay wada saxiixaan dhanacyadu.

Waxyaabihii lagu heshiiyay shirka ayaa waxaa kamid ahaa

  • 1. Yaraynta tirada xildhibaanada baarmlamaanka oo la isku raacay in laga dhigo 250.
  • 2. Ansixinta dastuurka oo laysku raacay in ergooyin 1000 gaaraya oo bulshada qaybaheeda lagasoo kala xulay ay u codeeyaan.
  • 3. Sameynta gole 54-xubnood ka kooban oo baarlamaanka ka sareeya iyo nidaamka maamul ee dalka oo laysla gartay in laga dhigo Federal ku salaysan 18kii gobol ee horay u jiray..

Qodobada heshiiskaan ayaa waxaa wax ka saxiixay madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, raisalwasaaraha xukuumada KMG Soomaaliya Dr C/weli Maxamed Cabdi Gaas, madaxweynaha maamulka Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole, madaxweynaha maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin, Dr Agustine Mahiga, ergayga gaarka ah ee Qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya iyo sidoo kale Ahlu suna waljameeca oo ayadana wax ka saxiixday heshiiska.

Read the rest of this entry

Midowga Yurub iyo Mareykanka oo qeyb ku lahaa go’naadii ka soo baxay shirkii Garoowe oo la soo gabagabeeyay

Garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ayaa waxaa shalay gaaray wafdi ka socday beesha caalamka sida Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Mareykanka, kuwaas oo halkaasi u tagay sida la sheegay inay ka qeybgalaan shirka Garoowe xiritaankiisa, inkastoo uu dib u dhac ku yimid shirkaasi oo shalay lagu waday inuu soo xirmo sababo la xiriira isqabqasi iyo yimid intii aan lagu heshiin qodobada laga soo saaray.

Read the rest of this entry

UK Living in the glory of its past

SomaliAmerican Peace Development

 

UK Living in the glory of its past

We Somalis were called all kinds of names, pastoral nomads, Africa’s remaining warlords, failed state,
The most corrupt nation on earth, pirates of the Indian ocean but one ever called us stupid. The fact that the Somali economy regardless of its lack of fully functioning government has survived over 20 years of civil war. Our communication and media leads many African countries who enjoyed political stability. The Somali Diaspora all over the world leads other immigrants in education, business and remittance to Homeland is a testament that Somalia will rebound and get on its feet soon.

Read the rest of this entry

Midowga Yurub oo ku towfiiqay inay la dagaalamaan kooxaha burcad badeeda Soomaaliya iyo diyaaradaha Drone-ka oo loo adeegsanaayo dagaalkaasi.

Midowga Yurub xafiiskiisa Atlanta ee la dagaalanka burcad badeeda ayaa warbixin uu soo saaray waxaa markii ugu horeysay lagu sheegay in iyadoo la xoojinayo howlgalkaasi ciidamadiisu adeegsanayaan diyaaradaha Drone-ka loo yaqaan ee aan duuliyaha lahayn.

“Ilaa shan diyaaradood ayuu Midowga Yurub soo iibsaday, kuwaasi oo lagula dagaalamayo kooxaha burcad badeeda Soomaaliya” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay ururka Midowga Yurub oo sheegay in howlgalada lagula dagaalamayo burcadbadeeda Soomaaliya la casriyeynayo si loo hakiyo khatarta sii kordheysa ee uga imaaneysa maraakiibta isaga gooshta biyaha gacanka cadmeed iyo badweynta Hindiya.

Read the rest of this entry

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in faroole yahay madax waynaha Soomaaliya la yaabka aduunka.

Ra,iisul was are C/Wali Gaas ayaa khudbad uu ka jeediyay shirka wadatashiga ee Garawe ka sheegay in uu Faroole yahay madax waynaha umada Soomaaliyeed taasoo ka yaabisay dadkii kasoo qayb galay shirka iyo dhamaan umada Soomaaliyeed oo ka dhagaysatay idaacada wadanka ka howl gala sida tan qaranka Radiomuqdisho.net halkan ka dhagayso khubdaas uu ku hadlay ra,iisul wasaaraha.

Read the rest of this entry

War deg deg ah: Shirkii Garoowe oo lagu kala kacay oo burburey

 

Garoowe (Moment media Group)  Sida ay u sheegeen  Shabakadda MMGroup illo ku sugan Xarunta Jaamacada PSU, oo uu ka socdo shirka Garoowe 2-  ee looga hadlaayo arrimaha dastuurka waxa lagu kala kacay shirka ka dib markii ergada ka socotay maamulka Galmudug ay ka baxeen shirka.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo ay wehliyaan taliyihii horre ciidamada Booliska iyo afhayeenka baarlamaanka Galmudug iyo ergo kale oo ka socday dhinaca maamulka Galmudug ayaa iskaga baxay shirka. ka dib markii shirka lagu soo hadal qaaday in wax loo qeyb sado qaab qabiil.
Qaar ka mid ah ergada shirka ayaa soo jeediyay in wax lagu qeybsado si qabiil ah, laakin hadalkaas waxa ka soo horjeestay madaxweyne Caalin oo sheegay haddii sidaas ay tahay in shirka laga soo qeyb galiyo dhamaan qabiilada Soomaalida sida, Hawiye, Daarood, Digil iyo Mirifle iyo Beesha Shanaad.
Markii uu murankaas socda ayaa waxa goobta iskaga baxay ergada Maamulka Galmudug kuwaas oo aaday Hotelka ay dagan yihiin.waxana sidaas ku is-taagay shirka oo lagu kala dareeray.
Madaxweynaha Puntland Cabdi Raxmaan Maxamed Faroole oo istaagay ayaa sheegay in uu shirka sii socon doono, iyadoona loo yeeri doono ergada Jaamacada Carabta laakin warkiisa waxba kama badalin istaaga shirka uu ku yimid.

Read the rest of this entry

Madaxweynaha GALMUDUG oo wixii sir ahaa Shirka Garoowe ka sheegey. Buuq dhalisey

Garowe (Moment Media Group)  Madaxweynaha maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin oo furitaankii shirka “Garowe 2″ galabta khudbad ka jeediyey ayaa ka dhawaajiyey in go’aanadii wareegii hore ee shirka Garowe ka soo baxay lagu xadgudbay ka dib markii sida uu sheegay la sameeyey guddiyo uusan maamulkiisa wax war ah ka geyn.

Read the rest of this entry

Khilaaf ka dhashay dowlado aan lagu casuumin shirkii Garoowe iyo Faroole hoosta soo gashaday(Maxaa ka dhashay arinkaas)

Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa waxay sheegayaan in shirka ka socda magaaladaasi ay hadda ku biireen wafdi ka socda dowladda Itoobiya oo aan shirkaasi horay loogu casuumin, balse sida la sheegay iska tagay shirkaasi, si ay lug ugu yeeshaan arrimaha shirkaasi iyo qodobada ka soo baxaya.

Read the rest of this entry

Madaxweyne Caalin oo Furka ku Tuuray “Shirkii Garowe 2″ Iyo Hadalo Kulul oo Qaarkood Sir ahaa oo uu Ka Sharqamiyey

 

Garowe (Moment Media Group)  Madaxweynaha maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin oo furitaankii shirka “Garowe 2″ galabta khudbad ka jeediyey ayaa ka dhawaajiyey in go’aanadii wareegii hore ee shirka Garowe ka soo baxay lagu xadgudbay ka dib markii sida uu sheegay la sameeyey guddiyo uusan maamulkiisa wax war ah ka geyn.

Read the rest of this entry

Saxaafada Pundland oo laga mabnuucay in ay baahiyaan wararka kooxaha Atam ee dagaalka kula jira mamaulka Faroole

Saxaafada Punland oo horey ul la shaqeyn jiray mamaulka Faroole ayaa siweyn looga mabnuucay tabinta wararka kooxaha ka soo horjeeda mamaulka Faroole kuwaa oo dagaal ba an kula jira iyadoona wararka dagaalada ay qadaan kooxaha uu hogaamiyo wadaadka yar ee Atam laba sheegin.

Read the rest of this entry

Xukuumada raisul wasaare Gaas oo lagu eedeeyey iney heshiisyo cusub oo qarsoodi ah la gashay shirkado iyo heyaddo shisheeye

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa waxay si kulul u eedeeyeen Xukuumadda Ra’isul wasaare C/weli Max’ed Cali Gaas oo ay ku eedeeyeen inay gashay heshiisyo gaar ah oo Baarlamaanka aanu ka warqabin iyo inay ka shaqeynayso danaha deegaanada Puntland.

Read the rest of this entry

Xildhibaanada taageersan Madoobe Nuunow oo ka soo horjeestay shirarkii wada tashiga ee ka dhacay Muqdisho iyo kan Garoowe

Kulan maanta xarunta golaha shacabka Qaranka ee magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Xildhibaannada ka soo horjeeda Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxay kaga soo horjeesteen shirarkii wadatashiga ahaa ee lagu kala qabtay magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe iyi natiijadii ka soo baxday intaba.

Read the rest of this entry

Khaatumo State oo laga soo dhaweeyay Norway

Kulan balaaran oo ay ka soo qeyb galeen boqolaal dad ah iyo siyaasiga caanka Prof. Cali Khaliif Galeyd ayaa shalay galab ka dhacay caasimadda dalka Norway ee Oslo. Kulankan oo ahaa mid ay u wada dhamaayeen jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan caasimadda Oslo ayaa waxaa loo hadlayay arrimaha maamulka cusub ee KHAATUMO STATE OF SOMALIA iyo xiisadda colaaleed ee gobolada waqooyi ee Soomaaliya ka taagan.

Read the rest of this entry

War deg deg ah: Agoustine Mahiga oo loogu Hanjabay Hadii uusan Mudo 24-saac Muqdisho uga bixin in la xirayo

Waxaa Maanta Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan garabka uu Hogaamiyo Madoobe Nuunow Maxamad oo kulan ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho si kulul ugu eedeeyeen Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay.

Read the rest of this entry

Madaxweyne Shariif oo loogu han jabay in xilka laga qaadi doono

MUQDISHO:- Xildhibaanada baarlamanka Somalida ayaa fariin hajabad ah udiray madaxweynaha Somalia Shariif Sh.Axmed . Kulan ay manta Muqdisho ku yeesheen xildhibaanada baarlamaanka ee dhowaan xilka ka qaaday Shariif Xasan ayey ku weerareen madaxweynaha . Waxaa ay sheergeen in madaxweynuhu uusan dhex dhexad ka aheyn qilaafka labada garab ee baarlamanka somalida .

Read the rest of this entry

Madoobe Nuunow Maxamed oo maanta si kulul u weeraray Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya

Madoobe Nuunow Maxamed oo isagu rumeysan in uu yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya, ayaa wuxuu maanta uu si weyn uu u weeraray Raa’isal Wasaaraha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed.

Read the rest of this entry

Daawo:Waxgaradka Hiiraan Oo Ka Talabixinaya Siyaasada Cakiran Ee Gogoblkaasi. Somali Channel

Xildhibaanada Taageersan Madoobe Nuunow oo Muddo laba Cisho ah u qabtey in uu Baarlamaanka ku Horyimaado Madaxweyne Shiikh Shariif

Xildhibaanada Baarlamanka ee ka soo hor jeeda Guddoomiyanimada Shariif xasan ayaa Kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho,kaasoo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha ay doorteen Xildhibaanadan Madoobe Nuunoow ayaa si gaar ah waxa ay xildhibaanadu uga hadlayeen Doorka Madaxweynaha Dawladda Fgederaalka Soomaaliya uu ka taagan yahay Khilaafka ka dhaxeeya Xildhibaanada Baarlamaanka.

Read the rest of this entry

Admiral Faarax Qare: Ciidanka Badda Soomaaliya Waa Ciidanka Kaliya ee Aan Dibadda Lagu soo Tababarin

Muqdisho (Moment Media Group) Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) oo ah taliyaha ciidanka badda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in haddii la tayeeyo ciidanka badda ee hadda ku sugan Muqdisho ay awoodi doonaan inay wax badan ka qabtaan dhibaatooyinka ka taagan badaha Soomaaliyeed.

Read the rest of this entry

Balaayo Hor Ley Iyo Kala Boobka Dhulka !!

Inta la hubo waddanka Soomaaliya waxa uu leedahay 8.200.000 hektar oo ku habboon beerista dalagga kala duwan, intaas waxaa u dheer xeeb badeed dhirirkeeda kor u dhaafay 3000 km oo ay ka buuxaan kalluun nooc waliba leh,dhul baaxad weyn oo isla siman, labo webi iyo dhowr togag waaweyn, macdan nooc waliba leh iyo cimilad u saamaxday in seddaxdii bilood ba lagu goosan karo dalagga nooca masagada iyo galeyda, nicmooley nooc waliba leh, intaas oo kheyraad ah uu Allaah ugu barwaaqeeyay ayaa intii ay dadaal iyo tacab muujin lahaayeen waxaa soomaalida looga maara waayay is dil, is dagaal iyo hadal badnaan oo jiimo ugu fadhinin.

Read the rest of this entry

Prof. Galeydh oo Norway soo gaaray, wareysina siiyay Calanka

Siyaasiga caanka ah ee Soomaaliyeed Prof. Cali Khaliif Galeydh iyo wafdi la socda ayaa soo gaaray caasimadda dalka Norway ee Oslo, iyagoona ujeedka safarkoodu yahay mid la xiriira casuumaad ay ka heleen wasaaradda arrimaha dibadda dalka Norway.

Prof. Galeyd oo wareysi gaaban siiyay shabakadda warbaahinta Calanka ayaa uga waramay arrimo ay ka mid yihiin safarkooda Norway iyo xiisadda colaadeed ee u dhaxeysa maamulada Khaatumo State of Soomaaliya iyo Somaliland, gaar ahaan tan iminka ka taagan magaalada Buuhoodle.

Read the rest of this entry

Inta badan Shaqaalihii Madaxtooyada Soomaaliya oo is Casilay”Xog la helay”.

Sida ay Xog hoose ku heleyso Shabakadda Badweyn Daily News, waxaa is casilay qaar ka mid ah Shaqaalaha Madaxtooyda Soomaaliya. Shaqalaha is Casilay ayaa u badan Xogheynada Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sh Axmed.

Read the rest of this entry

Shariif Xasan oo Saaka si weyn loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo 13-kii bishii Disembar xildhibaanada baarlamaanka ka qaadeen xilka afhayeenka baarlamaanka ayaa maata dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib markii uu ka soo qeybgalay shirkii Kooxda Xiriirka ee Arimaha Soomaaliya ee ka dhacay wadanka Jabuuti.

Read the rest of this entry